September 5, 2008

“Safarka Saylici Boorama ku Yimid Buun Buunin Badan Ayaa ka Dembaysay” Axmed Cali Daahir

Aniguba 30 baabuur shidaal waan ku shuban karaa, dhalinyarada bilaa camalka ahina way ii camiri karaan.

Horta wixii aad u joogtay hadii lagaaga waramo waa arin dhibkeeda leh, xisbiga kulmiye dhexdiisa xurguf weyn ayaa ka jirta, illaa imikana lama yaqaan musharaxa dhabta ah ee madaxweyne ku-xigeenka xisbiga iyo xaalada xisbiga laftiisuba waxa ay ku danbeynayso.

Waxa shalay Boorama soo gaadhay Saylici iyo ninka la yidhaa Ismaaciil Aare, waa run inay jireen taageerayaal soo dhaweeyey Saylici iyo saaxiibkiisa siyaasadda ee cusub, laakiin soo dhaweyntoodu sida loo buun buuniyey maaha.
 
Safarka saylici Boorama ku yimid waa la buun buuniyey, waxan odhan karaa sida wax loo soo tabiyey wax uma dhicin. Waxad moodaa in saylici iyo xulufadiisu qarja-jac iyo aabahay gablan wax ku wadaan, sababtoo ah saylici musharax nimadiisaba moranbaa ka jira. Waxa la isweydiinayaa horta yaa doortay? Ma dad suuqa laga soo kexeeyay oo aan ku jirin golihii dhexe ee xisbiga oo  kaadhadh bug ah loo sameeyey ayaa wax doorta? Waa maya.

Markaa wariyayaasha halkan warka ka direy waxay ahayd inay si dhex dhexaad ah oo wariyenimo warka u tabiyaan, laakiinse way ka xumaatay, warkooduna wuu khashifanyahay. Qofkii Boorama joogay uunbaa qiimayn kara xaalada dhabta ah ee halkan ka jirta. Dadka dibada iyo magaalooyinka kale wixii ay jaraa’idada iyo intenetka ka akhriyaan uunbay u qaadanayaan inay tahay wax jira.
 
Kama masuugayo in nimankan odayaasha ah lasoo dhaweeyo hadii ay muteysteen, taageerayaa shooduna xaqbay u leyihiin inay caleemo qoyan ku soo dhaweeyaan, laakiin waxan ka biyo diiday sida warka loo tabiyey.

Wariyayaashii halkan warka ka diray waxay hadalka u dhigeen in Boorama oo dhami gacmaha u ruxday Saylici. Waar waxan leehay warkaa waxba kama jiraan. Aniguba sodon iyo afartan baabuurba shidaalka waan ku shuban karaa, dhalinyarada bilaa camalka ahina baabuurta way ii camirayaan, caleenta qoyan ee miri-miridana waan u wada dhiibayaa. Hadii calan loo baahdana harqaanlaha waan kasoo tolayaa.

Carooskaba baabuur badan oo lagu galbiyo waa loo kireeyaa. 
 
Saylici Boorama kuma laha taageerada weyn ee saxaafadu siisay, inkasta oo saaxiibka cusub ee siyaasadu (Mr. Aare) uu lugweyn ku lahaa dhaq dhaqaaqa iyo soo dhaweynta loo sameeyey waftigooda. Run ahaantii lacag badan baa lagu bixiyey qaban qaabada soo dhaweynta ee ma jirin taageero weyn oo reer Boorama u hayaan musharaxnimada Saylici.
 
Dadka kamaradu qabatay ee guryaha hortaagan maaha dad usoo baxay inay Saylici sacabka u tumaan ee waa dadkii deganaa guryaha jidka dhinacyada kaga yaal, kadibna markay maqleen hoonka baabuurta ee laba dhacaya waxay usoo baxeen bal inay ogaadaan waxa saaka magaalada kusoo kordhay, ma caroosbaa jira mise waftibaa magaalada yimid?

Sida caadada ah reer Boorama ama soomaliduba waa dhawaaq dhegeysi hadii ay arkaan meel sawaxan ka jiro way kusoo ururaan, metelan hadii meel xabadi ka dhacdo waxad arkaysaa dad ku yaacaya meeshii xabadu ka dhacaysay. Hadaad qofka weydiiso waxa uu ka doonayo meesha xabadu ka dhacayso wuxu odhanayaa waan ka warkeenayaa.
 
Hadii baabuurku hoonka rido waa la mid oo caruurta iyo dumarkaba hoonka lama tuso, labada dhinac ee jidka ayey buuxinayaan. Saylicina wuxu mooday in isaga loo soo banaan baxay, dad badan oo an waydiinay inay garanayaan qofka lasoo dhaweynayo waxay noo sheegeen in ayna garanayn haba yaraatee, sidaas darteedna waxba kala socon, laakiinse ay buuqa uun bay raacinayeen.

Axmed Cali Daahir

Email: weeraar@hotmail.com