August 6, 2008

Ragga iyo dumarka intee nooc ayaa loo kala qaybin karaa? Qaybtii labaad

Qoraalkani waxa uu daba socdaa, qormadii hore ee aan ku eegeyey noocyada ragga iyo dumarka. Haddaba inta aynaan u guda gelin maqaalkan, aan in yar ka hor marsado, sida ay akhristayaashii gaarka iila soo xidhiidhay ay u arkeen maqaalkaa ka turjumayey muuqaalka nolosha iyo jawaabta aan u hayo.

Waa midda ugu horreysee, waxa aan aad ugu mahadnaqayaa akhristayaashii aan talada iyo dhiirrigelintaba ka helay, kuwaasi oo aan is leehay si fiican ayey u akhristeen qormadii hore. Sidoo kale waxa aan jecelahay in aan qoraalkan kaga jawaabo su’aalo ay I soo weydiiyeen iyo fikrado ay igu soo kordhiyeen sida aan u arko.

Sida aan qoraalkaygii hore ugu afeeftayna waxa aan mar kale ku celinayaa, in ay akhristayaashu fikirkooda ka soo dhiiban karaan qoraalkani isla markaana ay naqdiyi karaan fikirka uu xambaarsan yahay. Aniguna waxa aan ka ballan qaadayaa in aan ka fiirsado ereyada ay dadka qaar u arkaan anshax xumo, balse aanan anigu sidaasi ula jeedin.

Haddaba aniga oo halkii ka sii anba qaadaya abla ablaynta noocyada ragga u iyo dumarka, ayaan maanta ku bilaabayaa noocada dumarka ee aanan qormadaydii hore ku sheegin. Sidan ayaanan u dhigay:

1. Lagu farax

Waa gabadha wajiga furan leh, ee had iyo jeer iska faraxsan. Qofkasta oo ay aqoon isku leeyihiinna uu ugu yeedho Farxiya. Haweenaydan waxa gurigeeda loogu tagaa sheeko iyo farxad, inta badanna gurigeedu waa buuq iyo waanu sawaxan badan yahay. Ragga intooda badani guriga noocan ah kama helaan. Carruurta gurigaa ku noolina, ma hesho fursad ay waalidkood kula sheekaystaan. Amma ay wax ku bartaan.

2. Qaylo badan

Waa ta qaylada badan leh, ee hadh iyo habeen qaylo uun la soo taagan. Wax walbana dhibsata, oo shanqadhii baxdaba ka qaylisa. Guriga ay ku nooshahay lagama jecla. Cidina ma soo booqato. Jaarkana way is hiifaan. Oo waji xumo ayaa ka dhaxaysa. Aakhirkana guriga waa loo faaruqiyaa. Oo cidlo ayey ku soo hadhaa.

3. Sama-wada

Waa haweenayda mar walba ka talisa wanaagga, ee dadku u yaqaanniin samawada. Sumcad fiican iyo wanaag ayaa lagu yaqaannaa. Mujtamaca ay ku dhex nooshahayna waxa ay ku leeedahay sumcad fiican.

4. Fidmooley

Waa gabadha amma islaanta dhaqankeedu noqday isku dir, dad u kala sheekayn iyo xumaan ka talis. Tani waxa ay ku caan tahay namiimnimo, dagaal, aflagaado iyo fadqalallo. Dadka yaqaannaana ma jecla. Waana la iska rururiyaa. Si ay dadka u dhex gashana waxa ay ku soo gabbataa, dhar ( sida dharka dumarka) iyo badeecooyin ay xaafadaha la wareegto. Oo ay dumarka daymiso.

5. Maalinba nooc

Waa haweenayda maalinba nooca u hagoogata amma u dhaqanta, ee aan meel loogu soo hagaago lahayn. Waxana ay caan ku tahay ballan darro. Ninka ay la nooshahayna ma jecla, waxana uu ku wareeraa qorshayaasheeda. Ballan daradeeda iyo beenteeduna waxa ay u keentaa in aan qofna xiiso u qabin. Had iyo jeerna waa ay cabasho badan tahay….aakhirkana ummada gooni ayey uga baxdaa.

6. Isla weyn

Waa ta is cajabisay, ee tiri wax walba anaa aqaanna. Madal kasta iyo wax kasta oo la hayana iyadu isku xil-saarta. Kibir iyo is cajabin ayey caan ku tahay. In ay cid walba ka caqli badan tahay ayeyna isku qabtaa. Oo qof ay sheeko ka dhageysataa ma jiro. Waata odaygeeda ku tidhaa aammus, waxba ma ogide. Tani waxa lagu gartaa…dumarnimadeeda kuma koobna. Ragga iyo dumarka arrimahooduna uma kala soocna oo mid wala waa ay dhex gashaa. Had iyo jeerna waxa la arkaa iyada oo amar bixinaysa amma ku tarki falaysa dhaqaalaha reerkeeda.

7. Shaydaamad

Waa gabadha amma islaanta aanad garanayn wax ay waddo iyo wax kaaga iman doona, waa masiibo cirkaa ka soo dhacday, oo ilaah siiyey maskax fiican, laakiin aan maskaxdeedaa fiican u isticmaalin sida wanaagsan. Ee had iyo jeer ku mashquulsan mu’aamaraad iyo been sheegid. Sirteedana lama helo. Lamana kala garto in ay wanaagsan tahay iyo in ay xun tahay. Waa ta ina-rag ku wareero, ee uu ku waasho.

8. Ragey

Waa fariid ku caambaxday talo badni, waxana ay u dhaqantaa sida ragga. Sheekada dumarkana kuma badna. Markaasay dadku yidhaahdaan tani waa ragey. Runtii ma caqli xuma laakiin, waxa la yidhaa tani uma fiicna reerkeeda. Oo inta badan fariidnimadeeda ayey reerkeeda ku dumisaa. Waxana ay caan ku tahay la tartanka ragga.

Intaa haddii aan kaga baxo noocyada dumarka ee aan aan ka daba geynayo qaybtii hore . Aan immigana u gudbo noocyada ragga ee aynaan qormadii hore ku soo qaadannin. Sidan ayaanan u dhigay:

1. Dumar shaneeye

Waa ninka had iyo jeer jecel in uu u sheekeeyo dumarka. Ninka noocaasi ah waxa ay Somalidu u taqaannaa Dumar Shaneeye. Waxana inta badan lagu xantaa in aanu garaad badan lahayn. Goobaha raggu ku kulmana kama soo daahiro. Dumarka qaarna sirahooda gaar iyo xantooda ayey u sheegaan, waxana ay u arkaan in uu dumarka la koox yahay.

2. Shisheeye kalkaal

Waa ninka ehelkiisa iyo dadka uu ka dhashay amma la dhashay ka fogaada, una adeega dadyowga kale. Ninka noocaasi ah waxa ay dadkoodu u yaqaannaan shisheeye kalkaal. Oo lama jecla. Warkana waa laga qarsadaa. Shisheeyuhuna waxa ay ugu yeedhaan fariid, nin ballaadhan ammaba geesi cidloobay. Si fiicanna waxa uu ugu adeegaa dadyowga kale. Ninka noocaasi ahi tolkii taariikh xumo ayaa uu kaga dhintaa. Aakhirkana sida uu isku wanaaji is leeyahay ayey shisheeyihiina kala irdhoobaan. Isaga oo aan dhinacna ahayn ayaa uu hawada ka baxaa.

3. Ururshe

Waa beel-daajiye, ilaah caqli siiyey, oo talo iyo taakulaynba loogu tago. Reerkii ninka noocaasi ahi ka dhashaana waa reerka talo iyo tusmaba lagu soo hirto. Ubadka uu dhalo ubadkiisuna waxa ay mujtamaca dhexdiisa mutaan sharaf iyo karaamo gaar ah.

4. Deeqsi

Waa ninka amma odayga ku caambaxay qacan furnaan, ee lagu hadal hayo gacan qabasho iyo wax bixin. Ninkaasi ma guul darraysto, dadka uu la nool yahayna waxa ay u hayaan abaal badan. Talada beeshana isaga ayaa loogu kalsooni badan yahay.

5. Muqayil

Waa ninka ku caam baxay jaad cunis, ee wax kasta ka jecel jaadka in uu labad canba ku ruugo. Dadkuna waxa ay u yaqaannaan jaad-qamax. Ninkaasi naftiisana uma roona ta reerkiisana waa ku liitaa. Dadka ku nool Yurub, siiba UK iyo Holland, kuwooda jaadka cunaa waa kuwa ugu liita mujtamaca. Jaadkuna sidiisaba waxa uu ku seejiyaa shaqada, waxbarashada iyo dhaqdhaqaaqa nolosha oo dhan. Ninka bartaana iskama dayn karo.

6. Reerkii-ka-carar

Ninkani waxa uu ku badan yahay qurbaha, gaar ahaan Yurubta galbeed iyo Woqooyiga Ameerika, waana ragga dulqaad u yeelan waayey korinta iyo maamulka carruurtooda, ee ka duda guryahooda amma u boqoola dhulyowga Somalida amma meelaha kale. Isla markaana u tafo xayta meherado aanan waxba ka tarayn danta reerkiisa uu cidleeyey. Raggani waxa ay sabab u yihiin, qoysaska ay carruurtooda iyo hooyooyinkoodba ku tala xumoobaan qurbaha. Hooyaduna carruurtaasina ugu dambaynta itaal uma hesho in ay qabato hawshii laga rabay in uu aabbuhu qabto. Ninka noocaasi ahi meesha uu tagaba qas iyo wareer ayaa uu geliyaa.

La soco qaybta dambe

Ahmedweli Goth

Email: shueebi@hotmail.com