August 1, 2008
Faalo: Shirka Gar-adag - Dood Kulul oo Laysku Mari Waayay - Qaybta 1aad
Shirka beesha degta bariga Burco uga socda magaalada Gar-adag waa shir siyaasadeed oo noociisu aanu hore uga dhicin dalka ilaa iyo intii aynu qadanay nidaamka asxaabta badan iyo doorashooyinka furan. Waxaana ka dhex socda doodo kulul oo aan laysku raacsanayn, laakiin dalka ku celinaya nidaam beeleedkii laga soo guuray.
Kooxaha shirka ka qayb galaya qaar ka mid ah oo u badan kooxihii aan barigii hore taageeri jirin xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa doodooda ugu wayn ay la xidhiidha dhismaha siyaasadda ee Somaliland. Fikradoodu waxay xambaarsan tahay afkaaro cabiraya in nidaamka xisbiyada badan iyo doorshooyinku tooska ahi aanay ahayn qaar ka turjumaaya marxaladda ummadda reer Somaliland maanta marayso ee ah aqoonsin laanta, dal go’doon ah, cadow badan leh taageero dibadeedna aan haysan.
Nidaamka doorashada furani waxay keenaysa ayay leeyihiin in qof aan dalka ka saari karayn marxaldahan uu ummadda hogaanka u qabta, sida lagu badelaana hadhow adkaanayso. Sida uga haboon ee lagaga bixi karo marxaladanina ay tahay iyadoo nidaam beeleed lagu dhaqmo oo laysku raaco ninka kolba ina hogaamin kara marxalad walba oo dalka marayo, ilaa inta aynu noqonayno dawlada la aqoonsan yahay, oo adag.
Kooxdan arritatan qabtaa waxay rumysan yihin ina fikradda hadhow loola tago beelaha kale oo laga iibiyo taladan. Waxaana xisaabtankoodu ku jirta in beesha bariga Burco ay wali sugayso markoodii marka la eego hogaaminta dalka ee ku salayasan hab-beeleedka, laakiin waxayna ogayn sida beelaha reer Somaliland ay arintan u arki doonaan.
Waxa kale oo kooxdani aaminsan tahay in aan dalka doorashooyin ka dhacayn, haddii ay doorasho dhacdana aan is bedel xukuumi ahi aanu dhacayn, oo xukuumada hadda fadhida xoog iyo xeeladba isku dayi doonto inay xukunka ku sii fadhido, taasoo wadanka u keeni karta burbur iyo khasaare badan.
Ka qaybgalayaasha shirku iskuma wada raacsana fikirkan. Waxaa jira dad badan oo aaminsan in nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyinku ay waxtar u leeyihiin horumarka siyaasiga ah ee dalka, keenina karto in caalamku wax ina taro. Gaar ahaan taageerayasha Kulmiye badankoodu iyo Axmed Siilaanyo waxay aaminsan yihiin dimuqraadiyadda dalku qaatay.
Ka qaybgalaayaasha u ololeenaya nidaamka hab-beleedku waxay siyaasiyan ka soo jeedaan kooxihi aan hore u taageeri jirin xisbiga Kulmiye, oo bayyahna ka soo boodsan Udub, ama dawaldaba laga soo saaray. Waxay kooxahani aaminsan yihiin in aan Axmed Siilaanyo ka guulaysan karayn Udub, marka la eego dhaqaalaha iyo awoodda dawladnimo ee uu Rayaale damacsan yahay inuu u u isticmaalo doorashada soo socota. Waxay qabaan in figradoodu fududayn karto in isbedel xukuumi ka dhaco dalka, maadaama ay og yihiin waxa uu Rayaale damacsan yahay.
Haddii figraddooda la qaato kooxdan, waxaa qorshahooda ugu horeeya in talada reerka aan loo dayn Axmed Siilaanyo oo lagula tartamo. Waxayna qorsheeyeen rag kale oo badka la soo dhigo, markay ku haboonaato. Waxayna u badan tahay in mujaahid Siilaanyo waayi doono talada beeshiisa haddii arinbku noqdo hab-beeleed.
Markase siyaasad ahaan la qiimeeyo fikradahan ka soo baxayao shirka Gar-adag waxaa muuqda in dad badan oo ka soo jeeda deegaanka bariga Burca ayna ku kalsoonayan in hogaamiye Siilaanyo iyo Kulmiye ay ka guulaysan karaa xukuumadda Rayaale oo lo baahan yahay talo kale.
kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah dimoqradiyadda Soomaliland ayna soo celin karin beel kaliye. Ninka doonaya talada dalkuna waa inuu ka soo baxo xisbi qaran oo u ka dhiga musharaxoodu. Kulmiyana ha ku kalsoonaado Mujaahid Siilaanyo iyo Mujaahid Cabdiraxman Aw-Cali.
Cabdicasis C Xirsi
Email: abdicazizomar@yahoo.com







