August 7, 2008

Madaxweyne Rayaale oo Gudoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Selal

Hargeysa, (Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Selal sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Mr. Siciid Caddaani Mooge kaas oo u dhignaa sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Salal oo ka tirsan gobollada cusub ee Somaliland.
 
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, oo maanta soo saaray wareegto ku salaysan qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland iyo qodobka 110-aad, isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Gobolka Salal uu u leeyahay dalka iyo dhismaha qaranba waxa uu u magacaabay Mudane Cawaale Ismaaciil Xasan in uu noqdo Gudoomiyaha gobolkaasi.
 
Madaxweynuhu isagoo isla markaana tix gelinaya xirfada , aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee Mudane Cawaale Ismaaciil waxa uu amray in sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilka loo igmaday.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email.daralla06@yahoo.com