August 13, 2008
Saxaafadu Isuma Afduubi Karto Sida Budhcad Badeeda!
Saxaafada Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid kastaaba waayihiisa ku salaysnaa, waxayna ku kasbatay kalsoonida dadweynaha, taasoo sal u ahayd dhex dhexaadnimo iyo warar hufan oo sugan.
Dhawrkii sanno ee u dambeeyay ayaa sida muuqata hoos u sii socotay kalsoonidii shacabku kadib markay duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalku wax weyn iska bedeleen, isla markaana la suuq galiyay Wargeyso iyo Televisiono caalamka intiisa kalena uu gaadhay, kuwaasoo xambaarsan isbedelada dhaqaale iyo siyaasadeed ee sida likaha uga soo foodhacay bulshadaha qaybaheeda kala duwan.
Duruufahan cusub ee la soo darsay Saxaafada waxaa kaloo ay saamayn weynku yeesheeb saxaafada dhexdeeda oo loolan awoodeed, jiritaan iyo magac doonidba ka dhex abuurtay bilowgii hannaanka aasaaskoodu sida uu ku yimid. Arrimahan iyo kuwo kale oo ka dhex dhasha dhacdooyinka siyaasadeed ee dalka ka socdaaba waxay keeneen in warbaahinta lafteeda markii midba midka kale u arko in uu lid ku yahay istaraatijiyadii loo dhigay aasaaska warbaahinta maadaama uu kasoo hor jeestay yoolkiisii.
Khilaafkan Saxaafada dhexdeeda waxaa ka faaiidaystay dhammaan siyaasiyiinta iyo ururada bulshada oo iyana taageero dacaayadeed oo aan xad lahayn u fidiyay hadba kooxda warbaahineed ee danaooda fulisa,isla markaana u fidiyeen wixii ay awoodaan dhaqaale ahaan in ay siiyaan si dadban iyo si toos ahba.
Talaabooyinka noocan ahi waxay si daran u wiiqeen urruradii Saxaafada ka hanaqaaday Somaliland kadib markay sinaba ugu suurto galiweyday in uu mideeyo warbaahinta dadkaka hawl gala danahooda iyo minadoodaba, si ay bulshada u mideeyeen uguna gudbiyaan xaqaa’iqa si ay iyagu uga go’aan qaataan. Waxyaabahan oo dhan markay isku cakirmeen waxay ka qaaday bulshaduna wararka iyo faalooyinka isku lidka ah ee Saxaafaf kasoo burqanaya jaahwareer iyo in ay kala garan waayaan sax iyo khalad.
Tiirarka Qarran ka dhismo oo ay Saxaafadu kaga jirto kaalinta afraad, ayaa si looga xayuubiyo kaalintii uu ku lahaa bulshada Somaliland dhexdeeda ayaa waxaa loo abuuray wax loogu yeedhay Dallad Saxaafadeed oo afduub ah marka laga eego xagga sharci iyo dhinac suxufiyiintaba waayo waa marka koowaade dariiqii ee lagu sanduleeyay haayadihii hore ee warbaahinta iyo kuwii urrurada Saxaafada midna lama marsiin ee dariiq ka duwan oo garab ah ayaa lagu siiyay islamarkaana iyada oo aan cid dooratay jirin ayaa koox isku bahaysatay dano gaar ahaaneed, balse kuwa guud u midaysnayn iskood isku magacaabeen Dallad midaysa Saxaafada oo leh haykalkeeda dhismo sida Gudoomiye, ku xigeen IWM, taasoo aanay waxba ka jirin.
Ujeedada qudha ee loo abuuray Dalladan qayrul sharciga ah waxay ka mid tahay ifafaalayaasha la rabo in lagu tirtiro tiirarka qarranimo ee ay ku taagantahay Somaliland.
Sidaa daraadeed waxaynu suxufiyiinta Somaliland ugu baaqaynaa in ay ka hortagaan cid kasta oo doonaysa in ay afduub ku qabsadaan islamarkaana burburiyaan himiladooda iyagunaku gaadhaan danahooda gaaban ee gaar ahaaneed.
Dallad ay ku midoobeen suxufiyiinta Somaliland waxaa ay dhalin kartaa oo kaliya marka ay dhismaan urruro Saxaafadeed oo tiro badani kadibna isku raacaan in ay samaystaan Dallad mideysa oo ilaalisa danaha guud ee ay wadaagaan, hasa ahaatee inta aan taa la gaadhin cida ku riyoota sida hadaba rag ugu royoodeen waxaan odhan karaa waa kuwa weli aan kasoo gudbin qarnigii 1920 aad, waxna uga hirgali doonin riyadaasi iskumana afduubi karaan sida budhad-badeeda Bosaso wax ku afduuba.






