August 27, 2008
Wasiirka Waxbarashada Oo Ka Qayb galay xaflad Laysku barayay Maamulayaasha Dugsiyada Hargeysa Iyo Guddoomiyaha Cusub Ee Waxbarashada Gobolka
Hargeysa, (Harowo) - Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada iyo barbaarinta oo uu hor kacayo Wasiirka wasaaradaasi Md. Xassan X. Maxamuud Warsame (Xassan Gadhweyne) ayaa xaflad balaadhan oo la isku barayo u qabtay Gudoomiyaha cusub ee Waxbarashada Gobolka Hargeysa iyo dhamaan maamulayaasha dugsiyada sare iyo kuwa hoose ee Gobolka Maroodi-jeex taas oo lagu qabtay Hoolka cusub ee xarunta Wasaaradda.
Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd is barasho isla markaana ay ka soo qayb galeen dhamaan maamulayaasha dugsiyada sare iyo heese ee gobolka Maroodi jeex, ayaa la isku barey Maamulayaasha iyo Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Waxbarashada Gobolka Hargeysa, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadh-weyne) oo ay wehelinayeen Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, xafladaasi oo hadalo koo kooban oo isugu jiray mahadnaq, dardaaran wada shaqayn laga soo jeediyey, waxaana ugu horayn ka hadalay.
Wasiirka waxbarashada Somaliland Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Waatii aynu maalin hore halkan aan ku kala tagnay ee aan ku arinsanaynay, deg degan aan idinku soo celinay dhawr cishaa laga joogaa oo khamiistii bay ahayd wax kalena maahee sababta aanu idiinku yeedhnay ee deg dega ahi waa inaanu idin barno guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka, nin cusubna maahee macaliniimtii hore weeyi Jaamici lafoole ka soo baxayna ah oo aan ahayn sida joornaalka laga akhriyey nin suuqa looga yeedhay, Xasan anagu maanaan wada shaqayn laakiin aad baanu isku naqaanay aqoona iskuguma kaaya dhina shaqadayaduna laba duruufood iyo laba shaqo oo kala gaar ah ayey ahayd, laakiin intaaba waan la socday macalinimadiisa, iyo lafoolenimadiisa waxana laga yaabaa in qaarkii aanay aqoon qaarkiin yaqaanaan, waxananu is leenahay waa nin Illaahay yaqaana la yaqaana weeyi, kalsoonidiisii iyo aqoontiisii nin leh weeyi, waxaan iska gooyey maaha e kolay dad badan baan talada ka qaatay oo Wasaaradda ka mid ah.
Mudane Xassan Gadhweyne waxa uu sheegay in Gudoomiyaha cusubi ka tirsan yahay wasaarada oo aanu ahayn nin dibada looga yeedhay sida uu Gudoomiyihii hore ku dooday "Siduu ku baaqayey Guddoomiyihii hore ee uu lahaa Wasaradda ka mid maaha, ee nin meel kale looga yeedhay maaha isaguba Wasaarada ayuu ka mid yahay waana ninkaa macalinka ah ee aan idiin sheegay waa nin kaashanaya aqoontiisii iyo raganimadiisii inuu idinkana idin kaashado oo uu gacan idinka hele waxaan qabaa way u fududaanaysaa hawshu waana hawl culus marka loo eego xageena waxbarshada ama Wasaaradda iyo hawleheega.
Agaasimaha Guud ee W/waxbarashada
Waa Gobolka ugu culus ee ugu miisaanka badan ee ugu baaxadda weyn Caasimaddiina ku yaalla dugsiyadana intoodii badnayd caasimaday ku taallaa oo la odhan karo shanta gobo lee kale tirada macalimiinta iyo ardayda 50% weeyi haday wax ka dhiman yihiina wax yar baa ka dhiman kolay, markaa halkaasaad ka garnaysaan hawshan aad u xilsaaran tihiin inay tahay mid culus iyadoo marka horeba ka duruus duwan hawlaha kale oo bani aadam koridiisii barbarin iyo wax baridiisii ay tahay, ma yara hawl yarna maaha hawsha la ina raaciyey iskaashi iyo wada shaqayn iyo xeerka iyo nidaamka u dajisan waxbarashada oo inaynu dhawrnaa waajib inagu tahay horena ugamay soo bixin imikana ka soo bixin mayso Insha Allaahu, waxaan rajaynayaa markaa inaad la shaqayn doontaan oo aad gacan siin doontaan sidaad awalba ula shaqayn jirteen Cali Cabdi Jiciir sidiisii iyo si ka badanba inaad ula shaqaysaan.
Halkani waa caasimaddii, ka sokow waa xaruntii xukuumaddu deganayd maaha meel warku u soo dhaxayo wax walaynu qabanaynaba waa la inala ogyahay oo caasidahaa iska leh mar haday xarun noqoto oo dawladdu fadhido oo ay xarun u tahay laamihii kala duwanaa ama amni ha noqoto ama ciidan ha noqoto ama xukuumad ha noqoto ama golayaashii qaranka ha noqotee waa wax la inala ogyahay hawsheeda iyo hadba wixii jira, marar baa la iga soo wacaa Boliska oo la I yidhaa Iskuulkii halkaa maxaa ka dhacay, ma la socotaa waxa ka dhacay?
Maya baan idhaa wali warkaasi imuu soo gaadhin, markaa ifafaalahaan idin tusayaa waa la inala maamulaa."
Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu halkaa dardaaran ugu soo jeediyey Maamulayaasha oo uu kala dardaarmaya ardayda galinka dambe dhigataa inay dayacan yihiin oo ay u baahan yihiin in dib loo eego, waxaanu macalimiinta iyo guddoomiyaha cusub ku dardaaray inay wada shaqayn wanaagsan wada yeeshaan guddoomiyaha cusub gacma furna ku soo dhaweeyaan.
Dhanka kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Wasriirudawlaha Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Maxamuud Garaad Maxamed waxaanu yidhi "Hadalka inta badan waxa leh Wasiirka isagaana nooga xogogaalsan Wasaaradda in badan joogay munaasabaduna waxay noqonaysaa inaad is barataan Guddoomiyaha cusub iyo dardaarankii la idin odhan lahaa, runtii isbadelku waa caadi qofna xilka lagu magacaabo Madaxweynahaa la doortayna ha ahaatee qof walba wakhti buu leeyahay qolaba wakhti bay leeyihiin oo ama doorashay ku joogaan ama way ku tagaan, qolana ciddii magacawday haday shaqadooda u bogi waydo waa laga yaabaa in haddii shaqadiisa loo bogo muddo badan uu iska joogo oo wasiiro badan iska daba badalaan oo uu sii joogo, hadii aan loo bogina waa la badalaa, badelkunaw aa wax iska caadi ah laakiin qofka shakhsiyadiisa waxa laga garan karaa marka la badelo haduu garto badelku inuu wax caadiya yahay oo aanu meesha lahayn waa khayr, haddii hadal uu shubo oo uu yidhaahdo caddaalad darraa la igu badelay uu wax ku marmarsoodo, tacliintu waa wax indhaha lagu wada hayo oo waalidiintu ilmohooda macalimiintu reeray ka timid ardaydu reeray ka timid cid waliba ishay ku haysaa tacliinta.
Markaa Guddoomiyha cusubna waxaan leeyahay maaha meeshu meel Wasiirka iyo Wariiru dawlaha iyo Agaasimuhu ay isha ku hayaane waa meel bulshada oo dhami isha ku hayso, intaa guddoomiyaha waa loo tagayaa mid baa dadel doonaya mid baa leh waxanaa igu dhacay markaa si uu dadka ula dhaqmo maaha meel in qudhi kula xidhiidhayso, markaa ninkaa guddoomiyaha Gobolka Hargeysa joogaa kuwa kale wuu ka culusyahay waayo iskuuladu intay yihiin haaf ayey ku dhawaanayaa dalka oo culays qayral caadi ah ayaa saaran, meeshaas oo kale hadaad tahay qof caadiya way kugu cuslaanaysaa iska daa qof yara liita e, Guddoomiyahana araggiisu nin odaya ayuu eg yahay anuu qof ahaan hore iskumaanu aqoon lafoole hadduu 1970kii ka baxay waa nin soo shaqeeyey oo mutacalim ah isagana waxaan u rajaynayaa horta bal waxa ugu weyn ee aan kula dardaarmayaa waa Deganaansho oo uu dadka si qabaw oo miyir leh ugu jawaabo meeshu way hadalk badan tahay oo neerfis badan tahaye markaa deganaantu waa muhiim, macalimiintii iyo kormeerkii hore way is qabsadeen waxa Gobolka hoos yimaadaa in nidaamkiisii wixii yara qaloocday si wanaagsan loo soo celiyo "ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka Maroodi-jeex Xasan Abokor Yoonis oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa"Horta waxa weeyi xilku waa dhibaato xilka ma doonto nin ilaahay ka baqayaa waa dhibato xilka waa laga rooraa markaa aniga waa la igula soo rooray ana waan ka aqbalay waan qabtay idinkuna waxaad tihiin dadkii xilkooda la ii dhiibay oo ah Maamulayaashii iskuulada, waxaan hortiina ka ballan qaadayaa inaan cadaalad ku wada shaqayn doono, been iyo iga soo wastee aynaan isku la iman kalmad cad ninkii shaqaysta ee xiisadiisa ka soo baxa, intaga waxa la ina yidhaa Wasaaratu Tacliimiya tacliintana waxa ka horeeya tarbiyadda jadaamau tarbiyadi jirin tacliin ma timaado.
Xasan Abokor Yoonis
Waxaan rumaysanahay anigu oo aan qabaa haddii la yidhaa tacliin lacag ayaa daba taalla oo ninku markuu wax barto wuxuu jecel yahay inuu hanti yeesho oo uu guryo cad cad dhisto oo uu Baabuur kaxaysto laakiintarbiyadda lacagi ma daba taallo, markaa waxaan idinka codsanayaa ee aan meeshan iskugu nimid ee aan mushaharka u qaadanaynaa ee dhididkii iyo dheeftii ka dhuxusha soo shida iyo ka cawska soo shida u cunaynaa inagu waxa weeyi inaynu ubadkeenii badelno oo aynu galino maskax, macalinku maah xisbi, maaha reer, sodon arday buu u soo galayaa oo mujtamaca oo dhan ayaa ku dhan, macalinku markuu sabuuradda ardayga soo taago kanaa reer hebel ah iyo kanaa ii abti ah ma jirto waa iskugu mid.
Macalinku wuxuu ugu jecel yahay waxa maskaxdiisa ku jirta inay ardaydaasi ka wada qabsadaan, haddii mid kaliyi uu qabsado macalinku wuu ka naxaa markaa waxaan idin leeyahay ilaa imika waxaan joogay ilaa daraato, waxaan isku haystay inaan lacaga xaaraan ah cunaayo, waayo 9ka subaxnimo ayaa xafiiskii la imanayaa jadwalkeenana waxa inoogu jirta 7da, anigu saaka waxaan joogay 6:40, kii ugu horeeyey wuxuu ii yimid 8:45, xafiiska markaa waxaan idinka codsanayaa saacadda shaqadu waa masuuliyad ina saaran, ama aynu mushaharka iska goyno saacadaynu habsaanay oo aynu u dayno oo hantida dadweynaha wax kale ha loogu qabtee ama aan shaqaysano.
Illaahayna ha laga baqo, midhka kaliya ee aan is odhanaynaa waa Waar Illaahay baa ina arkaya ee Wasiir iyo Agaasime yaan la eegin Ilaahay maalintaad hor taagan tahay maxaad Illaahay ku odhanaysa, inankaa yar ee gidaarka fadhiyaa laguu dhiibay e, jawaab u sii doono waxaad ilaahay ku odhanayso, waxaan leeyahay ninkii daacad ah, nin kastoow xaashidaad hore u sidtay tuur haday ahayd tu xumaan ah iyo haday ahayd tu wanaagsanba wixii hore guba, new page la soo baxa markaa, ilaahay Malax dhagahayga ha galiyo haddii qof afka ii dhuubo, waxaan indhahaygaa ku arko ayaan ku wada shaqaysanaynaa oo daacad ah oo aanan nina kaga habranayn walaa Wasiir walaa Agaasime walaa nin kale, irsiqayga Illaahay baa haya odhana maayo meeshaa lagaa qaadayaa, markaa waxaan idin leeyahay Illaahay hortii daacad aan u wada shaqaysano."
Ugu dambayntii waxay maamulayaashii kulanka ku sugnaa ay dhamaantood Gudoomiyaha cusub halkaasi u ballan qaadeen inay si fiican u soo dhawaynayaan gacan iyo wada shaqayn wanaagsana siinayaan.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






