August 17, 2008
Timir Lafbaa ku Jirtee, Tobanka Qodob ee Shirka Garadag Qariyay Maxay Noqon Karaan?
Tan iyo markii uu bilaabmay shirka Garadag, waxa si weyn indhaha loogu hayay natiijooyinka ka soo baxa shirkaas, maadaama oo ay beeshaasi tahay beesha ugu mucaaridsan beelaha Somaliland, ee si qiyaasi karin uga soo horjeeda xisbiga hadda talada haya ee UDUB.
Intii uu shirkaasi socday waxa gacanta la isu saaray Axmed-Siilaanyo iyo Saleebaan-Gaal, oo la sheegay in ay ka heshiiyeen turxaantii siyaasadeed ee u dhaxaysay. Haddaba maxay noqon kartaa turxaantaas siyaasadeed ee labada siyasi u dhaxaysay?.
Sanadkii 1997, markii uu Saleebaan-Gaal isu soo sharaxay jagada madaxweynaha Somaliland, waxa la sheegaa in u kalsooni buuxda ka haystay beeshiisa, maadaama oo shirkaasi ahaa shir beeleed ay ka soo qayb galayaan dad lagu soo xulay hab qabiil, hadaba sanadkaas Axmed-Siilaanyooo ahaa wasiir ka tirsan xukuumadii Cigaal, ayaa kala jabiyay taageeradii uu haystay Saleebaan-Gaal, oo ku qanciyay qaar ka mid ah taageerayaashii Saleebaan-Gaal in ay u codeeyaan Maxamed Ibraahim Cigaal (AUN). Taasina waxa ay sababtay in Saleebaan-Gaal doorashadaas lagaga adkaado.
Saleebaan, halkaas waxa uu Siilaanyo uga qaaday godob sida la sheego, waxaanu si toos ugu biiray UDUB, kadib uu markii uu hadhay xisbigiisii Asad, sababta uu UDUB Saleebaan ugu biirayna waxa la sheegaa in ay tahay in uu ka aarsado Siilaanyo. Waana kii qaaday olole ka dhan ah Kulmiye 2003, ee ay UDUB doorashadii heshay Kulmiyena uu waayay.
Hadaba turxaanta siyaasadeed ee dhex taalay Saleebaan Iyo Siilaanyo taas ayay ahayd, ee ma wax ay ku heshiiyeen in Saleebaan oo UDUB ahi sanadkan taageero Siilaanyo? Mise waxay ku heshiiyeen in aanu samayn olole ka dhan ah madaxweynenimada Siilaanyo? Waa yaab ee sidee ayaa loo heshisiin karaa laba siyaasi oo ku kala jira laba xisbi oo isu ah bisad iyo jiir? oo ku kula duwan afkaarta dhaqaale, siyaasadeed, maamul, difaac, waxbarasho intaba? Illaa hadda maan helin jawaabo kaafi ah oo ku saabsan su’aalahaas, waxaanan leeyahay shaki wayn ayaa laga qabi karaa heshiisiintaas labada siyaasi.
Hadiiba la heshiisiiyay labadaas nin, oo ay madasha shirkana fadhiyeen badi xildhibaanadii bariga Burco uga soo baxay xisbiga Kulmiye sida uu sheegay Cismaan Buurmadaw, miyaan la odhan karin beeshu waxa ay isku raacday in ay taageero buuxda siiyaan Xisbiga Kulmiye doorashada madaxweynenimo ee March 2009? Oo ay gabi ahaantoodba u codeeyaan Kulmiye?.
Waa ayaan darro in maanta Somaliland gudaheeda lagu arki shir beeleedyo la soo dhaafay, iyada oo aynu qaadanay nidaam axsaab badan ah. Waliba waxa ka sii daran in shir beeleedkii uu ka qayb galo Gudoomiye Xisbi Qaran, oo u taagan in loo doorto madaxweynenimoda Somaliland.
Haddaba ugu dambayn natiijada shirkaas ka soo baxday mid afgobaadsi ah oo aan xambaarsanayn nuxurka iyo dulucdii shirkii socday mudada. Waxaanay qodobadaas warbaahinta la keenay u muuqdaan qaar lagu majare habaabinayo shacbiga Somaliland, oo indhaha dadka lagu jeedinayo. Taasna waxa marag u ah in la qariyay toban qodob oo ka mid ah wixii lagu heshiiyay. Waa yaabe tobankaas qodob ee la qariyay ma qaar qabyaalad xambaarsanbaa? Ma qaar dagaal hurinayaa? Ma qaar Daahir Rayaale diidanbaa? Ma qaar Somaliland duminayaa?.
Mubaarik Maydal Muuse
Email: maydal04@hotmail.com
Go’aamo iyo Baaqyo ka soo Baxay Shirweynaha Gar’adag oo Soo Gebageboobey
Gar’adag – Shirweynaha Beelaha Bariga Burco (H/Jeclo), uga socdey magaalada Gar’adag ee Gobolka Sanaag oo maanta soo gebageboobey ayaa soo saaray baaq iyo go’aamo ka soo baxay arrimihii shirku ka hadlay muddadii uu socdey. Waxaana la filayaa in berrito si rasmi ah looga akhriyo baaqyada iyo go’aamada Shirka xaflad ballaadhan oo loo samaynayo xidhitaanka shirka.
Shirka Beelaha Bariga Burco oo si rasmi ah u furmay 26 July, waxa saaka laga akhriyey go’aamo iyo baaqyo 18 qodob ah, kuwaas oo 10 ka mid ahi ay yihiin kuwo gaar u ah beesha iyo danaheeda, halka 8da qodob ee kale ay yihiin kuwo caam ah oo loogu talagalay Saxaafadda.
Baaqa iyo Go’aamada Shirka oo uu ku saxeexan yahay Shir-gudoonka Shirka Iyo Suldaanka Guud ee Beelaha Bariga Burco Suldaan C/Laahi Suldaan Cali Muuse ayaa waxa ay u dhignaayeen Sidan:
1. Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aamin sanyahay Ilaalinta Jiritaanka iyo Madax-banaanid Somaliland, waxana uu Beesha Caalamka, Ururada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, ugu Baaqayaa inay qadderiyaan rabitaanka Shacbiga Somaliland oo ah aqoonsiga Madax-banaanid Somaliland.
2. Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahayna ilaalinta Nabadgelyada Somaliland in ay muhiim tahay.
3. Shirku waxa uu Beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta Nabada Iyo Nabad-ku-wada noolaanshaha iyo sidoo kale deris-wanaag in lagu wada noolaado.
4. Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baaqayaa Nabad-ku-wada noolaanshaha oo uu aaminsan yahay in ay qayb ka tahay deris wanaaga.
5. Shirku waxa uu canbaaraynayaa dhamaanba falalka argagixiso, Afduub, Jidhdil iyo Dhamaanba Xadgudubada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha oo dhan, cid-kasta oo ku kacda.
6. Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhamaanba xadgudubyada lagu hayo Suuqa Xoolaha Somaliland oo Dastuurku ka dhigaayo mid madax-banaan, Sidaas daraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in ay faraha kala baxdo Suuqa Xoolaha, oo laf dhabar u aha hanaanka dhaqan dhaqaale ee dalka.
7. Shirku waxa uu walaacweyn ka qabaa nidaamka Diwaangelinta Doorashooyinka soo socda, gaar ahaan Qodobada odhanaaya “Codbixiyuhu-waxa uu ka codayn karaa oo keli ah goobta uu iska diiwaangeliyey”. Waxana uu ka codsanayaa Golayaasha Sharcidejinta inay wax ka beddelaan qodobadaas, isla markaana xeerarka dalka la waafajiyo hab-dhaqanka iyo duruufaha dadka reer guuraaga ah.
8. Shirku waxa uu Xukuumada ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagta Giinbaarta ah ee laga qaato gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo isugu jira Kuwo been abuur ah iyo lacagtii Somaliya ee gabowday.
Xidhitaanka Shirka:
Xidhitaanka Shirka oo markii hore loogu talagalay in lagu martiqaado Beelaha kale ee Somaliland iyo madax-dhaqamoodyadooda waxa la sheegay in qorshahaa laga noqday duruufo ay ka mid yihiin fogaanta masaafada Gar’adag u jirto gobolada qaarkood iyo culayska hore u saarnaa magaalada oo aan qaadi karin culays kale. Waxa kale oo la sheegay in Mudane Riyaale iyo xukuumaddiisu ay diideen inay ka qaybgalaan xafladda xidhitaanka oo lagu martiqaaday.






