August 5, 2008

Seyladda Bari, Shirka Bari ee Gar-Adag Iyo Adhi Siyaasadaysan

Hubaal waxa ah in dhoofka iyo ganacsiga xooluhu yihiin lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland, ganacsiga xoolaha ee u dhaxeeya gaar ahaan wadamada bariga dhexe iyo Somaliland waa mid soo taxnaa muddo aad u dheer oo gaadhaysa qarniyo.

Guud ahaan gabacsiga kala duwan ee u dhaxeeya dalalka iyo dadyawga kala duwan ee aduunku wuxuu noqday mid la soo baxay duruufo iyo xaalado aan hore u jiri jirin sida taxadir caafimaad iyo tayohubin la talaabsanaysa Tignoolajiyada casriga iyo hore u kaca aqooneed ee aduunku gaadhay.

Arimahani waxay ahaayeen kuwii sababay in wadamada Carbeed guud ahaanba xayiraan ama joojiyaan dhamaan xoolaha Somaliland iyo sidoo kale kuwa Gees Afrika.

Sida qudha ee seyladaha wadamada Carbeed xoolaheenu dib ugu furmi karaan waxay noqotay in la fuliyo adeegyada aasaasiga ah ee ay xoolaha iyo dhoofintoodu u baahan yihiin waqtigan casriga ah sida yagleelida Maxrajyo iyo goobo u qaridhan caafimaadka xoolaha oo leh agab iyo saabaan casri ah oo hubin kara caafimaadka iyo tayada xoolaha dhoofka u socda.

Xukuumada Somaliland waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii dalku uga bixi lahaa caqabada xayiraada xoolaha, waxaana dedaal dheer ka dib lagu guulaystey in la helo maalgashi shisheeye iyo heshiis lagu meel marinayo mashruuca dhismaha Maxrajka Berbera si aayatiinka iyo adeega dekada Berbera iyo ganacsiga xooluhu u noqdo mid la jaanqaada ganacsiga casriga ah ee xoolaha, dekada Berbarina u noqoto mid la tartami karta dekadaha kale ee wadamada bariga afrika Sida Djabouti, Kenya iyo Sudan oo dhamantood laga hirgaliyey Maxrajyo iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah.

Hirgalinta dhismaha Maxrajka Berbera iyo adeegyada ku xeerani waxay noqon karaan qaar dalka waxtar balaadhan u leh waxaanay wax weyn ka tari doonaan ganacsiga xoolaha guud ahaan ee halbowle u ah dhaqaalaha Somaliland iyo sidoo kale xarakaadka nololeed ee magaalo Marseedka Berbera.

Waxa kale oo mashruucani noqon karaa mid dhameystirkiisu soo jiitaan indhaha Caalamka dhiirigalina u noqon doona in Somaliland maalgashi shisheeye hesho oo ka yimaada Shirkadaha iyo dowladaha Caalamka.

Cadowga kala duwan ee Somaliland oo aad u og muhiimada mashruucan Maxrajku u leeyahay aayatiinka dhaqaale ee Somaliland iyo in uu abuuri karo cudud dhaqaale u xiddidaysata, wuxuu dagaal cad iyo mid qarsoonba ku hayaa siddii uu u dumin lahaa una mijoxaabin lahaa dhameystirka mashruucan Maxrajka oo u qorsheysan in la soo gabagabeeyo muddo shan bilood gudahood ah.

Waxaanu cadowgan si uu fulo qorshihiisu ku adeegtaa dad iyo ashkhaas kala duwan oo qaarkood magacyo ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Awalbari ninka la baxay oo ah shakhsiyad aan hore loogu aqoon seyladaha ka ganacsiga xooluhu wuxu sida ay dad badani qabaan horseed ka yahay shirqooladan lagu duminayo mashruuca Maxrajka iyo kor u qaadida adeegyada dekada Berbera.

Mar la isweydiiyey sababta uu ula baxay magaca Awalbari oo ah magac uu isagu dhawaan la baxay dadkana ka codsadey in lagu naaneyso, waxay dadka ka faalooda arimaha fadqalalo abuurku aaminsan yihiin in uu uga jeedo sidii uu ficiladiisa iyo xeeladihiisa u gaarka ah isaga iyo kooxdiisa u huwin lahaa xasaasiyad qabiil si qaskiisu u dhadhamo talo qabiileysan.

Kooxdan hore umar diidku waxay bilaabeen in ay dhabar jabiyaan dhismaha mashruucan Maxrajka iyo in si badheedha ugu tuntaan sharciga iyo degenaanshaha dalka iyaga oo marmarar badan ku celceliyey in ay xoog iyo qori caaradii ku jiidhiyaan Berbera iyo meelwalba, taasi oo dhagaha dadka xasuusisey waxyaabihii dhici jirey sanadihii 1991-1992kii.

Kooxdan Awalbari iyo saaxiibadii waxay si mutaxan udiideen in ay ixtiraamaan sharciga dalka iyo heshiisyada waxtarka leh ee xukuumadu cid la gashay.

Waxay sidoo kale diideen in ay caqbalaan wixii ay caqbaleen 95% ganacsatada kale ee Somaliland, taasi u si cad u sheegeysa in yoolka iyo ujeedadooda kaliya tahay qas abuur iyo burburinta mashruucan Maxrajka iyo hore u marinta dekeda Berbera iyo waliba karaamo dilka Dawlad Somaliland iyo heshiisyada caalamiga ah ee cid la gasho.

Sida aynu ognahay waxay dhawaan ku daadiyeen kuna afrogeen badda xoolo ka badan 3500 neef oo ay si qarjajaca uga soo rareen Berbera.

Si taasi daah u saaraana waxay bilaabeen in yidhaahdaan "xoolo Berbera noo jooggey ayaa harraad iyo gaajo u dhimanaya" iyagoo uga jeeda in ay xoolaha badda ku dhintay ka dhigaan qaar gaajo iyo harraad ku laayey Berbera, hadalada noocan ah ee sida shidaarada ah afkooda uga soo yeedhaysaa waxay kaashif ka dhigtay in gardiidnimada iyo wadaniyad la’aanta kooxdan ka muuqataa rasmiyan tahay xaalad abuur iyo sharci ku tumasho badheedh ah oo ujeedo fog leh.

Si taa hore ku mataaneysan, Seyladda ugu balaadhan ganacsiga xoolaha ee bariga Somaliland Burco, waxaad moodaa in dadka xoolaha ka ganacsada ee seyladaas iyo waliba gaar ahaan dad maalqabeeno ah oo la yaqaanaa ay dhiirigalin iyo gacan u siinayaan kooxdan aynu kor kaga sheekaynay ee ujeedada fog leh.

Sida la ogyahay seyladaha kale ee dalka sida Hargeysa, Wajaale, Boorama iyo xataa Harta-Shiikh waxay soo dhaweeyeen una hogaansameen dhismaha mashruucan Maxrajka Berbera iyo heshiisyada la xidhiidhay, waxaanay si cad u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in dalka hawshaasi u hirgasho.

Waana nasiib daro in dadka reer Burco markale magacooda la marmariyo ceeb iyo waxaanay gayin sidii horaba u dhacday sanadkii 1992kii markii intii shacabka Burco layska horkeenay ay Burco noqotey meeshii uu ka qarxay dagaalkii hooyada u ahaa dagaaladii sokeeya ee naxdinta iyo muragada lahaa ee riiqdooduna dheeraatay dalkana waqti badan ka lumiyey geystana khasaare badan ee dad iyo maalka ah.

Mana aha markale ganacsatada iyo seyladda Burco noqoto mid u jajaban fadqalaleynta danta ummadda iyo dalka ee mustaqbal dheer.

Dhinaca kale dimuqraadiyeynta iyo xisbiyada ee hanaqaaday Somaliland waxay baahan yihiin kaabis iyo kalsooni ku qab lagu koriyo si ay yeeshaan himilo kobcin iyo kaalin qaad siyasadeed oo ka fog kanbal reereed iyo kadinka beelaha.

Shirka bari ee ka socda Garadag iyo beesha qabsatey waxay sida muuqata awood sheegasho iyo ikhtiyaar falid ku xakameeyeen kuna baajiyeen in uu qabsoomo shirkii golaha dhexe ee Kulmiye kaasi sida hore loo shaaciyey ahayd in uu dhaco 29-07-08.

Go’aankan beeshu ku deedafaysay kuna laashay qabsoomida shirka golaha dhexe ee Kulmiye waxay noqotay curyaamin loo geystay geedi socodka iyo kobcinta nidaamka demuqraadiyeynta dalka. Sidoo kale waxay noqotay astaan dib u dhacnimo iyo canbaar ku taal jiritaanka guud Kulmiye, afkaarta iyo door siyaasadeedka xisbinimo ee mustaqbalkiisa.

Shirka Garadag oo ku kooban beel kaliya ah may ahayn in lagu cabudhiyo shirka golaha dhexe xisbiga, beeshuna xaq uma leh in ay faragaliso ama ku tagri fasho arimaha xisbiga taasi sida la arko u horseeday xisbiga halis iyo burbur. Mana haboona in xisbiga oo ay ahayd in uu noqdo mid qaran uu isku badalo hay’ad laga maamulo ardaa beeleed.

Waxyaabaha iyo xidhiiddhka ay wadaagaan waxyaabaha aynu kor ka hadaley waxaynu ku soo koobi karaa isku ekaanta jirta sida kooxdan Adhiilayaasha ah oo ay muuqato sidaynu hore u sheegnay in u darban yihiin fulinta amaawiir ka timid cadowga Somaliland iyo dhinaca kale dibindaabyeynta iyo duminta amrka iyo kala danbeynta Somaliland iyada oo hawlaha cadowgu u soo igmadey ay ka mid tahay in Somaliland caalamka loo tuso meel aanay ka jirin dawlad heshiisyo maalgashi la gali kartaa ama fulin karta, si cidwal oo Somaliland maalgalin la damacsaneyd dib uga joogsato lana jabiyo heshiiskii xukuumada iyo Shirkada Aljaabiri si uu alaabtiisa dib ugu gurto. Awalbari iyo kooxdiisu arimaha ay la wareegayaan waa talo ka dhalatey kas shookaantiisu taalo Imbagaati iyo Asmara oo aan arxan ugu jirin ummadda.

Sidoo kale shirka Garadeg wuxuu caalamka u muujinayaa in xisbiyada iyo xisbinimada Somaliland tahay waxaan macno badan lahayn mar la garabdhigo muhiimada iyo miisaanka beelaha taasi oo turjumad xun ka bixinayso ididiiladii laga qabey Jumhuuriyad casri ah oo ka hanaqaada Somalind. Waxa Illaahay mahadii ah in Ummadda Somaliland manta ka kortay Caadifad qabiil iyo caqli kooxeed oo cawaaqib xumo leh.

Mohamed A Osman - Freelance Journalist

Hargeysa, Somaliland

Email: hubsiino@gmail.com