August 28, 2008
Qodobada Heshiis Hordhac ah oo ay Isla Qaateen Dhinacyada Kulmiye ee Khilaafku u Dhexeeyay
Burco, (Harowo) - dhinacyada isku maan dhaafay doorashadii xisbiga KULMIYE oo tan iyo shalay wada hadal uga socday magaalada burco ayaa heshiis hor dhac ah ka gaadhay khilaafkii u dhexeeyay isla markaana balan danbe ku gaadhay inay wada yeeshaan.
Hadaba warsaxafadeed ay wada jir u soo saareen una kala saxeexeen Muj. C/raxmaan Aw-Cali Faarax iyo Muj. Maxamed Kaahin Axmed sidoo kalan ay ku taxan yihiin xubno culus oo xisbiga ka mid ah ayaa lagu cadeeyay qodobo ilaa 5-qodob ah oo la isku af gartay kuwaas oo u dhignaa sidan:
Shirka kal-fadhiga 1aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye kuna qabsoomay Magaalada Burco 24-26 August, 2008, waxaa ka soo baxay khilaafaad.. Si loo xaliyo wada hadalna lagu dhameeyo khilaafaadka, waxaa dadaal aad u balaadhan ka sameeyey odayaal iyo waayeel reer Burco ah. Waxayna gogol ay ku wada hadlaan u fidiyeen masuuliyiintii Xisibiga ee khlaafkaasi khuseeyey. Sidaana waxay ku suurta geliyeen inay isugu yimaadaan masuuliyiintaasi wada hadal iyo wada tashi 27-28kii August, 2008.
Wada tashi iyo wada hadal dabadeed waxay isku afgarteen, kuna heshiiyeen qodobada hoos ku qoran:
1: In uu sii socdo wada hadalka iyo wada tashigu.
2: In si wada jir ah loo ilaaliyo, loona adkeeyo midnimada iyo wada jirka xisbiga.
3: Khilaafaadka iyo dareemada ka dhashay shirkii kalfadhiga kowaad ee Golaha Dhexe ee Kulmiye ee lagu qabtay Magaalada Burco in lagu xaliyo wada hadal iyo wada tashi.
4: Inta wada tashiga socdo, waxaa reeban dhinac kasta in aan la faafin dacaayado iyo Borobogaandada warbaahinta lagu faafiyo. Wixii war bixin ah ee arintan ku saabsan Waxaa faafinteeda go’aan wada jira ku gaadhaya guddiyada wada hadlaysa.
5: Kulankan wada hadalka u horeeya waxaa lagu heshiiyey in lagu qabto Hargeisa Maalinta Salaasada ee 2da Sebtembar, 2008. xidhiidhinta kulamada waxaa ka masuula Axmed Maxamuud Siilaanyo, C/raxmaan Aw Cali, Axmed Xaaji Cali Cadami.
MAGACYADA MASUULIYIINTA HESHIISKU DHEXMARAYA
1: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
2: Muuse Biix Cabdi Gudoomiye/ Ku Xigeenka X Kulmiye
3: C/raxmaan Aw Cali Faarax
4: Axmed Xaaji Cali Cadami
5: Maxamed Kaahin Axmed
6: Ibraahim C/laahi Dhegoweyne
7: Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi
8: DR Cumar Dixood
9: Maxamed Cabdi Iskeerse
10: DR Cabdi Aw Daahir
11: Xuseen Axmed Caydiid
12: Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeyo
13: Ibraahim Jaamac Cali Dheere (Rayte)
14: Deyr Maxamed Cilme
Waxaa Saxeexay labada Masuul
C/raxmaan Aw Cali Faarax
Maxamed Kaahin Axmed
Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






