August 19, 2008

Warqad Furan oo ku Socota Siilaanyo + Aare + Cadami + Saylici = C/raxmaan Aw Cali

Aniga oo hore u sheegay in aanu qabsoomayn shirka Kulmiya ee lagu Qanabayey Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer bishii ina dhaaftay, waxaan hadana mar labaad u sheegayaa ama xasuusinayaa ummada Somaliland in sidii hore uu u fashilmay wakhtigii loo qabtay shirku hadeerna aanay suura gal ahayn in lagu qabto Burco, Maadaama waxa ugu badan ee uu meesha u tagayey Siilaanyo ay tahay baqdin uu ka qabay tartan lala galo xisbiga dhexdiisa iyo in cidii uu rabo halkaa ku reebo.

Cudurka kaa gala fardaha
Hadii laga guba dameer
Dawada lama gaadhayee
Anoo wali kuu gadbixin
Geed dheerbay saaran tahay
God-dhaba iyo gawraciyo
Hangooliyo xaalkan tagay
Riyana waxaan kaga gudbaa
Gobay liic oo ha jabin
Gantaashana waan qabaa
Martina guulaan u ahay

Hase yeeshee, wakhtiga oo ay godka biyo ugu galeen oo uu ku sugan yahay xaalad aan la saadaalin Karin intuu ka baqanayey reer Hargeysa miyuu filayey wiilka REER DAAHIR. Hantiilaha da’da yar ee Laandheera ah. Mar labadaad aan eegno halkuu ku dambeeyo Odaygu iyada oo la leeyahay ka hor ayaabu is casilayaa, oo waxaa lagula taliyey inaanu reer Hargeysa iyo reer Awdal uga tagin hogaanka Xisbiga, waa “Gudoomiye-nimadee", iyada oo dadka ugu dhawdhawina ay sheegayeen in odaygu intii ugu dembeysay laga yeedhsiiyey Waan-dhacanahay sidii oday "Geeliiri ba’ay".

Hadaba, tan iyo mudadii ka dembaysay wakhtigii uu ku dhawaaqay gudoomiyaha xisbiga kulmiye inuu yahay musharax madaxweyne oo ka tanaasulayo Jagada gudoomiyenimada, waxaa soo baxayey hadalo isa-soo tarayey oo dabada ku hayey cida u noqonaysa Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka, ka dib markii uu soo baxay khilaaf isaga iyo ninkii ay inta badan halganka ku wada jireen Mujaahid C/raxmaan Aw Cali Faarax.

Khilaafkaas oo dadka saadaaliya arimaha siyaasadu ay u badanayeen inuu yahay mid ka yimid dhinaca gudoomiyaha, kadib markii cadaadis fara badan uu kaga yimid xubno ka mid ah beesha uu ka soo jeedo C/raxmaan Aw Cali, kuwaas oo iyagu u qaba Cadaawad gaara, laguna eedaynayo inuu ka hor yimid Dawlad ay tageersanayeen. Arintaasi oo maanta ahayd mid aan C/raxmaan Aw Cali la maqashiiyeen maadaama uu isagu ka soo baxay waajibaadkii saarnaa, waxaase nasiib daro ah in mid ka mida hogaamiyaashii ururkii Hubaysnaa ee SNM oo ahaa kuway iskugu dhawayeen uu ka doortay inan ka baxay dugsiga dhexe, sida uu ku sheegay Warqada aqoontiisana inta ugu badani ay tahay Saddex cisho oo Siminaaro kala duduwan ah waa Sayliciyee.

Hadaba, Xaalada baaxadaaga ah ee uu ku sugan yahay Gudoomiyaha Xisbugu, ayaa waxay tahay mid dhinacyo badan leh kuwaas oo ay ugu horayso in 1997kii markii loo tartamayey jagada Madaxtinmada uu Siilaanyo si aan qarsoodi lahayn ugu codeeyey Madaxweynaha Wakhtigan oo markaa ahaa Musharax Madaxweyne ku xigeen, hase ahaatee dhismihii ururada siyaasada iyo soo bixitaankii xisbiga kulmiye mudadii lagu gudo jiray ay dadka intooda badani moodeen in laga heshiiyey oo uu Siilaanyo ka bixiyey xaal, balse siday dadbani sheegeen oo odaygu yahay mid aan lahayn Go’aan adag iyo hadal cad. Taas oo ah ta keentay inuu waayo taageerayaal fara badan, isagoo aan illaa hadana la ogayn sida uu noqonayo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Hadaan usoo qondo dego dulucda maqaalkan oo ah Is-berber-dhig, tallo tilmaan iyo tiiraanyo. Ugu horayn, waxaa geeri la mida in Xisbiga Kulmiye oo ku suntan ama ay taageeraan Beelaha ugu tirada badan, isagoo waxa kaliya ee lagu raacay ay tahay halkankii hubaysnaa in maanta uu simo C/raxmaan Aw Cali iyo Saylici. Taas oo marka aad waxka waydiiso Masuliyiinta xisbigaasi ay kuu cadaynayaan in wiilkan uu waddo gudoomiyuhu sabab uu u wadana aan la garanayn oo ay isaga ku eegtahay. Faalooyink iyo aragtiyo fara badan oo laga bixiyey arintaas waxay dhamaantoodo ku arooraan inuu rabo oo kaliy sidii uu iskaga reebi lahaa C/raxmaan Aw Cali, oo uu is leeyahay kaaga fulimaayaan ama noqon maayo mid sida xoghayaha kaaga shaqeeyo xafiiskaaga maadaama ay yihiin nimad aad isku yaqaano oo aan war isku seeganayn.

Ta labadaad, waxaa uu u sibir saarayaa maadaama uu inta badan C/raxmaan Aw Cali yahay nin qaran oo uu ka balaadhan yahay in Qabiil uu kaga magac weynaado madaxtooyada, taas oo uu u arko inay ku noqonayso nusqaan, walaw ay tahay rayi-gaabni. Dhinaca kale Naanaysta C/raxmaan Aw Cali oo ah “TOLWAA”, waxa maanta cad in aanu wakhtigaa Tol beelin ee uu ahaa "laba tolle", balse maanta uu xisbiga dhexdiisa gaar ahaan dhinaca gudoomiyaha iyo taageerayaashiisa uu ku tulbeelay, taas oo ah mid iyaduna u taala gududa fulinta golaha dhexe iyo dhamaan bah-waynta sida aadka ah ugu ololaysa xisbigan, oo looga fadhiyo inay cadaato arimaha Boro-bogaantada ah ee uu gudoomiyuhu waddo iyo inuu Siilaanyo keeno “INANKIISA” si aan cidiba ula tartamin, taas oo cadaynaysa odhaahihii ahaa taa boqortooyo ama waa xisbi uu nin leeyahay, iyada oo sabab looga dhigayey inanka Curad ee Siilaanyo iyo xisbiga oo isku magac ah.

Dhacdooyinkan murugada lihi waxay noqonayaan hadiiba uu gudoomiyuhu ka tanaasuliyi waayo damaciisa ah inuu kala jeclaysto C/raxmaan Aw Cali iyo saylici, waxay sababi doontaa in uu si dhib yar oo sahal ah uga siibto salaanka siyaasadeed iyo hanka uu ka qabo hogaanka Qaranka. Waxay kolay dhinaciisa ka tahay "laba daran mid dooro", taas oo aanu dayn karayn yarka uu Kollayga ku sito, isla markaana aanay sinaba suura gal u ahayn in xisbiga iyo isagu toona guulaystaan hadii laga waayo astaanta Qaran ee C/raxmaan Aw Cali Faarax. Maaha wax dhib yar mana suura galayso in lays berber eryo HALYEYGA iyo wiilka yar ee anan la garanayn. Waxana dhici doonta in mar aan fogayn laga waayo fagaarayaasha tartarnka guud ahaanba xisbigan, taas oo uu si dhibyar uga guulaysan doono madaxweynaha wakhtigan. Wuxu yidhi Hadraawi:

Salfudaydku xaawuu
Janadii ka saaree
Ruuxaad sugaysoo
maqan waa la sahadshaa
Sahan waa la dhawraa
Ha sahwiyin ha salaline
Salka dhaban ha noqoni
Ha saluugin qaybaha
Qalinbaa saxeexee
Waxan saatir kuu qorin
Ha u suul-dhabaalayn
Kala saar sax iyo been
Kala garo sir iyo cad

Ugu dembayntii, waxaa ceeb ku ah beelaha Halganka la soo galay Rajiimkii Siyaad Barre “Isaaq” in mujaahidka kaliya ee ku suntanaa halkanka isaga oo Tolkii ka raacay mabda’a uu aaminsanaa ay maanta u muuqato ama lagu niyad jabiyo ama lagula kaco erayo aan munaasib ku ahayn, taas oo dad badan dib u xasuusinaysa sida loo takooray ama goonida looga dhigay, isaga oo aan galabsan oo ahaa kii maanta qaban lahaa xilka Madaxtinimo ee xisbiga markaan anigu shakhsi ahaan ka hadlayana, inkastoon kala xisbi nahay, hadana waxaan kuu ogolaanayn damiirka wanaagsan in aad aragto nin "birma gaydo ah oo ay kuwii la joogay ama uu wax la lahaa ula dhaqmayaan si aan qurux badnayn.

Taas oo si cad kuu tusaysa siyaasad xumada Siilaanyo, waayo waxaa la yidhi “Waraahaba Hooyadii cunay ma habaryartii buu hadhseexin”. Ninka maanta ogolaan waayey cidda uu ku yahay Halyaygu, muxuu yeeli doonaa Bari markuu ku guulaytso waa hadii ay dhacdabee xilka madaxtinimada. Waxaan shaki ku jirin sidii horaba loo yidhi “Booraan hadimo ha qodon ku dhici doontaana mooyee”, in bari ka maalin uu Siilaanyo waayi doono meel uu ka gallo Siyaasada. Gaariyaa wuxuu yidhi “

Dadka Sool iyo Awdal
eed aadanow Hagradeen
dharaarbaa imandoonta
raadcadoodu adkaato
lagu Raadsho ilays 

Maaha wax ama hadal layska yidhi ee waa xaqiiq jirta xantii jirtay ayuunbaana soo baxday. Hadaba, jiritaanka Siyaasadeed ee Siilaanyo waxaa sal u ah sida uu ka yeelo C/raxmaan Aw Cali, taas oo macnaheedu tahay hadii uu riixana isna wuu dhici, hadii uu ogolaadana isna waa la ogolaan. Marnaba ayuun tirada ku Darsan ama yuuna is odhon C/raxmaan Aw Cali ood meesha ka saartaa Cirmi dherer ayey kuu noqonaysaa. Ha ku abshiro Saylici + Maxamed Case + Yaryarka uu urusaday = 0.

Waa qaaciido dhab ah, maaha wax layska yidhi hadii beesha Maxamed Case, iyada oo ka xun faraha Makaahiil ay u dhuubeen inuu siiyo madaxweyne ku-xigeenka, waa inuu ogodaa in C/raxmaan Aw Cali aw calina haysto tirada guud ee dadka ku dhaqan Somaliland intooda kale. Ha kala doorto xisbigu Jees iyo Qaran. Ha ka tanaasulo Saylici iyo kuwa kaleba hirdanka ay kula jiraan Mujaahidka C/raxmaan Aw Cali Aw Cali intay dhawyihiina, inkastoo loo celinayo kharashkii yaraa ee ka baxay. Ha ogaadaan inay yihiin kuwa soo lu go’ay, beenta uu Siilaanyo u sheegay ka baajin mayso hooga ay hadhaw mudanayaan.

Waxaa la yidhi “Hadhowbay odhan layma heeshinoo, laylama hadlinoo, hoobeeyaay doob hurdaa I helay”. 

Geba-Gabo:

Go’aanka Siilaanyo ee guracan waa mid gabi ahaanba geeska ka ridayo Guusha uu hiigsanayo xisbiga Kulmiye, waxaana hubaal ah, iyada oo dadka intooda badani ay markii horaba saluugsanayeen hogaamintiisa, inuu hadeerna hadii aanu cadaynin oo aanu si toosa ah u sheegin Badheedhiisa, inuu si hubaal ah uga dhici doono gebbi aan diblooga soo celin.

Roox go’ay iyo roob galbeed
Midkoodna haduu galbado
Gadaal uma soo noqdeen
Go’aankii hore u daa
Ayaamahan gaabiska ah

Qalinkii C/raxmaan Maxamed Guun

Hargeysa, Somaliland

Email: guunyare@hotmail.com