August 25, 2008

Ninkii Maqasha Daayacay, Miyaa Geela Loo Diri?

Su’aashan kor ku qoran waxa laga yaabaa in ay dadbadani isweydiinayaan waxa aan ugala jeedo. Hadaba, hadii aan idiin bidhaamiyo macnaheeda iyo duluucda su’aasha. Waxa lagayaabaa in aad su’aasha si fiican uga jawaabtaan.

Hadaba, nin baa bari maqal la raaciyey, markii uu maqashii daaq geeyey ayey maqashii ka luntay oo kala badh dawaco ka cuntay. Markii uu galabtii soo hoyey gosan yar, ayaa lagu yidhi waar Maqasha inteedii kale meeday? Waxa uu ku jawaabay waatan.

Intoo lalayaabay ayaa subaxdii danbe lagu yidh waar geela raac!!!!. Hadaba waxa isweydiin leh nikii maqashu ka baylahday miyuu geel baylah tirayaa? Akhristaha ayaa ka jawaabi doona.

Hadaba waxa aan ummadda reer S/Land weyddinayaa, ninka maamuli kari waayey xusbi ee habeen walba aqalka madow  koox ku shirinaya, MA LAGU AAMINI KARAA MADAXNIMADA IYO TALDAD DALKA?

Jawaabtu waa Maya! Waa habeenkii xalay ahaa ee tagey in uu talo dalka u qabto. Waxaan kula talinlahaa ergooyinka ka soo qayb galay shirweynaha xisbiga Kulmiye ee ka socda Magalda Burco in ay aad uga fiirsadaan go’aamada ay gaadhayaan iyo cida ay damacsanyihiin in ay u soo Sharaxaan Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenkaba waa hadii talo loo dhanyahay iyo shir dimuqraadi ihi meesha ka socdo!

Hadii uu shirku cid gaar ah gacanta ugu jiro oo koox uu Guddoomiyuhu Wato u afduubanyahay waxba yaanu  wakhti idinkaga halaabin meesha ee danihiina ku foofa. Talada Dalkuna Inta Cirku Idiin Jiro In ka Fog ayay Idiin Jirtaa, oo manta dalku uma baahna nin ama koox tidhiihda Anigoo Kursiga Fuula Mooyee waxba socon maayaan.

Dimuqraadiyad ayaa loo baahanyahay shirkana laga rabaa!

ALLAH Mahad Leh.

Yusuf Ceerigabo