August 28, 2008
“Waxaan go’aansaday inaan kalsoonidii kala noqdo Xisbiga Kulmiye…” C/risaaq Ciyaale Xog-hayaha guud ee Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye
Hargeysa, (Harowo) - Xog-hayaha guud Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE C/risaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaale) isla markaana ahaa Xoghayihii Shir Gudoonkii Shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE dhawaan uga qabsoomay Magaalada Burco ayaa caawa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xog-hayihii guud ee golaha dhexe Xisbiga KULMIYE isla markaana kalsoonidii kala noqday Xisbiga.
C/risaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaale) oo isaga iyo xubno uu ka mid ahaa Hogaanka Golaha dhexe ee KULMIYE loogu doortay Shirkii Burco dhawaan xisbigaa ugu soo qabsoomay ayaa sidoo kale ugu baaqay taageerayaashiisa iyo inta la fikirka ah inay go’aankaas oo kale qaatan Xisbigana kalsoonidii kala noqdaan.
C/risaaq Ciyaale isaga oo sharxaya sababta uu go’aankan u qaatay iyo waxa ku kalifay ayuu eedeeda dusha ka saaray inay ka dhalatay labada garab ee Xisbigu u kala jabay oo mid walba tiisa ku dhegan yahay isla markaana gudoomiyihii la rabay inuu tanaasulo isna ka dhega adaygay oo damaciisi iyo kala xulashadiisi xubnihii ku tartamayay Musharaxa madaxweyne ku-xigeenku keentay in xisbigu kala jabo sidaana uu guul u arko Md. Siilaanyo, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Mr. Ciyaale oo warsaxafadeed uu caawa soo saaray warbaahinta u akhriyayaana waxa uu ku bilaabay hadalkiisa sidan "Ujeedadu waxay tahay warsaxaafadeed go’aan kalsooni kala noqoshadayda ee Xisbigii anigoo ah Xog-hayihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye magacayguna yahay C/risaaq Jaamac Cumar ina ciyaale, waxaan manta oo ay bisha August 28, 2008 aan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan iska casilay xilkii xog-hayaha guud ee aan ka hayay golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE sidoo kale waxaan guud ahaan kalsoonidii kala noqday ka mid ahaanshihii Xisbiga KULMIYE waxaanan sidoo kale ugu baaqayaa taageerayaashayda iyo inta kale ee aanu talo wadaaga leenahay inay iyaguna qaataan mawqifkayga oo kale sabababaha hoos ku qoran awgeed."
Isaga oo sababahaas sheegayana waxa uu yidhi "Sabababaha igu kalifay go’aankan igu dhaliyay inaan kalsoonida kala noqdo Xisbiga Kulmiye waxay igu dhasheen markii uu ka qabsoomay magaalada Burco Shirweynihii labaad ee golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye, August 23, 2008 ilaa August 26, 2008 ka qabsoomay, shirwaynahaas oo aan marka horaba ka biyo diidsanaa habkii loo soo qaban qaabiyay iyo habkii loo soo xulay ergooyinkii shirweynaha kaas oo lagu duudsiyay saamigii ay xaqa u lahaayeen degaanada aan ka soo jeedo.
Markii uu qabsoomay shirwaynahaasi waxa lagu doortay shir gudoon aan ka mid ahay fadhigii kowaad ee shir waynaha waxa markiiba soo waajahay shirka xaalad xasaasi ah oo siyaasiyan iyo fikriyan lagu kala qaybsan yahay ka dib markii la ogaaday in gudoomiyaha xisbigu uu gaar u calmaday mid ka mid ah musharaxiinta jagada Madaxweyne ku-xigeenka ku tartamayay ee Xisbiga isaga oo si cad ugu ololeeyay, musharaxiintii kalana waxay taasi ka muujiyeen dareen walaac leh taasi oo sababi gaadhay inuu shirkiiba gacantayada ku bur buri gaadho.
Isaga oo ka waramaya dedaalkii qodobka lagu kala qabsamay ayaa waxa uu yidhi "Qodobka la isku hayay wuxuu ahaa qodob ka mid ah xeer hoosaadka golaha dhexe ee tilmaamaya habka loo dooranayo musharaxiinta, waxa daraafkii gudi qaban qaabadu soo diyaarisay ku qornaa waxa helaya musharaxa hela cod hal dheeri ah, waxa kale oo shirkii laga soo jeediyay fikrad ah waa inuu helaa cod buuxa uu helaa musharaxa ku guulaysanaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, taas oo la yidhi waxaynu waafajinaynaa xeerka xisbiga oo gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa marka la dooranayo lagu kala saaro."
C/risaaq Ciyaale isaga oo ka hadlaya aragti ahaan sida ay shirgudoonkoodi ula muuqatay iyo wixii ay talo moodeen ayaa wuxu yidhi "Taas macnaheeda waxaanu u aragnay in cod loo qaado ay la mid tahay doorashadii oo dhacday oo qolada waydaa shirkii ka dareerayaan ayaanu ka baqanay, markaa shir gudoon ahaan go’aansanay in aanu maalintaa shirka xidhno si aanu isugu soo dhawayno musharaxiinta iyo dareenka ay ka qaateen Gudoomiyaha Xisbiga, oo isagu aan musharaxa madaxweyne nimada xisbiga cidi kula tartamayn, balse si xoog leh ugu ololaynayay musharaxiinta ku loo lamayay jagada Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka, waxaanoo suurta gashay inaanu shirka xidhno oo aanu galabtii fadhi isugu keeno Gudoomiyaha Xisbiga iyo afarta gudoomiye ku-xigeen ee Xisbiga iyo afarta musharax ee madaxweyne ku-xigeenka iyo afar oday oo la socday, xog-hayaha guud ee xisbiga, ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada, sadexdayadii xubnood ee shir gudoominayay shir weynaha, si kasta oo aanu isugu dayno in aanu ka dhalino fadhigaas isu tanaasul isu soo dhawayn is qancin.
Isaga oo ka hadlaya isku daygoodi ay ku rabeen in labada dhinac isugu soo dhawaadan iyo wixii ka soo baxayna waxa uu yidhi "Wuxuu ku gabagaboobay baanis is eedayn iyo dhinac wal oo aan ka dhaqaaqin meeshiisa, dhinaca in uu garaabo ahayd wuxuu ahaa dhinaca gudoomiyaha isla markaana ahaa murashaxa madaxweynaha aan cidi la tartamayn, balse taasi may dhicin kamanay suurta galin, markii aanu xal kale waynay madax meel ka saraysaana aanay jirin waxaanu u soo jeedinay dhinacyadii is hayay in bari cod loo qaado, oo wixii la isku hayay natiijada ka soo baxda cid walba ku qanacday shirkana sidaa bari lagu furo.
Mar uu ka hadlayay jawiga madashii shirweynuhu ka socday ku waabariisatay iyo sida khilaafkii u sii batayna waxa uu yidhi "Subaxnimadii markii la isku yimiday madasha shirweyanaha waxaanu maqalay in aanay imanayn laba musharax oo u taagnaa jagada Madaxweyne ku-xigeenimada oo kala ah Cabdiraxmaan aw cali faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami shir gudoon ahaan waxaan u dirnay ergo laakiin ergadii umay suurta galin inay shirweynaha keenaan labadii musharax, dhinaca kale ee madasha shir weynaha ku sugnaa waxay ku adkaysteen in shirka la wado maadama uu kooramkii dhan yahay wada tashina la galnay gudoomiyaha xisbigu wuxuu ku adkaystay in sidaa la yeelo.
Markaanu shir gudoon ahaan eegnay khilaafka siyaasiga ah iyo ka sharciyadeed waxaanu go’aansanay in aanu badbaadino sharciyada aanu ku fadhino iyo ta ku qoran xeerka oo aanu raacno sharciyada maadama oo kooramka shirku dhan yahay, si aanay u dhicin in shirkii gacantayada ku burburo sidaas ayaan shirkii ku bilownay laguna ansixiyay sharciga xisbiga iyo Musharaxii madaxweynaha ee xisbiga oo gudoomiyaha aanay cidi kula tartamayn iyo musharaxii madaxweyne ku xigeenka waxaanu shirkii soo gabagabaynay shirkii markii lagu dhawaaqay liiska gudida fulinta ee xisbiga kulmiye lana ansixiyay.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray "Mashaqada labaad waxay dhacday oo laysla oogsaday markii lagu dhawaaqay liiska magacyada gudida fulinta ee xisbiga kulmiye taas oo ergooyin badan oo ay gudoomiyaha aad isugu dhawaayeen ay ka biya diideen qaabka cadaalada ka baxsan ee loo soo xulay xubnaha gudida fulinta ee Xisbiga KULMIYE, haday tahay kaadiriinta xisbiga iyo haday tahay saami qaybsiga loo sameeyay degaanada.
Geesta kale isaga oo ka hadlaya sida gudoomiyaha xisbiga KULMIYE u maareeyay arintii khilaafka dhalisay ayuu sheegay inuu guul u arko taas oo siduu ku dooday ka dhigan in gudoomiyuhu hadii uu madaxweyne noqdo oo dalka badh maqan yahay uu ku qancayo inta soo hadha xiligana uu ku faanayo kala jabka xisbiga ku dhacay "Hadaba markaan arkay kala jabka culus ee ku dhacay xisbiga oo uu guul u arko gudoomiyaha xisbiga KULMIYE sida uu warbaahinta ka sheegay taasi waxay aniga ii muujinaysa hadii uu gudoomiyuhu ku guulaysto madaxtinimada Somaliland hadii ay ku timaado inay gobolada qaar ka maqnaadaan inuu guul u arki lahaa labada gobol ee kale ee soo hadhay sida hadaba dhacday.
C/risaaq ciyaale waxa uu sheegay in maroorsiga uu taladii shirka maroorsaday gudoomiyaha kulmiye iyo mawqif adkaanta garabka kale ay keentay inuu go’aankan qaato isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi "Gabagabadii markaan arkay arimahaa aan kor ku soo sheegay ayna ii muuqatay in ilaa bilowgii shirka ilaa dhamaadkii uu gudoomiyaha xisbiga kulmiye uu kaligii maroorsanayay taladii xisbiga isaga oo adeegsanaya mansabka uu xisbiga u hayo, ay taasi dhaliso inay dhinicii kale wax tanaasul ah samayn waayeen, taas oo ka marag kacaysa in dhamaan dhinacyada isku haya xisbiga KULMIYE ay ka door bideen danahooda gaarka ah in aan dhinacna u tudhin danta guud ee xisbiga iyo tii caamka ahaydba.
Go’aankiisa isaga oo sharaxaad ka sii bixinaya wixii soo dedejiyay ayaa wuxuu yidhi "Markaan tix galiyay in danta guud ee qaranimada Somaliland ku jirto ilaalinta, wada jirka iyo is aaminka guud ahaan beelaha Somaliland iyo ilaalinta nidaamka dawliga ah eek u dhisan habka xisbiyada badan ee dimuqraadiga ah anigoo xog ogaal u ah marxalada siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka aloosan mandiqada geeska afrika iyo ta ka jirta gudaha Somaliland ba.
Mr. Ina Ciyaale markii uu ku dhawaaqayay inuu kalsoonidii kala noqday Xisbiga KULMIYE ayuu ugu dhawaaqay sedan "Waxaan go’aansaday inaan kalsoonidii kala noqdo Xisbiga KULMIYE aniga oo ugu baaqaya dhamaan taageerayaashayda iyo cid kasta oo tala wadaag naga dhexeeyo inay go’aankaas oo kale qaataan iyaka oo eegaya maslaxada umada.
Waxaan u balan qaadayaa taageerayaashayda iyo inta aanu isku fikirka iyo deegaanka nahay in mustaqbalka siyaasadeed halkaanu u guurayno iyo xisbiga aanu ku biirayno aan ka tashan doono si wada jir ah oo aanan kaliday gaadhi doonin go’aan".
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: darallao0@yahoo.com






