August 29, 2008
Iscasilaada Shirgudoonkii Golaha Dhexe Xisbiga Kulmiye + Khilaafka Wali Cakiran + Cadhada Taageerayaasha iyo Cidhiidhsiga Xisbiyada

Shirweynihii golaha dhexe ee dhawaan kaqabsoomay Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco, ayaa dibada usoo saaray khilaaf huursanaa mudo dheer oo u dhexeeyay hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, kuwaasi oo ay inbadan beenin jireen masuuliyiinta xisbigu.
Shirka Golaha dhexe oo ujeedadiisu ahayd in lagusoo xulo musharixiinta xisbiga uga qayb gali lahaa doorashooyinta 2009 ee fooda inagusoo haysa, in ladoorto gudidii golaha dhexe ee xisbiga, dhamaystirka xeer hoosaadka golaha dhexe iyo magacaabida hogaanka golaha dhexe, ayaan intaba sidii loogu talo galay waxba uga suurto galin, kadib is garbin laga dhex dareemay garabyo huursanaa oo golaha iska muujiyay.
Siday warbaahintu baahisay, sababaha ugu horeeya ee dhaliyay khilaafaadka, ayaa lagu sheegay gacan maroorsi uu sameeyay gudoomiyaha xisbigu, isaga oo adeegsanaya awooda jagada uu kufadhiyo. Waxaana lasheegay in gudoomiyuhu cadaystey in aan loo joojin doonin cid kasta oo ka hortimaada qaabka uu hawsha u wado. Taasnia waxay sababtay in rag badani aanay ku qancin, kana hormiyaadaan kali talisnimada gudoomiyaha.
Waana ta dhalisay in madashii shirka ay ka dilaacaan laba garab oo midiba ka kale ku eedeeyay inuu gacanta ku qaatay sharciyadii iyo qawaaniintii xisbiga.
Majirto ilaa haatan wax xal ah oo loo helay khilaafkii ka dhashay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye. Waxaana ku soo kordhay in shirgudoonkii golaha uu isna la kala saftey labada garab, halka G/ku-xigeenkii shirgudoonka Maxamud Jamac Warfaa si cad ugu eedeeyay Gudomiyaha xisbiga in uu dusha u ridan doono wixii meesha kadhacay.
Sidoo kalena xoghayihii Guud ee Golaha dhexe C/risaaq Ciyaale, ayaa isna shalay iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbigaba, isagoo ugu baaqay taageerayaashii iyo inta ay talo wadaagaanba inay go’aankan qaateen, kana tashan doonaan mustaqbalkooda siyaasadeed halka ay ku tiirin doonaan.
Dadka siyaasada Somaliland rogroga ayaa khilaafaadkan kulmiye kutilmaamay dhaawicii ugu xumaa ee soo gaadha mid kamid ah sadexda xisbi ee kajira Somaliland. Waxayna aragtidani intaas raacay inay adkaan doonto dhayida dhaawacyada xisbiga kasoo gaadhay khilaafaadka ilaa maanta taagan. Halka ay aragti kalena leedahay, si kasta oo loo xaliyo khilaafaadka jira, kala jabka iyo is dhaleecaynta xisbiga dhexdiisa kasocotaa waxay meesha kasaartey rajo marka horeba liidatay oo xisbigu kaqabay doorashada soo socota ee Somaliland.
Khilaafaadkani, kuma eka hogaanka xisbiga uune, waxay saamay xoog leh uyeelatay taageerayaasha xisbiga oo lakala saftay garabyada xisbigu ukala jabay, waxaana maanta gudaha iyo dibadaba taageerayaasha Kulmiye qoloba kuwa kale ay waydiinayaan garabka ay lasafan yihiin, iyaga oo qolo waliba isku aragta inay iyagu saxan yihiin. Halka taageerayaal kalena isha kuhayaan halka uu xaal kudambeeyo.
Arintu saday doontoaba ha ahaatee, waxa aan marnaba lagu kala aragti duwanayn foolxumada siyaasadeed ee la soo daristey xisbigii Kulmiye, oo in badan wixii lagu xaman jiray dibada uga soo baxeen, hadii aan si deg deg ah xal loogu helina, iskadaa doorasho ay galaane jiritaanka xisbiga ayaa meesha ka bixi doona, iyada oo kala jabkani faa’ido dhinaca kale uyahay xisbiyada kale ee ay tartanka lagali doonaan.
Dhinaca kale, arintani waxay fariin u diraysaa xisbiga talada haya ee UDUB oo aan wali shirweynihiisii golaha dhexe qabsan, hadii ayna ka fogaan shirweyne; beelo lagu soo xulo, hadii ayna ka fogaan, nin jeclaysi, ismahadin, isgarabyaac, danta shakhsiga ah iyo kala dambayn la’aan inay ku dambayn doonaan "isha cali ka lulato".
Waxaana looga baahan yahay UDUB inay shirweynahooda golaha dhexe kusaleeyaan gobolo, iyada oo tixgalin gaar ahna lasiinayo gobolada xisbigu codadka badan kahelay iyo kuwa uu karajaynayo hada ee soo kordhay sida Gobolada Sool iyo Sanaag Bari, kuwaasi oo lafilayo inay gabi ahaanba codkooda kushubi doonaan xisbiga talada haya ee UDUB oo lagu tilmaamo xisbiga kaliya ee ay kamuuqdaan una siman yihiin guud ahaanba gobolada Somaliland.
Ahmed Ismail Abdi
Ahmed Ismail Abdi
Multimedia University - Malaysia
Email: xaaji810@yahoo.com






