September 4, 2008

Dhanxiir Muxuu ka Yidhii Wada Hadaladda Heshiiska Kulmiye Dhexdiisa

Maansha Allaah; Alleylehe, odaygii gadhka caddaa ee Saleebaan-nuur durba waa kaa iscaddeeyey in aannu calool-xumo iyo cadaawad toona u hayn Axmed-Siilaanyo oo uu Garadag ku saamaxay, kol haddii isu diyaarinayo dhexdhexaadinta garabka saaxiibaddiisii ASAD iyo odayaasha KULMIYE ee ooduhu iska sudheen.

Weger; Adeer, Aw Saleebaan Guurti buu u yahay inuu geed walba ka garnaqee, waxaan ku weydiiyey odayaasha KULMIYE ee Burco isku soo afdhaafay arrinkoodu wuu iska dhowaaye xaggee xadhkuhu ka khaldameen, illeyn waa tan wadahadalladii la baajiyey ee weliba rag badan afku u cuncunayo wax-ka-sheegga dhinaca ay ishayaan. Cajab!

Jamhuuriya Online