August 21, 2008
Hakeebaa Xisbiga Kulmiye Loo Wadaa?
Xisbiga Kulmiya waxaa uu ka mid yahay xisbiyada aad loogu hanweynaa ee ka jira dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa xaqiiq ah in soo maray waayo iyo wakhtiyo kale duwan, xisbiga kulmiye maaha urur Samofal ah(Charity), ee waa xisbi siyaasadeed. Siyaasaduna maaha waxa la isa siiyo sida (sadaqadda), ee waxa la is waydaarsado oo ah dano la is dhaafsado.
Intaanan ku talaxtagi aragtiyadda maqaalkan, waxa ila haboon bal in ayaanu isla fahamno xaqiiqadda dhabta ee Somaliland ka jirta marka laga eegayo Asxaabta siyaasaddu habka ay u dhisan yihiin.
Somaliland waa xaqiiq in ay dhistay habka asxaabta badan, laakiinse taa macnaheedu maaha waxa la suuliyay dhamaan rukumadii qabiilka. Tusaale dhawaan waxa ku shiray degmadda Garadag beesha Bariga Burco, marka laga eego sida xaqiiqadda ah turxaan bixintooda, taabashadooda, isku-dhawaanshahooda, midnimadooda ka sokow, waxa qayb ka ahayd in beeshu madaxweynaha kasbato doorkan, oo marka hore isku mawqif noqato beeshu. Taasi oo aanay waxba ku jabanay haddii xisbiga waxa ugu kordhayaan. Naajiid ka muuqatay gebagebadii shirkaas waxay ahayd mid mid lagu guulaysatay Fikir ahaan, laaakiinse ficil ahaan waa la isweydiin halkay ku danbayso.
Haddaba, maqaalkan waxa igu kalifay in aan qoro aniga oo ka tirsan beesha Galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa, waxa soo ifbaxay heshiiskii dhexmaray beeshayadda iyo beesha bariga Burco ee ku saabsana habka awood qaybsiga dalka, laakiinse iyada oon talo la isla gaadhin ayuu Guddoomiya Silanyo ku wacad furay wixii lagu heshiiyay. Uguma wacad furin dan qaran ee wuxuu ka doorbiday dan shakhsiyaddeed oo ku salaysan cida Ragnimo, caqli, taariikh leh oo ah degaankaasi yaanay garabkayga soo istaagin, isaga oo isticmaalay xeelada uu isku mooday xariifnimo, balse aan ahayne ee odhanaysa ha la siiyo darafyadda.
Haddiise uu taa eegayo Axamed miyuu siiyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo aynu ognahay taariikda uu umadda ku leeyahay amase Siyaasiga Rugcaadiga ee Cadaami, ee waliba ka soo jeeda beesha Hartiga ee awooda badan ku leh bariga Somaliland.
Muxuu uu doortay Saylici oo saxaada siyaasadda ku cusub aqoontiisuna yartahay. Waxaan tan uu leeyahay ilo xogogaal ahi waxay sheegayaan in uu silanyo wato saylici. sababta uu doortayna ay tahay yaanu dalka ila maamulin qof aragti, aqoon iyo waayo aragnimo leh, ee dalka aanu u maamul sidaan doono.
Xisbigu wuxuu uu baahan yahay Cod, codka ugu badan mid kamid ah waxa siiya beesha galbeedka Hargeysa, beeshuna aqbalimayso in aanu noqonto beel lagu guuro. Axmedoow soomalidu waxay ku maahmaahda "Xoolahaagu xeer ama xero kuugu jiraan".
Siyaasadad aad hormoodka ka tahay waxa weeye, taad Maxamed Xaashi Baligubadale kaga raacday Cabdiraxmaan Tuur, Ibraahim Maygaag ku fogaysay, ayaad DrAxmed iyoMuuse biixi Xuseen Maanta ku wada, ee Somali waxay tidhaahda mar ii dage alla ha dago laba goorna aan is dagay
Balan waxaanu ku qaadayna adiga In aanu awoodaad ku tusano Axmedoow, haddii aad is tidhi sidaasi ayaad ku heli doonta codkayaga, maaha mid aan caqal gal ah, tageerayadana waanu kale noqon doonaa. La ogaan doona halkay ku mariyaan inta ku majaaro habaabinaysaa ee daacayadda iyo beenta kugu maweelisa.
Maxamed Farax
Email: mfarah65@yahoo.co.uk






