August 27, 2008

Qisadii Ma Hubsade iyo Sida ay Isku Sawaabiyaan Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed maxamed Siilaanyo

Waa qiso yaableh oo dhacday tusmo iyo tusaalena u noqon karta saman kasta oo la marayo!

Bari hore ayaa waxa jiray nin adhi badan leh, Ninkani waxa uu lahaa gabadh aad u quruxbadan oo qaan gaadh ah. Ninkan Ilaahay ku manaystey xoolaha faraha badan oo adhiga ah ayaa waxa uu dhex deganaa bulsho aad u faqiir ah, dadkiisana waxa uu ku dhex lahaa sharaf iyo magac weyn oo ,ay dadku ku maamuusaan maalkan adhiga ah ee Eebe ku manaystey iyo isagoo ahaa nin beel balaadhan ka soo jeeda.

Raga damacu waa u door oo laba nin oo degaanka ninkaasi ku noolaa iyaguna deganaa, oo guur doon ahaa ayaa u kala borotamay, dadaal weyna u galay sidii ay gabadha qalanjada ah ee ninkan maal qabeenka ahi dhalay uu midkood ku guulaysan lahaa, una guursan lahaa gabadhaa qalanjada ah! Ma xuma inuu ninka raga ahi dadaal iyo damac la tooso, una halgamo itaalkiisu meel uu dhigaba.
Dadaalka ninba meel ayuu ka bilaabaa …. Nin guul meel dhaw ka hela iyo nin guyaal daba kadleeyaba!

Labadii nin ayaa ninkii ugu horeeyey wuxuu u tagay odaygii maalka adhig ah ee badan lahaa, isagoo calool adayg waa "Ilaahay wehelkii" niyada ku adkaystey, indhahana iskugu qabtey inuu damaciisa oogta uga cadeeyo odayga ay ood wadaagta yihiin, ee gabadha dhalay.

Salaan iyo hasaawe yar oo geed hoostii lagu wadaagay dabadeed, ninkii guurdoonka ahaa ayaa odaygii runta gacanta ka saaray, una sheegay ujeedada socdaalkiisa ku ladhan, wuxuuna si cad afka ugu dhuftay inuu gabadha ka doonayo. "Adeer hadal waa murti iyo hambo!! maanta waxaan u socdaa gabadha aad dhashay inaad i siisid" ayuu ninkii guur doonka ahaa ku yidhi odaygii gabadha dhalay.

Odaygii gabadha dhalay ayaa ugu jawaabay "Ma xumo adeer, waa amuur soo jireen ah in gabadh la isweydiisto, inaan diidmo qayaxan ku idhaahdana xeerka iyo dhaqanka soomaalida kuma jirto, lakiin shuruud ayaan kugu xidhayaa, madaama aadan haysan wax maal ah oo aad ka bixinaysid gabadha yarad ahaan, shuruudaasina waxay tahay: inaad xoolaha adhiga ah ee aan hayo maanta dhamaantood soo dhergiso, aanad reerka ku soo celisid iyagoo dheragsan.

Intuu sarey u booday ninkii doobka ahaa ee gabadha doonayey ayuu yidhi" Alaah waa sahal adeer taa aniga igu daa, subaxa waagu markuu beryo haduu Eebe idmo adhigaa oo dhargey aniga ayaad iga taqaan, marka galabta aan soo hooyana, dherega calooshooda ayaad ka arki doontaa.

Subixii danbe ayuu adhigii dareeriyey, maalintii oo dhan waa nin ilayn gabadh ku doonaya hawshee geed wixii kaynta ku yaalay ayuu kolba jaraa dheemaalka iyo midhahana ka dhameeyey kayntii oo dhan si uu adhiga u dhergiyo, gabadhana loo siiyo. Galabtii ayuu soo hooyey adhigii oo runtii dheragsan intuu doonaba. Waxa ka horyimid reerka duleedkiisa odaygii gabadha dhalay oo hubsanaya inuu adhigu dhergay iyo in kale!

Salaan ay isweydaarsadeen odaygii iyo wiilkii gabadha doonayey ka dib; odaygii ayaa weydiiyey ninkii doobka ahaa "adeer sida muuqata inaad soo dhergisey adhigii ayaan filayaa? "Haa adeer indhahaagaba saw ku arki maysid adeer" ayuu ku celiyey wiilkii, isagoo lalaabkacay hadalka hiyigu weheliyo.

Odaygii ayaa waxa uu soo qaaday laan qoyan oo uu geedku dhawaa reerka kasoo gooyey intaanu ninku adhiga reerka keenin, wuxuuna hor dhigay adhigii isagoo yara hor jiidaya adhiga si uu u hubsado in adhigu daba dhaqaaqo hadii uu gaajo qabo. Adhigii ayaa daba yaacay laantii qoyanayd ee odaygu hor waday! Odaygii ayaa dabadeed wiilkii gabadha ka doonayey ku yidhi "meeday adeer adhiga aad soo dhergisey, ma adhiga gaajada laanta geedka ah la daba yaacaya ayaad sheegaysay inuu soo dhergay?

Ninkii adhiga maanta oo dhan ku soo daalay ee geedihii buuraha oo dhan dhulka u dhigay inay maruun dhergaan adhigu ayaa madaxa qabsaday, wuxuuna naftiisa ku yidhi "waar ilayn adhi ma dhergo ninka dhergi yidhaahdina ilayn ma dhergo".

Hadalkan danbe ee "ninka dhergi yidhaahdina ilayn ma dhergo" waxa uu uga jeeday ninka guur ku doona inuu adhi dhergi yidhaahdana ilayn guur kuma helo! Halkaas ayuu ninkii gabadhii iyo xoogiisiiba ku waawey, odaygiina gabadhiisii kula noqday.

Ninkii labaad ee ninkan gabadha waayey tartanka kula jiray, ayaa sheekadii maqlay, wuxuuna qaaday dariiqo kale oo khiyaamo weheliso, oo uuu dhawr maalmood ka fikiray. Maalmo ka dib ayuu isku qaaday Odaygii gabadha dhalay si uu u weydiisto gabadha tartanka xooga lihi doonisteeda ka socdo.

Wuxuuna ku yidhi "adeer ka dib markii aan maqlay xanta inaad ninkii hore gabadha ugu diiday markuu shuruudii aad hor dhigtey ka soo bixi waayey, ayaan is idhi walaahi hawshaasi waa mid aad ku fiican tahay hadii malaha aad u bandhigto Odayga inaad adhiga dherjin kartidna waxaaba laga yaaba inuu gabadha uu ku siiyo, maantana waxaan kuula socdaa inaad gabadhaada i siiyo, waxaanan kuu balan qaadayaa inaan maalin iyo tobanba aan adhiga dhergiyo adiguna indhahaaga ayaad ku arki doontaa.

Odaygii ayaa la yaabay dhiiranaanta indhaha ninkan gabadha doonaya ka muuqata, markaasuu is yidhi bal kana tijaabi inuu ka soo baxo shuruuda ah inuu adhiga dherjiyo. "Inaad adhigaa ku filaato  oo aad dherjisid ayaan marka hore dhawrayaa adeer, hadii aad ka soo baxdid shuruudaa oo adhiga oo dheregsan aad galabta soo celisid gabadhu waa guur ujoog, waanan ku siin doonaa, lakiin ilaa intaan natiijada indhahayga ku arkayo inta ka horeysa balan afkayga ka heli maysid. Subaxa ayaan adhiga kugu darayaa, kaligaa ayaana daaq gayn doona bari ee ma adhigaasi dhereg? Mise adhigaasi dhergi waa? Ta hore haduu adhigaasi dhergo gabadha adigaa leh, hadii uu dhergi waayase dariiqii ninkii horey maray ayaa kuu banaan, gabadhna iga heli maysid."

Ninkii habeenkii oo dhan ayuu sugi kari waayey intuu waagu baryeyo si uu adhiga u daaq geeyo. Markii uu waagii beryey ayuu adhigii la waabariistey, daaqna geeyey, inyar ka dib markuu adhigii ka fogeeyey reerkii ee aanay cidna arkayn ayuu bilaabay khiyaamadii uu watey oo ah inuu adhigii kolba dhinac u eryo ugana dhaartey inuu geed iyo dhulka cago dhigo, kolba dhinac ayuu u eryaa buurba buur ayuu ku cago gooyaa. Adhigii ayaa daal iyo gaajo iskugu darsantey geed uu hadhgalana waayey, waayo ul ayuu ninkani kaga saarayaa geedkay galaanba! kkkkkkkk " Walee geed aad daaqdo iska daaye lugaanad dhul dhigin" ayuu adhigii ugu heesay, isagoo ogsoon inuusan adhigu marna dhergin, lakiin uu daalo.

Daali adhiga wuxuu yidhaahdaba, adhigii ayaa cago jiid iyo gaajo la socon kari waayey, galabtii ayuuna reerkii kusoo wada hooyey adhigii oo dhaqaaqi kari la,’ lugahana jiidaya!

Odaygii adhiga lahaa ayaa sidii markii hore ka horyimid ninkii gabadha doonaayey si uu u hubsado inuu adhigu dhergay maanta, gabadhana uu siiyo ninka hadii adhigu dhergay. Sidii hore oo kale ayuu geed ama laan qoyan uu hor qaaday adhigii intaanu xerada galin, isagoo hubsanaya inuu adhigu daba dhaqaado hadii uu gaajoonayo, LAKIIN ADHIGII MUUSAN DABA DHAQAADHIN, ILAYN WAA ADHI DAALAY oo xeradii ayuu cago jiid u wada galay, halka qaar kalena ay xerada horteeda ku dheceen.

Odaygii ayaa qushuuc la dhacay, aadna u dhoola cadeeyey, isagoo leh "Waa Eebe mahadii maanta hadii aan helay ninkii gabadhayda aan siin lahaa ee aan mudaba raadinayey, waanan ku siisey gabadhaydii iyo nus ka mid ah adhigayga, waxaanad tahay nin karti leh oo adhigan oo aan waligay dhergin kari waayey inaan ku daalo mooyaane, waanad i tustay inuu adhigu dhergi karo, waanan ku amaanayaa adeer, gabadhiina waan ku siiyey ee iga gudoon adeer!"

Ninkii ayaa gudoomay gabadhii, halkaa ayuuna ku guursaday gabadhii inta badan rag looga dhaartey uuna uga mid noqday reerkii qaniga ahaa.

Hadaba, qisadani waxay si toosa uga turjumaysaa hogaamiyaha xisbiga kulmiye, oo jagada madaxweyne ku-xigeen uga dhaartey Mujaahid Cabdiraxman Aw Cali, oo aan ku tilmaami karno inuu ahaa sidii ninkii kobaad ee daacada ahaa, adhigana dhergin kari waayey, lakiin aan awood kala hadhin isla markaana si khaldan u goostey inuu ku macsuumo Cabdiraxman Saylaci, oo aan odhan karo wuuxuu la mid yahay ninka labaad ee adhiga cago gooyey, wax uu siiyo iska daaye.

Doodan ama faaladan waxan markhaati uga dhigayaa in uu Mujaahid Cabdiraxman Aw Cali uu ahaa halkamaaga kaliya ee usoo jihaaday wadanka somaliland, halka uu Cabdiraxman Saylaci uu saaxda siyaasadeed kusoo booday laba sano ka hor. Waxa ka iman doonana waxa ka jawaabi doona Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ah odaygi gabadha siiyey maanta Cabdiraxman, ugana dhaartey ragii ku haboonaa, tariikhduna waxay xusi doontaa xisbiga kulmiye halka uu ku danbeeyo.

Ismahan Nuur

Saylac.com,  Kuwait  

Email: saylacnews@yahoo.com