August 8, 2008

Shabakada Somaliland.org oo Fashilinaysa Shirka Beelaha Habar Jeclo ee Gar-adag!

Ninbaa yidhi "wallee reerkaan ogahey ma guuro", wallee shabakada somaliland org, kama waantowodo afxumo iyo xagjirnimo ku saleysan taageerada indho la’aanta leh ee ay u hayaan gudoomiyaha Kulmiye Muj. Siilaanayo.

Maanta waxay malawaalkoodii macandarad laha kula dul dhaceen Dr. Axmed Issa iyo Boqor Burmadow oo aan isku qadeyad iyo isku ujeedo la heyn ay ku tilmaameen qaar mashruucu ka soo qaatey dawladan Ina Rayaale, oo doonaya in ay ku mijaxaabiyaan xisbiga kulmiye ama ku burbuuriyaan shirkan Garadag ee Beesha Habr Jeclo. WAAR SIDA RAGGU ISKUGU XIDHMAAN RAGGA ISUGU XIDHA OO BEENTA ISKA DAAYA 

Afxumadaasi maha mid ay maanta oo kaliya ay ku soo daabaceen shabakadooda somaliland.org ee waa mid ay caadeysteen in ay wax ka sheegan mas’uul kaste oo ka tirsan xisbiga kulmiye oo yidhaahda waar sidani inama dhaqeyso ee ha lala yimaado isbadal siyaasadeed oo hufan, xisbiguna ha ka duulo siyaasad istaraajiyada hormar iyo dimuqradeyda ku saleysan.

Mas’uul kaste oo intaasi ka dhawaajiyaba WEY ka soo horjeedan, waanay ka xumaadan oo waxay aaminsan yihiin in la wado inqilaab lagu doonayo hogaanka xisbiga, islamarkaan waxa caado u noqotey in ay ceebeeyaan mas’uulkaasi, islamarkaasna ka been abuuraan kuna sheegan waxan jirin iyo mala awaal, kuna  soo daabacan shabakadood iyagoo doonaya in ay ceebeeyaan mas’uulkii runta sheega ee boogta farta taabsiyaba.

Waxan runtii ka mid ahaa dadka aaminsana inuu shirka Gar-adaga yahay shir dhaqan oo beelaha Habar Jeclo kaga tashanayaa dhibaatooyin badan oo la soo gudboonadey Beesha Habr Jeclo, kuna soo kordhayey mudooyinkii u danbeyay, kuwaasoo ay ka mid ahayeen dilal badan oo runtii beesha gudaheeda ka dhex dhacay iyo mago badan oo aan ila hadda la isweydaarsan iyo mashaakilada cusub ee bulshada S/L heysata maanta sida sicir bararka iyo xaaladaha abaareed ee dalka ka jira iwm, waa sida xaqiiqda ah ee aan shirkan Garadaga u aheysatey ama an ka aaminsana inuu yahay.

Laakinse waxad mooda aakhristoow in ay shabakadan Soomaliland.Org ay si kale inoogu dhigtey shirkii Gar-adag inuu ahaa shirka dhaqan oo ay Beesha Habar Jeclo aayahooda kaga tashanayeen sida ka muuqata qoraalkan hoosta ku xusan waxay shabakadu doonayso in ay fashilso shirkii dhaqan ee Gar-adag.

Taasi waxa daliil inoogu filan qoraalkan been abuurka ah ee waliba ad odhan karto waa mala awaal iyo waxan jirin. Waxay ku timaamayso inuu Boqor Buurmadow iyo Dr. Axmed Xussein Issa ka danbeyaan ama ay burbuurinayaan xisbiga kulmiye iyo shirkaasi Garadaga, maadaam u boqor buurmadow hawshan iyo mashruucan loo soo igmaday ama loo soo dhibay inuu fuleyo, kuna burbuurinayo shirkaasi beelaha H/Jeclo miyaan loo qaadan karin qoraalkan soomaliland.org aakhristow inuu yahay shirka Gar-adag mid kulmiye ah, maadaama u ku lug leeyahay burburintiisa Boqor Buurmadow iyo Dr. Axmed Hussein Issa iyo warbaahintiisu oo ay shabakadu ku eedeynayso in ay ka danbeyaan burbuurinta kulmiye, labadana mas’uul mashruucna ku soo qaateen sidii kulmiye loo burbuurin lahaa.

GABADH YAR OO SOMALIYEED BAA WALAASHEED OO KA WEYN KU TIDHI WALAAL UURBAAN YEESHEY EE CIDNS AH II SHEEGIN! GABADHII WEYNEED AYAA UGU JAWAABTEY WALAAL WAQTIGUBA WUU KU SHEEGI DOONAA, OO AY MICNaheeda ULA JEEDO MARKAAD SHAN BILOOD GAADHID SI CAADI AH AYUU UURKU U SOO BIXI DOONA! 

Waxad mooda inuu qoraalkan somaliland.org uu markhaati ka yahay inuu shirku kulmiyeysnaa, maadama u ku eedayay shirkaasi Dr. Axmed iyo Boqor buurmadow, oo aan aheyn laba nin oo la isku xidhi karo iyaga oo aan waliba isku ujeedo lahayn. Dr. Axmed ila hadda waa mas’uul sare oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waa xoghayihii arimaha dibada wali ila haddana la ma hayo meel u kaga dhawaaqey inuu ka baxay xisbiga kulmiye. Soomalidu waxay tidhaahda "AFXUMO COLAADNA WAXBA KAGAMA TARTO NABADNA WEY KA FOGEYSA".

Bal aakhristow ila eeg eedeynta iyo been abuurka malawaalka ah ee ay soo daabaceen guulwadayaasha ama aan idhaahda calooshooda u shaqeystayaasha somalilandorg
http://www.somaliland.org/2008/08/06/dr-axmed-xuseen-ciise-iyo-boqor-buurmadow-oo-xukuumadda-rayale-mashruuc-kaga-qaatay-burburinta-xisbiga-kulmiye/

Waxa aakhristow haddaba ka mid ah eedeymaha ay soomaliland.org u soo jeedisay Dr. Axmed Xussein Issa iyo warbaahintiisa, in ay farwaaweyne iyo si aan caadi aheyn waxa uga qortey shirka beelaha H/Jeclo iyo wareysigii u bixiyay Boqor buurmadoow ee u siiyay BBC-da oo ay buunbuunisay shabadka waaheen.com. 

Bal haddaba aakhristow waxad ila yar eegtan wixi ay shabakadaha kalana ay ka qoreen dhacdaadaasi shirka iyo wareysiga Boqor Cisman ee u BBC-da siiyay iyo waxay waaheen ka qortey ee ay ku kala duwan yihiin shabakadaha kale JSL ka hawlgal ee wararka ina siiya:

http://hormoodnews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=4416&Itemid=27&lang=en
http://www.hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=12523
Waxan aakhristow ka soo min guureyay dhawrkan shabakadood oo ah shabakada ah ku abtirsada JSL wixi ay ka qoreen wareysigii Boqor Buurmadow u siiyay bbcda iyo shirkii Garadag ee beelaha H/Jeclo qaarkaloo badan waad aakhriyi kartaan haddii ad waqti u heysan oo aan kuwan aheyn.
http://www.somalilandpatriots.com/news-6175-0
http://www.saaxil.net/warar2b/somaliland/aa/c/5aug%20%207.htm
http://www.somalilandnation.com//index.php?option=com_content&task=view&id=895

Haddaba aakhristow bal iyan ila eega waxay qortey shabakadan la eedeynayaa ee waaheen.co
http://www.waaheen.com/index.php?action=view&id=913&module=newsmodule&src=%40random4729192cca120

Waxad mooda in ay shabakadan somaliland.org ay caadeysatey in ay mas’uuliyiinta xisbiga kulmiye ku cambaareyaan waxan jirin iyo been abuur iyo mala awaal aan qalbiga saliimkahi qaadan karin.
SXBYAAL haddii ad been caadeysateen inaad soo daabacdaan been run u eeg oo maalmo yar gudahood idinka socota baadigooba soona daabaca, xisbiggana ka daaya afxumada iyo kala furfurka ad caadeysateen oo ka dhawrsada colaad shakhsiyeed ee ad u heysan Dr. Axmed Xussein Ciise iyo cidii taageerta siyaasadeedsa horumarka iyo dimuqradeyda ku saleysan ee u doonayo inuu maruun ku hago xisbiga iyo dalkaba. Hana u soo jiidina gudoomiyaha ad sida indho la’aanta leh u taageersan tihiin in waxa la yidhaahdo oo taarikhdiisa, shakhsiyadiisa, waxqabadkiisa iyo ujeedaadisa la naqdiyo, waxna laga sheego..

Waxan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeygan ha guuleysto shirka beelaha H/Jeclo ee ay aayahooda kaga tashanayaan iyo waliba inuu ilaahey towfiq siiyo, islamaraan jidka toosana maryo ergoyinka madasha ku kulansan.

Cumar Daarood Xassan - Norway

Email: darood2@hotmail.com