August 30, 2008
Waa In Xal Laga Gaadho Khilaafka Soo Dhex Gallay Xisbiga Qarran Ee Kulmiye

Waxaa Mahad oo dhan iska leh ilaahay raxmaanka, khaaliqa, uumay dunida iyo khalqiga ku dhex nool, naxariis iyo nabadgelyo buuxda waxay u sugnaatay nebigeenii suubana Muxamed C.S.W. Waxaan sidoo kale qoraalkaygani kaga faa’iidaysanaya inaan hambalyo u diro shacabka islaamka ah gaar ahaana shucuubta ku hadasha afka Soomaaliga bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo foodda inagu soo haysa.
Allaha weyni ha ina gaadhsiiyo, hana inaga dhigo kuwii ku camal falla kheyrka ay bisha barakaysan ee ramadaan huwantahay oo ah bishii la soo dejiyey quraanka kariimka ah.
Intaasi akhristayaasha qiimaha iyo qadarinta mudanlow markaan ka imaado, aan usoo dego dulucda qoraalkayga uu doorka maanta ah xanbaarsanyahay, waxaan inbadan ku qaata ka fekerka Somaliland mustaqbalkeeda, wada jirkeeda, horumarkeeda iyo taabo galkeeda, mararka qaarkood ayaan isweydiiya hamiga kugu jira miyaanu ku jirin siyaasiyiinta hirdamaysa ee mid weliba damaciisa u ordaayo, waxaan akhriste isweydiiya dalkani miyaanu ahayn kii boqolaalka kun ee qof u dhinteen una halgamaayey xorriyad iyo madax banaani, miyaanu ahayn kii ay ka dhasheen Faarax Oomaar, Sheekh Bashiir, Timacadde,Lixle, Gacma dheere, koodbuur, Maxamed Cali, Sh. Muuse Goodaad, iyo qaar badan oo kale, miyaanu ahayn kii ay dadkiisi xorriyad ay helaan dartood ay u badheedheen inay guryahooda uga baxaan halgan qadhaadh oo ay la gallaan keligii taliyahii macangaga ahaa ee Siyaad.
Loolanka Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye - By Aiin Caamir
Waxaan isweydiiya dadka dalkani lihi miyaanay ahayn kuwii xariirnimo iyo gobonima dartood u lumiyey callankii ay hellaan 4 maalmood gudahood iyagoo diiday inay todoba bixiyaan kana door biday helidda riyadii hungowday ee shan soomaaliyeed, miyaanay ahayn kuwii dhexda marada u xidhay sidii walaalahooda jibouti ay ula hadhsanlahayeen naacawda macaan ee xornimada lana gallay halgankii ay kula jireen gumaystahii faransiiska, miyaanay ahayn kuwii habeen iyo maalin abaal looga dhigay in hiirta aroornimo iyo gabal dhacaba diyaaraddo lagu garaaco, ee haddana maanta iloobay.
Haddii aynu nahay qarranka intaasiba soo maray, maxaa innaga dhexdeena dhigay cadaawad, caadifad iyo necayb siyaasadeed, Xisbiga Kulmiye waa xisbi ka mid ah axsaabta qarranka Somaliland, haddii uu qaloocdo oo uu burburo miyaanay ka dhignayn Somaliland jeex ka mid ah ayaa dumay, yey farxad u tahay burburka ku yimid, yey naxdin u tahay? waxaa qaba fekerka dimuqraadiyadda iyo tallo wadaaga waa mid aynu qaadanay, tijaabinay ogaanayna inuu yahay ka keliya ee wax kasta lagaga gudbi karo.
Burburka Kulmiye waa masiibo Somaliland ku timaada, sidaasi oo kale burburka UDUB iyo UCID waa masiibo kale oo ku habsatay Somaliland, waayo sababta aan taasi u leeyahay akhriste waxay tahay Kulmiye UDUB iyo UCID waa axsaab loogu tallo gallay inay qarniyada soo socda jiraan oo jiilba jiilka kale ku bedelo una noqda khariirad siyaasadeed oo aynu kala raacno, shacabka Somaliland-na u noqda fursad ay ku kala bedeshaan dar weynta siyaasiyiinta ah ee Somaliland iyo fekerkoodaba, isla markaana aynu ku bedelano nidaamka qabiiliga ahaa ee aynu ku dhisanahay.
Waxaan aad u qosla jaahilnimada iyo aqoon darrada iyo feker xumada haysata qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinteena maalin dhawayd ayaan akhriyey war ku saabsana jaamacadda Hargeysa oo arday ka qallin jabisay, waxaa halkaasi la isku weydaarsaday aaraho siyasadeed, feker xalaal ah iyo duur xul farabadan, waxaan arkay Madaxweyne Rayaale oo dhinaca kale ka qayb gallay xaflad kale oo loo qabanaayey macalimiin qalin jabisay wuxuu yidhi "waxaan uga qayb geli waayey xafladda qallin jabinta jaamacadda Hargeysa waxay noqotay meel siyaasadda lagu hadal hayo, oo aan waxbarasho lagu hadal hayn" Somaliland-neeey waa kaasi garaadka iyo maskaxdii aad doorateen, waa taasi aqoontii iyo wanaagii aad doorateen Madaxweyne adiga iyo wasiirkaaga tacliintu waxaad ka aradantahiin aqoonta macnaheeda, ilbaxnimada iyo furfurnaanta adduunyada, waxaanad aqoonta u taqaanan in guri dhexdii laga xukuma dadka, waa maxay waxbarashadu?, waxbarashada iyo siyaasaddu maxay kala yahiin?, yey yahiin kuwa qallin jabinaya?, siyaasadda miyaa laga maarma?, siyaasadda iyo waxbarashaduse miyey kala maarmaan?, Madaxweyne Rayaalow jawaabtu adiga ayey ku taalla.
Waxaa taasi iga keentay marka hore ayeyna siyaasiyiinteenu fahansanayn dimuqraadiyadda iyo siyaasadda macnaheeda, waxay u haystaan siyaasadda iyo dimuqraadiyadda doorashada iyo codbixinta iyo xukunka, laakiin mudanayal waxaan idiin sheegaya in siyaasaddu ay ka baaxad balaadhantahay taasi faylasofeer caan ah oo ka mid ahaa tiirarkii keenay fekerka dimuqraadiyadda Christopher Allun oo dhalashadiisu ahayd faransis ayaa waxaa kelmadiisa ka mid ahaa "siyaasaddu waa ilbaxnimo haraad tirta ummad u boholyeysan helitaanka maamul ku dhisan cadaalad, dimuqraadiyadduna waa salka ay siyaasaddu ku dhisantahay,aqoonta iyo fekerkuna kama maarmaan siyaasadda".
Aniga oo aan cidna dhaliil u hayn, jecel wanaaga iyo horumarka iyo maamul wanaaga iyo cadaaladda iyo karaaamada shacabkayga iyo dalkayga aan jecelahay ee Somaliland han weyna u qaba inaan maalin maalmaha ka mid ka mid noqdo dadka saamaynta ku leh nolosha siyaasadda Somaliland oo ah jiilka soo socda ayaan doonaya inaan tallo iyo tusaale usoo jeediyo walaalahayga Xisbiga Kulmiye.
1. Waxaan walaalayaal ilaahay dartii idinka codsanaya oo aan ilaahay idinku dhaarinaya in idinkoo xeerinaya wanaageena, qaranimadeena, sharafteena, tiina xisbinimo, wada jirka shacabkeena iyo taageerayashiina, inaad isku tanaasushaan.
2. Inaad ogaatan in cadawgiinu aanu keliya ahayn UDUB ama UCID ee uu yahay ka dalkani la jecel inuu markale xornimadiisii bohol ku laalo, waxaynu leenahay cadaw badan oo ku geedaman gobolka aynu ku noolahay, idinka oo eegaya waa inaydun isku tanaasushaan.
3. Waxaan usoo jeedinaya walaalkay/adeerkay C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo garabka siyaasadda ee uu hogaaminaayo iyagoo haysta khibradii loogu doortay dalkani Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland 15 sannadood ka hor, isagoo haysta sharafta uu ku leeyahay gobolada dalkani inay ka tanaasulaan damacooda, sababo badan oo jira oo aanan doonayn inaan halkani mid iyo laba usoo bandhigo awgood.
4. Waxaan usoo jeedinaya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye isla markaana ahaa ninka loogu doortay xisbigaasi musharaxiisa inuu isagu qaato masuuliyad kasta khaladkeeda, waa inaanu cid kale garabka saarin ee uu dhex u noqdo dhammaanba siyaasiyiinta kale ee damaciisa oo kale leh, waa inaanu magac xumo iyo siyaasad xumo kaga tagin mansabka siyaasadda, waxaan qaba in Maandhow Axmedow taariikhdu ay is qorto, haddii aad jeceshahay oo aad doonayso inaad magac iyo maamuus umaddaada kaga tagto waa inaad dhaxal galkeeda la timaado, waana in aad adiguna ka tanaasusho u kala eexashada iyo garab saarka iyo go’aan laciifnimada.
5. Waxaan usoo jeedinaya xubnaha ka kala tirsan labada garab ee xisbiga Kulmiye u kala jabay in ay xaaladda dejiyaan isla markaana ay ogsoonaadan in midnimadii xisbiga la soo celiyo oo afka laga daayo laba garab, isla markaana la mideeyo xisbiga.
Waxaan usoo jeedinaya siyaasiyiinta kale ee aan ka tirsanayn xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda
1. in aanay qayb ka noqon dacaayadaha, buun buuninta iyo inay dab iyo baansiin ku qabtaan xaaladda uu Xisbiga Kulmiye wakhtigani ku suganyahay
2. Waxaan usoo jeedinaya siyaasiyiinta somaliland kuwa muxaafidka ah, kuwa mucaaridka ah iyo kuwa madaxa bannaan in ay gurmad ka noqdaan arrintani xalkeeda, ogaadana in berri ka maalin ay iyagana ku dhici karto, Xisbiga Kulmiyana abaalkeeda celin doono.
3. inay ogaadaan burbur iyo kala qaybsanaan ku timaada Kulmiye inay tahay burbur iyo niyad jab ku yimid qaranimadeena iyo dimuqraadiyaddii aynu dooranay.
4. Waxaan usoo jeedinaya Xukuumadda Somaliland inay joojiso cadaawadda iyo xumaanta ay u hayso walaalahooda xisbiga Kulmiye isla markaana ay joojiso dacaayadaha raqiiska ah ee ay warbaahinta ay maamulaan soo marinayaan ha noqdeen kuwa internetka ama kuwa ay gacanta ku hayso.
5. Waxaan usoo jeedinaya Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ah xisbiga keliya ee haysta khibradda uu kaga gudbay xaaladani oo kale inuu gurmad u noqdo xisbiga Kulmiye isla markaana ay ku biiraan ergada dhex dhexaadinaysa xisbiga Kulmiye.
Waxaan usoo jeedinaya Shacabkayga aan jecelahay ee Somaliland in ay diidaan burbur ku yimaadda axsaabteena oo dhan ha noqdeen UDUB, Kulmiye iyo UCID siyaasadda iyo kala doorashadu waa halkeeda, laakiin burburinta mid ka mid ahi ha noqoto mid aydaan ogolaan.
Allaha weyn ayaan ka baryaya inuu Somaliland ka dhigo meel cadaaladda, wanaaga iyo wada jirku calaamad u noqoto, allaha weyn boggooda burcad ha isku mariyo dhammaanba siyaasiyiinta Somaliland gaar ahaana walaalaha xisbiga Kulmiye ee khilaafka sokeeye soo dhex gallay.
Allaha weyni ha ina siiyo hogaan caadil ah oo dadka iyo dalka u horseeda horumar ku dhisan islaamnimo, wada jir, cadaalad iyo kala danayn.
Somaliland Guul iyo Gobonimo.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
East London, UK.
Email: diridhaba@gmail.com






