August 9, 2008

Sirihii Qarsoonaa Iyo Dibindaabi Yayaasha Somaliland!

Somaliland dagaalkii ugu horeeyey ee sokeeye wuxuu ka dhacay Burco, seddex casho ayuu socday, kii xigay Berbera sanad ku dhawaad ayuu socday, kii seddexaad Hargeysa ilaa Burco dhawr sano ayuu socday. Waxa ku dhintay dad badan, waxa ku dhawaacmay dad badan, waxa ku lumay maal badan. Ilaa maanta diiftii dagaaladaasi waxay ka muuqda bulshada, carruur badan baa aabbayaashood ku weyday oo agoon ah oo bilaa daryeel ah.

Dagaaladaas raggii sababay ee dhibtaa ka shaqeeyey weli wey nool yihiin, dagaaladaasna mid qudhii kuma dhiman. Welina waxay hamuun u qabaan inay dhiig kale daadiyaan. Bal xusuuso intaa raggaas xumo-taliska ahi ay nin wanaagsan sahaydeen ee ay u qoonsadeen noloshii ifka.

Saraakiisha sarsare ee sababtooda ku maqan:

Kornayl Bookh reer Gabiley
Kornayl Cabdi Cali (bariga Burco)
Kornal Muuse Bidaar (bariga Burco)
Kornayl Ibraahim-Layla (galbeedka Burco)
Kornayl Haabiil (galbeedka Burco)
Wasiir ina cali Heneri (reer Berbera)
Muj. Xariir Cabdi Cali (reer Baligubadle)

Saraakiisha  Dhexe

Halgamaa Libaaxo  geesi SNM ah ahaa
Halgamaa C/laahi Qasaal  Geesi SNM ah ahaa
Halgamaa Siciid Guuleed geesi SNM ah ahaa
Halgamaa C/laahi Dakharre taliyihii tiknikada 27 Mey 88kii, SNM ahaa.
Halgamaa Sucuudi Alaale, geesi SNM ah ahaa
Halgamaa Ridwaan, geesi SNM ahaa

Siyaabihii Ay Dagaaladda U Rideen

Dagaalkii Burco 1992, reer ka mid ah reeraha Burco dega ayey ka dhaadhiciyeen inaanay wax dawlad ahi jirin ee reer dawlad iska dhigayaa doonayo inuu dadka inta kale gumaysto, si ay taasi ugu suurtogasho oo ay taagero ugu helaana waxay shirqool u maleegeen dadweynaha reer Burco, iyagoo qabiil u kala qaybinaya, waxay ku guulaysteen inay isku dhuftaan labada qabiil H/jeclo iyo H/yoonis.

Dagaalkii Berbera 1993, waxay ku dadaaleen sidii ay isugu dhufan lahaayeen dadweynaha, markii ugu horeysay waxay isku dayeen inay midayntii ciidamada diidaan oo dagaal kala horyimaaddaan taliyihii Ciidamada Somaliland Xasan Yoonis Habbane, markii Xasan ka guulaystay, waxay maleegeen shirqool qabiil iyagoo labada qabiil ee deegaanka Berbera ugu  badan iska horkeenay kana dhex qarxiyey dagaal sokeeye. Labada qabiil mid waxay ugu sheekeeyeen Berbera idinka oo qudha ayaa iska leh oo  reer hebel baa doonaya inuu idinka qaado, qabiilka kale waxay ugu sheekeeyeen reer hebel wuxuu doonayaa inuu Berbera idinka saaro oo aan qof idinka joogin magalaada, hantidiina iyo dhulka aad Berbera ku leedihiina la qaybsado.

Dagaalkii Hargeysa ilaa Burco1994, waxay ku galeen labo weji, mid wuxuu ahaa weji qarsoodi ah, midna wuxuu ahaa weji muuqda. Wejiga muuqdaa wuxuu ahaa inay dadka u sheegaan oo ka dhaadhiciyaan inay jiraan dad Somaliland ka soo horjeeda oo duminayaa, loona baahan yahay in lala dagaalamo si loo burburiyo dhibka ay wadaan. Wejiga qarsooni wuxuu ahaa in qabiil ka mid ah qabiilada Isaaqa la isugu tago, si loo laciifiyo loona soo koobo awooddooda siyaasadeed, awooddooda dhaqaale iyo deegaankooda intaba. Si taasi u hirgasho qabiil kasta oo beri xurgufi dhexmartay qabiilkaasba waxa si hoose loogu sheegay inuu maanta jaanis haysto uu ku aargoosto. Durbaankana waxa lagu tumay in lala jahaadayo Somaliland-diid, madaxweynihii markaa talada dalka hayeyna sida dad badani rumaysan yahay kooxdani way afduubtay, waxaanay ugu hanjabeen hadduu ka horyimaaddo inay dilayaan. Isagana muddo dheer bay ku qaadatay inuu iska xoreeyo kooxdaas, waanu ku guulaystay aakhirkii dhawr sano ka dib, nabaddiina markaas bay abuurantay.

Haddaba intaas oo dagaal iyo intaas oo dhagarood oo gudaha Somaliland ka dhacay waxa masuul ka ah koox yar oo isku xidhan oo denbiyo ay galeen dartood waxaa u samaynaya. Maxay doonayaan? Waxay doonayaan 1. Inay xukunka dalka ka ilaaliyaan cid sirtooda og ama ogaan karta, si aan loogu soo oogin dunuubta ay galeen.. 2. Inay xukunka gacanta ku dhigaan si ay u laayaan una safeeyaan dadka sirtooda haya ee bulshada ku dhex jira.

Haddaba dadka reer Somaliland ma waxay diyaar u yihiin in mar kale kooxdaasi dagto, oo haddana la waayo hebelo kale oo qaali ah? Ma waxay diyaar u yihiin inay mar kale agoomeeyaan carruur maanta aabbohood haysta? Hadday jawaabtu tahay maya, waxa la gudboon dadka inay ka baxaan qabyaaladda kooxdani ugu soo dhuumanayso oo u gudbaan qarannimo, qalbiga iyo gacantana isugu geeyaan kobcinta qarannimada, isla markaana ka digtoonaadaan shirqoolada kooxdan yaabka badan ee maalinba shaadhka u xidhanaysa. Waxa la sheegayaa hadda inay gaadiid qoryo saarayaan, waxa la sheegayaa inay abaabul-dagaal wadaan iyagoo ku gabanaya hadba khilaafaadka bulshada soo dhexgala.

Waalagama maarmaan haddii kooxdani cagadhigan weydo in awood qaran wax laga qabto. Dadweynaha reer Somalilnadna waa inay kala doortaan inay dib ugu noqdaan 1991kii iyo inay qaran dawlad leh noqdaan.

Haddii loo baahdo waxaan dadweynaha  u soo bandhigi karaa markhaatiyo cad oo muujinaya siyaabihii kooxdaasi reer Soomaaliland u shirqooli jirtay iyo weli siday ugu jiraan shirqool reer somaliland.

Cabdi Gaanbiye

Email: cabdigaan@yahoo.co.uk