August 16, 2008
Ma Runbaa in Falkii Foosha Xumaa ee uu ku Kacay Xirsi Inay ka Dambaysay Gacan Shisheeye?
Waxaynu wada ogsoonahay in wadadii dheerayd ee dhibta badnayd ee maal iyo nafba loo huray , taasi oo ahayd himilada aynu manta ku naaloonayno in aynu gaadhno. Waxa isweydiin mudan maanta oo aynu ognahay in Somaliland doorka ay kaga jirto nabada iyo deganaanshaha geeska afrika, isla markaana xukuumad iyo shiciba isku garab taagan yihiin sidii aqoonsi caalami ah loo heli lahaa oo albaab kasta la qaraacay.
Haddaba, waxa la yaab leh in nin Somaliland u dhashay qaddiyadaa aynu dhibta aynu u soo marnay uu khal iyo nabad gelyo darro uu gelinayo.
Waxa fajac iyo amakaag ku noqotay dadweynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba falkii foosha xdumaa ee uu ku kacay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Md Xirsi X. Cali Xasan, taasi oo uu bilaabay hub urursi iyo qorshe nabad gelyada Somaliland lagu waxyeelanayo, taasi oo ka daran falalka ay ku kacaan ururada argagaxisada, taasi oo uu ka damqan karo qof kasta oo muwaadin ah oo in uu rajo ka damacsan horumarka dalkiisa hooyo iyo jiritaanka Somaliland.
Waxa iska cad oo marag ma doon ah in qof kaligii hawsha sidaa u culus aanu fulin Karin oo ay gacan shisheeye ku jirto isaguna ahaa isku xidhe iyo fuliye amarkii la soo siiyay ee ay soo siiyeen raggaa shisheeye ee argagaxisada ah, waxana ku cad goobtii laga soo qabtay iyo qalabka lagu qabtay ee uu adeegsanayay ay cadaynayaan in uu falkan ahaa fal meelo kale laga soo maleegay oo muddo badan laga shaqaynayay, isla markaana sida ay warar xogogaal ahi sheegayaan in uu iskaga casilay komishankii doorashooyinka Qaranka hawshan darteed ee khiyaamada qaran ah.
Waxa la wada ogyahay in wakhtigii hubka dhigista lagu sameeyay beelaha Somaliland laga soo saaray xeerar xakamaynaya hubka, maantana la waafajin doono Xirsi oo uu qabanayo xeerka u yaala dalka oo uu manta dib u soo celinayo wakhtiyadii laga soo gudbay 1991-kii.
Xukuumada Somaliland iyo shacbigeeduba waxay isla garab taagan yihiin in ay gacan bir ku qabanayaan cid kasta oo isku dayda in ay falal argagaxiso ka dhex fuliso dalkan curdinka ah ee Somaliland, xukuumaduna cidna uga waaban mayso mansab kasta ha lahaadee cidii ku duulaana jiritaanka JSL.
Dalkan Somaliland ma waxa aynu u xoraysanay oo aynu maal iyo nafba ugu soo hurnay in nin dambiile ah la xidhi Karin dacwadna lagu soo oogi Karin? Taasi waa maya arrin dhacaysana maaha.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan dadweynaha uga tegayaa Xirsi ma nasteex ayuu waday, Mise dalka ayuu duminayay?
Somaliland ha noolaato, waligeedna ha jirto, Aamiin
Khadar Mohamed Cali
Burco, Somaliland
Email: Layaali08@hotmail.com






