September 4, 2008

Kulmiye Waa Xisbi Marin Habaabay.

Xisbi Soomaaliyeed oo shira iyo qabiil Soomaaliyeed oo shira waa la arki jiray ee kuwan ka qayb qaatay shirkan Kulmiye, halkay kasoo baxeen ee ay ku jireen tolaw, waxaad mooda in ay jid khaldan ku kor soconayaan.
 
Xisbiga Kulmiye mararka qaar waxaa lagu tilmaama in uu yahay carqalada ugu wayn ee hor taagan Somaliland, iyo siyaasiyiinta xisbigaas oo waxa dabada ka wadaa ay tahay qabiilka uu dhiigoodu ku shaqeeyo, oo ku sifoobay in ay kolba qabyaalad iyo sheeko caruureed laga soo gudbay waa hore ay ugu sheekeeyaan shicibka Soomaaliyeed inta taageersan Xisbiga Kulmiye.
 
Habar-Yoonis way shirtay oo shirkoodi muu noqon mid dabada ka furan sida kan Kulmiye.  Gudabiirsi waa shiray oo sidoo kale ma noqon mid buuq ka dhex dhaliya Somaliland iyo mid buuq ka dhex dhaliya Gudabiirsi laftigiisa.  Arab sidoo kale!

Qolyooyin fara bada oo kale waa shireen, oo shirkoodi waa ka doodeen waliba si caqliyeeysan ayaa loogu guulaystaa shir kasta oo ay qabtaan Beelaha dagan Somaliland.
 
Kulmiye ayaa shir u dhaqaaqay oo bal is yidhi idinkuna shira,  waatan doorashadii soo dhawee, shicibkiina idinka ayuu ini ogolyahayee, iyo sheeko caruureed aan sal iyo raad toona lahayn.
 
Maxay shiraan futadoodi baa Buuhoodle kasoo muuqate, oo siyaasiyiintooda baaba is khilaafsan oo is fahan wanaagsani ka dhex dhalan.  Saleebaan Gaal wuxuu waligii kasoo horjeeda in uu Siilaanyo meesha Madaxweyne ka noqdo, ayaan dhexdaas ah waxaan maqlay inay heshiiyeen, khilaafkaasna wuxuu noqon doona mid soo noqnoqda.
 
Bal Xisbigan Kulmiye eega?  Ma Xisbi Qaran baa mise waa Xisbi Qabiil?  Yaab!
 
Kulmiye haduu Xisbi Qaran yahay maxaa shirkooda loogu qaban waayay caasimada Hargaysa oo loogu soo hoos noqday Burco oo ay degaan ahaan kasoo jeedaan? Inkastoo lala wadaago.  
 
Cimrigaaga oo raaga Geel dhalayana wuu ku tusaa! Kulmiye wuu marin habaabay oo jidkii way ka leexdeen, waayo shirkii Gar-Adag lagu qabtay wuxuu ahaa shir looga hadlayay danaha guud ahaaneed ee Beesha Habar-Jeclo, laakin siyaasad ayuu isu badalay, oo Siilaanyo oo waxa daba ka wada ay tahay Hunguri iyo isla wayni aan meelna jirin ayaa meeshii u badalay.

Siyaasad iyo in buuq iyo sawaxan soo kala dhex galo beesha uu ka dhashay, tolaw arrintii la isku qabtay maxay ahayd,  ileen Idaacaha ayaan dhagaysanay oo xitaa wariyayaasha jooga Gar-Adag iyo Hargaysaba la xidhiidhnay oo noo cadaan wayday sidii la isku qabtay, inkastoo wax la qar qarinayo ay jiraan, oo meelahaas lala marmarayo waanu heshiinay iyo caynkan.
 
Somaliland qabyaaladii waa kasoo gudubtay, maanta haday dib ugu noqoto, cidda loo raacaya waa Kulmiye iyo wixii la halmaala, war hooy! Inta ay goori goor tahay ka waantooba oo khilaafkiinan kasocda Burco ku xaliya si degdeg ah, hadii kale sheekadu waxay noqonaysa in uu qabiil kastaa yidhaah, hanala hoos yimaado aniga iyo qabiilkayaga, xaarantii 20ka sano la qasanayay ayaa ku xigi doonta.
 
Kulmiye waxaa la gudboon inuu ka shaqeeyo nabada Somaliland, hadii ay Habar-Jeclenimo u haamoonayaan, waxaanu leenahay hanaga wasakhaynina qaranka aanu maalkayagi, maskaxdayadi, iyo muruqayagiba kusoo dhisnay!

Abdikarim Ahmed

Email: skyword268@hotmail.com