August 22, 2008

Kali Talisnimo Kulmiye Meel ku Gaadhi Maayo

Waxaan cadaynayaa oo ii muuqata in la majaro habaabinayo guushii xisbigu hiigsanayey, taas oo ahayd mid ku qotonta talo wadaag iyo walaaltinimo, laakiinse waxaa imika soo baxaya in taa laga guuray oo arinku yahay waa sidaas ee ku soco hadii kale laguu joojin mayo.

Hadii aan taa sharaxo, waxaan ula jeedaa waa gudoomiyaha oo caadaaystay kali talisnimo laga soo bilaabo ka hor qaban qaabadii shirwaynihii kulmiye. Tusaale ahaana sida aynu wada xasuusano, waxa uu gudoomiyuhu tagay Burco, isaga oo halkaas ku soo bixiyay tiro ergooyin ah oo aan sharciga iyo xeerka xisbiga toona waafaqsanayn. Taas oo markaa keeni karaysay khilaaf ayaa haddana looga aamusay oo laga door biday hays huwanaato.

Arinkaasi waxa uu ahaa mid meel ka dhac ah, taas oo keentay saami aan cadaalad ku dhisnayn marka la eego shirwaynihii iyo golaha dhexe toona. Tusaale ahaan beelo badan, ayaa shirka ergooyinkoodu ahaayeen qaar ku qotomay xildhibaanadii kulmiye ka soo baxay, gaar ahaan beelaha Hargeysa, Awdal iyo Saaxil, halka beelaha Burcona intii la doono laga siiyay.

Waa gudooomiyaha xisbiga kulmiye cida ka talisay qayabahaasi.

Waxa haddaba la ogyahay oo Maanta cad in haddana uu kordhiyay gudoomiyuhu ergooyinkii gollaha dhexe, oo aan cadaalad ku fadhiyin ee sad bursi aad u wayni ka muuqdo oo keentay in hogaankii sare ee xisbigu ku kala jabo. Gudoomiyuhuna dhagaha ayuu ka furaystay dhibaatooyinkaas oo dhan wuxuuna u baxay magaalada Burco, magaalada hargeysana kaga tagay gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee xisbiga mujaahid Muuse Biixi Cabdi, xoghayihii guud ee xisbiga, Keyse Xasan Cige, Xoghaya arrimaha dibadda Axmed Xuseen Ciise iyo xubno kale oo muhiim ah.

Haddaba, waxan leeyahay badhi furku waa "caadadaa ee ceebtaa" maaha. Madaxdana cidlo kaga maad tagin ee caasimada Hargeysa oo ay u dhasheen ayaad kaga tagtay. Dibna u heli maysid teegeerada in badan oo ka talo qaadata, waxaana balan ah "haday maanta kula fududaatay in ay beri kula cuslaan doonto".

Waxana hubaal ah in shirkii Gar-adag wax badan badalay, oo uu ka saaray meesha arimo badan oo laaysku ogaa, isna wuxuu keeni doonaa idinka ayaa doortaye Gar-adag oo aan dhamaad lahayn.

Ugu danbayn xaalka madaxda Hargeysa aad kaga tagtay wuxuu marayaa:

"RAG WAXAAN KU MAAMULI AQAAN AMAAN KU MAAMUUSI
MASO INAANU NAHAY OO TOLNIMO MEERTO NOO TAHAY
NINKII ANIGA IGA MAARMI KARA UMA MURAAD YEESHO
MASALLAHA NINKAAN II DHIGAYN MIDIG MA SAARAYO".

Qorane Cali Xasan - London, UK

Email: qoraneali@hotmail.co.uk