August 13, 2008
Dhegaweyne in la Xidho Uma Baahna ee la Xoreeyo Ayuu u Baahan Yahay….!!!!!
Waxa beryahan isa soo taraya warar sheegaya in Dhegaweyne Burco joogo loogana shakisan yahay inuu yahay talilayaha nimankii la soo qabqabtay ee gawaadhida qoryaha saarayey. Haddaba horta Dhegaweyne waa kuma? Magaciisa saxa ah waxa la yidhaa: Ibraahim Yuusuf Xabashi, wuxuu ahaan jiray sarkaal ka tirsan ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed, wuxuu ahaa saraakiishii joogtay gobolada dhexe waqtigii lala dagaalamayey mucaaradkii C/laahi Yusuf hoggaaminayey ee Itoobiya taageeri jirtay.
Sida Moorgan Somaliland looga raadiyo ayaa goboladaa Dhegaweyne looga raadiyaa. Wuxuu ku biiray ururkii SNM, wuxuu ka mid ahaa seddexdii sarkaal ee watay ciidankii SNM ee galay Buurta-sheekh. (Isaga, Maxamed-Cali iyo Prof. C/salaam Yaasiin guddoomiyaha oo ah iminka jaamacadda Burco). Saraakiisha aan baqan marka dagaal laga hadlayo ee SNM inta nool isaga iyo Axmed Mire cid laguma soo seddexeeyo. Dagaallo badan ayuu ka qaybgalay waqtigii SNM iyo Dawladdii Soomaliya u dhexeeyey, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay dagaalkii lagu qabsaday Berbera 1991(isaga, Ibraahim Axmed Ismaaciil, C/laahi Darwal iyo rag kale).
SNM KA DIB
Ibraahim wuxuu ahaa sarkaalkii ugu horeeyey ee mar labaad Buurta-sheekh galay dhiciddii dawladdii Siyaad Barre ka dib, wuxuu xilligaa dagaal hubaysan ku kala hor yimi dawladdii Somaliland ee C/raxmaan Axmed Cali madaxda ka ahaa alle ha u naxariistee, isagoo Berbera kula diriray taliyihii ciidanka Somaliland marxuum Xasan Yoonis Habbane oo markaa waday inuu mideeyo ciidankii SNM ee dalka beelbeesha ku soo galay. Dagaal labaatan miridh socday ka dib Berbera Xasan Yoonis wuu ka qabsaday Ibraahim, ka dibna Dhegaweyne wuxuu lug kaga baxay Berbera, isagoo dhinaca Buuraha –sheekh u kicitimay, halkaas oo uu ku urursaday ciidan. Dagaalkii halkaa ka bilowday wuxuu socday muddo dheer oo sanad lagu qiyaaso, waxaana dagaalkaasi isu bedelay mid weji qabiil leh ka dib markii taliyihii ciidanka Somaliland Xasan Yoonis gaadhi la dhacay ee debedda dhakhtar loogu qaaday.
Dhegaweyne wuxuu ka mid ahaa saraakiishii shirkii Boorame ka qaybgashay. Dawladdii shirkaa lagu soo dhisay raggii taageerada u muujiyey ayuu ka mid ahaa waayo waxa dawladdaa madax ka noqday rag badan oo Dhegaweyne lagu tiriyo inay isku jaal yihiin. Dhegaweyne wax xil ah oo muuqda kama qaban dawladdaa oo Maxamed Ibraahim Cigaal madaxda ka ahaa. Waxa Dhegaweyne lagu tiriyaa inuu xilligaa ka mid ahaa saraakiishii awoodda badan lahayd ee hagaysay dawladdii markaa jirtay, waxaana lagu xantaa isaga iyo saaxiibadiiba inay ahaayeen raggii shiday dagaalkii lagu riiqday ee 1994 ilaa horaantii 1997 ka socday Somaliland. Markii dagaalkaasi dhammaaday waxa ee dadkii heshiiyey wuxuu Ibraahim bilaabay mucaaradad cusub oo uu kala horyimi Marxuum Cigaal, waxaan xusuustaa Dhegaweyne oo joornaal wareystay oo sheegaaya inuu dil ka badbaaday oo ina Cigaal doonayo inuu dilo, waxaanu Ibraahim beryo joogay dhinaca Burco isagoo Horgaysa uga tegay maamulkii Somaliland ee Ina Cigaal alle ha u naxariistee madaxda ka ahaa. Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal wuxuu godgalay iyadoo dagaal ay kula jiraan Dhegaweyne iyo jaalayaashii.
Maanta Dhegaweyne wuxuu ka mid yahay xisbiga Kulmiyr oo mucaarad kulul ku ah Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaana beryahanba la soo sheegaayey inuu joogo magaalada Burco, waxaana lagu tuhunsan yahay inuu ka mid yahay maskaxda ka danbeysa gaadiidka kurka laga jaray ee loogu talagalay in qoryaha la saaro nawaaxiga magaalada Burco siduu ka dhawaajiyey guddomiyaha gobolka Togdheer. Waxaana beryahanba dhegaha ku soo dhacayey Dhegaweyne oo la doonayo in la qabto, waxaana inooku xigtay hadalka badhisaabka Togdheer ee uu kaga cawday Dhegaweyne.
HADABA IBRAAHIM MA NIN XUN BAA?
Horta Ibraahim maaha shiqsi damac madaxnimo iyo mid dhaqaale midna leh. Waa nin runtii miskiin ah oo isagu aan allifin inuu cid dhibo. Ibraahim Somaliland dadka jooga dhawr qof buu rumaystaa waxna ka dhegaystaa, dhawr kaa qofna waa niman saraakiil ah oo uu la rafiiqay waqtigii SNM. Ibraahim wuxuu la col yahay wixii saaxiibaddii la colyihiin oo qudha, waxaanu la dagaalamaa ciddii saaxiibadii u sheegaan inuu la dagaalamo. Mujaahidku dadka wuxuu ugu jecelyahay ciddii Mr. Muuse iyo Mr. Maxamed dadka ugu jecelyihiin. Haddaad rabto inuu Dhegaweyne ku jeclaado horta la saaxiib Muuse iyo Maxamed. Labadaa nin waa labada ruux ee maskaxda iyo magaca Ibraahim isticmaala una jaheeya hadba halka ay doonaan, isna waa qof daacad ah oo ay ka maqantahay bal horta kuwan warkooda maqashaye dadka kalena dhexgal oo warkooda dhegayso.
Hadal iyo dhammaan mujaahidku ina la xidho uma baahna ee wuxuu u baahanyahay in la xoreeyo.
Muse Odowaa
Weriye Madaxbannaan
Email: museodowaa@yahoo.co.uk






