August 6, 2008

Golaha Wakiiladda oo Warbixin La Xidhiidha Heshiiska Al-jabiri iyo Xukuumadda Ka Dhagaystay Wakiiladda Ganacsadahaas ee Somaliland.

Hargeysa, (Harowo) - Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodi maanta waxay warbixin ku saabsan muranka ganacsiga dhoofka xoolaha ay kaga dhagaysteen Wakiiladda Muwaadiniinta ah ee Ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri Aadan Axmed Diiriye [Aadan Baradho] iyo Cali Ibraahin Ciise (Cali Waraabe).

Taas oo ka danbaysay dalab uu Goluhu kaga dalbaday labadaa wakiil inay golaha hor yimidaan faah faahina ka siiyaan muranka dhoofka xoolaha ee Xukuumadda iyo Ganacsatadda diidan heshiiska Al-jabiri xukuumadu la gashay.

Warbixin ay labadda muwaadin ee Wakiiladda u ah Al-jaabiri Golaha siiyeen oo aad u dheerayd ayay kaga warameen sababihii keenay heshiiskan iyo sidii uu ku yimiday, waxa kale oo ay warbixintooda ku xuseen xiliga heshiiskaas lala galay Al-jaabiri iyo duruufihii haystay iibka xoolaha oo xayirnaa.

Waxa kale oo ay wakiiladda Shirkadda Al-jabiri faah faahin dheer ka bixiyeen danta ku jirta heshiiskan iyo sida ay laga marmaan u tahay in wax lays dhaafsado oo dhinac walba ka faa’iido marka heshiis la galo, wakiiladda Al-jaabiri Aadan Baradho iyo Cali Waraabe waxa ay si qoto dheer uga warameen heerarkii heshiiskani soo maray, isku dayo hore oo lagu guul daraystay oo lagu doonayay in adhiga Somaliland suuq loo helo, iyagoo intaa ku daray in markii heshiiska Al-Jabiri lala galay ay dhamaan ganacsatadu wada ogaayeen oo laga wada marti galiyay.

Dhinaca kale waxay mudanayaasha uga warameen faa’iidooyinka heshiiskan ku jira, kuwaas oo ay ka tilmaameen dhismaha Macjar caalamiya oo qayb ka qaata fasixida xoolaheena ee dalalka carabta, khasaara la’aanta aanay xoolaheenu marnaba khasaarayn ee ay ka baaqsanayaan in sidii baryihii hore dib loo soo celiyo ama la amaahdo oo qiimuhu meel qudha taagnaanayo, sidoo kale mar ay ka hadlayeen tiradda xoolaha lagula heshiiyay inuu iibsado ayay sheegeen in sanad walba shardi lagaga dhigay tiradii ugu saraysay oo ah 2-Milyan oo neef taas oo ah qiyaas laga dheegtay xiligii xoolaha Somalidu dhoofisaa ugu badnaayeen, iyagoo intaa ku daray inaan shuruudaasi jabayn hadii xoolo intaa leeg loo waayo, balse isagu ku khasban yahay inuu qaato tiro intaa leeg hadii la buuxiyo.

Mar ay ka hadlayeen dooda ah in suuq loo kooteeyay oo ganacsatadii kale aan loo ogolayn inay xoolo iibshaan ayay ku tilmaameen mid aanay waxba ka jirin oo qof walba uu xor u yahay inuu sayladaha ka iibsado xoolo intuu doono iyaguna ay wakiilo uun yihiin oo aanay iibka shaqo ku lahayn.

Muranka u dhexeeya ganacsatadda diidan heshiiska lala galay Al-jaabiri mar ay ka hadlayeen ayay ku sheegeen in ujeedadiisu tahay sidii loo carqaladayn lahaa heshiiska isla markaana uu dabadda ku hayo fara galin dibadeed oo ay wadaan ganacsato carbeed oo ka xun in Al-jaabiri uga dheereeyay suuqa Geeska Afrika waa sida ay hadalka u dhigeene.

Wakiiladda Al-Jaabiri mar ay ka hadlayeen sababta xukuumadda dhex galiyay arinta ganacsiga dhoofka xoolaha ayay sheegeen in taasi ku timiday xayiraadii dalalka Carabtu ku soo rogeen xoolaha Soomalida oo khasab xukuumada kaga dhigtay inay raadiso sidii suuq loogu heli lahaa xoolaheena.

                                                  Aadan Axmed Diiriye, Wakiilka Shirkada Al-jaabiri

Sidoo kale iyaga oo ka hadlaya qiimaha go’an ee lagula heshiiyay Al-Jaabiri, waxa ay ku fasireen in habka ganacsigu yahay in marka qiimo la jaro ka dib iib dhaco balse hadii aan qiima laga heshiin aanu iib dhacayn, iyaga oo intaa ku daray in hadii la arko wakhti ku haboon la kordhinayo qiimaha sida horaba loo kordhiyay qiimihii hore ee lagula heshiiyay Al-Jaabiri oo ahaa 36-dollar lagu kordhiyay 6-dollar ee lagaga dhigay 42-ka dollar.

Iyaga oo labaddan Wakiil ee Al-Jaabiri ka jawaabaya sababta xukuumadda iyo iyaga laftoodu ku diidan yihiin ganacsatadda kale ee haya qiime ka Shirkadda Al-Jaabiri ka sareeya oo adhigeena iibsanaya? ayay sheegeen in arintaasi tahay mid lagu xumaynayo Al-Jaabiri oo maal galin dalka ku sameeyay isla markaana aanu ahayn mid sii ridan oo hadii ay Carabtaasi wax run ah wadaan ay dalka iman lahaayeen markii cid xoolaha iibsata la la’aa.

Mr. Aadan Axmed Diiriye Aadan Baradho iyo Cali Ibraahin Ciise [Cali waraabe] iyaga oo ka hadlaya qiimaha uu xoolaha ku iibsanayo Ganacsadaha ay wakiilka u yihiin ayay ku tilmaameen inuu qiimahaa markii la gooyay ee heshiiska lagula galayay uu ku haboonaa, marar kala duwana wax lagu daray hadii loo baahdana la kordhin karo marka la arko in duruufi jirto, sida markii dhawaan sicir bararku dhacayba loogu daray 6-da dollar, marka xiliga xajka la gaadhana laga dhigi doono 45-dollar.

Warbixinta ay Wakiiladda Al-jaabiri siiyeen golaha wakiiladda waxa kale oo lagu sheegay in Al-Jaabiri dalka wax u qabtay loona baahan yahay in loo mahadnaqo, maadama uu yahay cidii ugu horaysay ee Somaliland ku aaminta maalgalin intaa leeg ayay yidhaahdeen.

Mar ay ka hadlayeen waxyaabaha khasabka ka dhigaya in heshiiskan sidiisa loo qaato ayay ku tilmaameen isbadal ku yimiday qaabkii wax loo kala iibsan jiray iyo macaamilkii ganacsatadda xoolaha ee carabta iyo Somalida oo sidii dhaqanka ahayd iska badalay dadkii hore ee Waayeelka Ganacsatadda carbeedna intoodi badnayd dhinteen waxa xiligan maamula shirkaddahana ay yihiin dad aqoon yahano ah oo ay dhaleen oo kugu xidhaya shahaado in badeecadaadu sidato sidaa daraadeed uu Macjarku lagama maar maan yahay cid Al-Jaabiri ka hor maal galisana aan la arag, haday tahay gudaha iyo haday tahay dibadba.

Ugu danbayntii waxa ay Golaha wakiiladda ka codsadeen in aanay ku daalin dooda arintan oo wakhti yari ka hadhay oo sida heshiiskii cusbaa ee xukuumadu la gashay dhawaan Al-Jabiri dhigayo shan bilood ka dib la furayo macjarka marka uu dhameeyo cid walbana loo fasaxayo, ee loo baahan yahay in laga taliyo sidii xoolaha dalka ka dhoofa loogu samayn lahaa nidaam suuq gayn ah oo lagu kala maamulo dhoofka xoolaha si aanay u iman dhibaatooyinkii haystay markii hore ee aan xoolaha la xayirin ee suuqa laysku badhayseyn jiray.

Intaa ka dib waxa ay mudanayaashu labaddan Wakiil uga mahad naqeen hor imaatinkooda golaha iyo warbixinta faah faahsan ee ay ka siiyeen heshiiska iyo sidii uu u dhacay, waxa kale oo ay mudanayaashu waydiiyeen su’aalo aad u tira badan oo ay ka mid ahayeen in heshiiskaas oo sida dastuurku jidaynayo loo baahnaa in golaha wakiiladu ansixiyo oo aan loo keenin ay nuqul ka hayaan oo ay golaha siin karaan, waxa kale oo la waydiiyay meesha ay iyagu heshiiska kaga jiraan, ma wakiil ahaanbaa, mise waa shaqaale Al-jaabiri u shaqeeya? Dawladu doorka ay ku leedahay iyo in iyaga laftoodu ay inqilaabeen muwaadiniin markii hore heshiiska ka soo shaqeeyay? Kuwaas oo ay dhamaantood mid mid uga jawaabeen faah faahina ka bixiyeen.

Geesta kale wuxuu Golaha Wakiiladu maalinta bari ah iyagana la balansan yahay si uu cabashadooda u dhagaysto Ganacsatadda kale ee ka soo hor jeeda heshiiska Xukuumadu la gashay Ganacsadaha Carbeed ee Al-Jaabiri iyo dooda ay ka qabaan si goluhu u gorfeeyo wixii ka soo baxa labadda rayi ee iska soo hor jeeda.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com