July 28, 2008

Sideebuu u Dhacay Shirkii Magaalada Toronto Canada ee AACNA

Marka u horeysa waxaan salaam u dirayaa dhamaan jaaliyada samaroon ee adduunyada dacaladeeda jooga iyo dalkeenii gudihiisa, jaaliyadaas oo u hanqal taagayey shirkaas waxa ka soo baxay sida uu ku dhamaado ,waana sidan siduu u dhacay.

Bilawgii shirka waxaa la filaayey in uu bilaamo maalinta Sabtida ee bishu ahayd 26/07/08 saacada 9.00am (local time) laakiin ilaa iyo laga gaadhayo 12.00(duhurnimo) dadka joogay aad iyo aad ayuu u yaraa waxayna u badnaayeen dad Ottawa ka yimid ama looga yeedhay. Ka dib waxaa yimiday dad waxoogaa yara badan inkasta oo tirada dadka ku nool magaalada Toronto 20% ay ka yimaadeen shirka AACNa la magac baxay.

Waxaa shirkaa ka soo qayb kala aqoonyahano u dhashay beesha Samaroon oo ay u badanaayeen dad ka yimid wadanka (Unated State of America ) gaar ahaan gobolka Minnesota oo lagu sameeyey ururkan ,

Anigu qoraaladii hore kamaan hadlin ururkan waayo? Waxba kalamaan socon sida uu u socdo ama uu u dhisan yahay ama waxa uu u qabtay bulshadii wadankeena hooyo ku nool inkastoo aan ka akhriyey website dhaliilo loo soo jeedinaayao gaar ahaan dadka ku nool maraykanka , laakii hadda waan ka hadli karaa waayo? Waxaan la kulmay dadkii weday ururkaa iyo sida uu u shaqeeyo.

Horta dadkii ururka waday sanadkii hore may wada dhaneyn waxaa ka yimiday dadkan hoos ku qoran

Mohamed Alla-Bari (president)

Cibaado Geele

A/Wahab Osman

A/rahman Geeljire

Anagoo ka mid ah Jaaliyada Awdal ee degan Magaalada shirka lagu qabanayey ee Toronto aaway dadkii kale waxay noo sheegeen way iman kari waayeen duruufa gaar ahaaneed awgeed.! Hoos waxaan ku sheegayaa sida ay kala ahaayeen dadka noo yimid ama masuulka hore uga ahaa jiray ururka AACNA.

1)  Mohamed Alabari oo ah (president) waa nin aad u afgaaban. Waxaanan u qaatay in uu daacad ka ahaa sidii wax loogu qaban lahaa umada ama beesha samaroon ee wadankii laakiin qalbigiisa ma garanaayo Ilaahay uunbaa og kuna danbaabi maayo.

2)  Cibaado Geele waxay iila muuqatay qof waayeel ah oo ku daashay ururkan rabtana in lagala wareego oo ay ku wareejiso cidkasta oo rabta waraabana ha noqotee!!.

3)  A/Wahib Sh,Osam wuxuu iila muuqday nin yar oo aftahan ah nin ,rabana in dadka wax loo qabto , laakiin loo sheegay warar khalad xaga reer Toronto dad gaar ahna u weeday in uu ku wareejiyo arimaha ururuka, waayo wax afti ah kamuusan qaadin dadka ku dhaqan Toronto oo runtii marti loo ahaa mudnaana in wax laga weydiiyo cida la dooranayo. Taasi mayna dhicin hadlka Jaaliyada Torontana cidi dheg umay dhigin haba yaraatee.

A/rahaman Geeljire in kasta oo uuna ahayn qof dafdaf badan laakiin wuxuu ila muuqday nin raba in uu iska wereejiyo ururkan uuna u dhiibo cidksata tuugna ha noqotee!!

Prof. Ahmed Isamail samater ayaa Khudbad aad ah u soo jeedyey isagoo ka hadlaaya guud ahaan danaha ama wax ku saabsan iyo arimaha Somaliweyn ku lugleh ,laakiin wuxuu ku darsaday isgoo kamid ah bulsho weynta ka soo jeeda beesha samaroon talo iyo waano kuwaasoo ah.

Leadership ama hogaanku waxa uu yahay isagoo ku tilmaamay

1- in qofka hogaanka hayi uu na noqon kala kexeeye ee uu noqdo isku keene!

2-in uu karti badan yahay,IWM, waana nin aad u cajaabihaa dhegaysanayna sida wax u socdaan.

Hadii aan dib ugu noqdo, Habeennimadii ka horaysay shirka ayaan waxaan waydiinay gudiga waday inay xilka iska wareejiyaan ee AACNA: Maxaad ugu qaban weydeen magaalad Ottawa ,waxay noogu jawaabeen Ottawa waya diiday in ay shirkaa noogu qabtaan!! Hadalkan ka soo baxay Masuuliyiinta AACNA ayaa noqday mid shiki weyn dhamaantayo Jaaliyada Toronto ku beera anagoo isweydiinay sababta loogu diiday in Otawa lagu qabto waayo Jaaliyada Awdal badankeedu waxa ku dhaqan tahay Otawa isla mar ahaantaana waxa kale oo madaxayaga ka guuxay inaanu shirkani daacad u dhawayn madaama Otawa laga diiday in lagu qabto.

Intaa waxaa noo dheeraa in aan ayidno warar hore oo sheegayey in ururkani sii dhimanayo kuna dhiman doono magaalada Toronto ee aan deganahay, taasina indhahayaga ayaan ku aragney waana marag ma doonto.

Maxaan ku cadaynaynaa Arimaha kor ku xusan?

Dadku aad iyo aad ayey ugu biya diideen sida shirkaasi u socodo ,shirku wuxuu ula muuqday afduub weyn in lagu sameeyey oo xitaa aqoon yahanadii ka yimid markanka ayaa si aad u weyn uga biya diiday iyo bulshadii reer Toronto .

Waxaa dhacaday in xitaa dumar iyo ciyaal iyo dad u khaas ah looga yeedhay magaalada Ottawa si ay u taageeraan dadkan aan daacada u ahayn bulshada samaroon, waxaanan u gudbinay cabashooyin reer Toronto qabaan waa lagu gacmo saydhay in wax laga qabto ilayn waa wax ilaa iyo bilo la soo qorshaynaayey. Cabashooyinkaa waxa ka mid ahaa shacabka aad martida u tihiin ka qayb galiya cidii la dooranayo ee liiska aad kala timaadeen Maraykanka inaga daaya ama wax ka bedela, taasina way naga socon weyday mar kale hadaanu nahay reer Toronto.

Intaa wax noo dheeraa in bulshada reer Awdal ee ku dhaqan maaagalada Toronto lagu riday iska hor imaadna laga dhex abuuray si wareer u dhasho.

Mudane Hassan Daahir Sheer oo ah dadka ugu firfircoon danaha bulshada reer Awdal ee degan magaalada Toronto oo si aad iyo aad ah uga biyadiiday sida shirkani u dhacaayo isagoo og burburkii ama kala qaybintii loo gestay 8dii sano ee ina soo dhaaftay bulshada reer Toronto,ayaa si cad u sheegay in aanay si xaq ah u wadin shirkan,Waxanu sharci daro ku tilmaamay liiskan dheer ee ay la soo bexeen gudidii hore ee ururkan iyadoo waxba aan laga waydiin bulshada shirka loo qabtay ee hoolka shirka ka soo qayb gashay kharash iyo socdaala u yimid sidii umadooda ay u midayn lahaayeen.

Mudane Ahmed Omar (baaderi)oo ka mid ah odayaasha magalaada Toronto oo isaguna aad uga biyo diiday sida shirkaas loo wado ama lagu soo gabgabeeyey, ayaa gudigii shirka waday sheegay in bulshada reer Awdal ee Toronto aad iyo aad u kala daadsan yihiin kalana ayna kala daadiyeen dadka hada talada hogaanka ururka lagu wareejinayo isagana waxba lagama soo qaadin hadalkiisii.!

Mudane Haamud Ali Maasheeye oo ka mid ahaa dadkii aqoonyahanadii ka yimiday maraykanka ayaa si cad looga saaray liiska dadka ka hadlaaya shirka isagoo markii hore ku jiray liiska dadka ka hadli doona isagoo loo aanaynayo talooyin umada waxtar u leh oo uu rabay inuu ka soo jeediyo, intaa kumuusan joogsane masraxa ayuu u baxay hadalo dhawra markuu yidhina waxa laga damiyey macrofoonadii hadalka qaadayey iyo dhamaan kamaradihii shirka duubaayey. Markii laga joojiyey hadalka ayaa waxa lagu bedelay nin kale oo hadalkii Haamud Ali Maasheeye isagu yidhaa!! taasina waxay ku tusaysaa khalad kale oo bulshada waxgaradka Awdal ururku uu ka galay inay codkooda dhiibtaan

Mr. Mohamed Mead Maydhane oo duruufaha qaarkood aan ka soo qayb galen shirka ayaa warar xogagaal ah oo ka soo gaadhay dadkii tegay sida ay shirku udhacay, ayaa aad iyo aad uga xumaaday sida loo afduubay urukaas AACNA ama loo wareejiyey, isagoo sheegay inaanu taageersanayd ururkan iyo cidii wadataba madaama laga leexiyey dhabadii toosnayd ee urur ku dhismi lahaa oo ah in umada la simo codkastana la dhegayso rayiga bulshadana lagala soo dhex baxo inta waxtarka u le ururka iyo bulshada labadaba.

Horta dhamaan waxa loo wada socdaa waa danta guud ee dadkeenii ku dhaqnaa wadankeenii hooyo sidii wax loogu qaban lahaa ,qofna ma diidana taa, lakiin waxaa laga biyo diiday dad u haraadan maamul ama magacdoon ah in aanay ka daacad ahayn arima danta guud taas ayaan laga biyo diidsan yahay dadkuna isku fahmi waayey lakiin mar hadii aan aqoon yahanka waxba la weydiinayn waxa wanaagsanayd in meelo kale lagu soo dhiso ururkan oo aan naloola iman Toronto waana gaf kale oo Jaaliyada Toronto laga galay in magaaladoodii lagu qabto shirka talana nala weydiin waayo.
 
Dadka lagu doortey shirka qasabka ah:

1)  President Ibrahim Cabsiiye (jimce) degan toronto
2)  Hassan Kaamil Abtidoon degan toronto
3)  Mohamed Daahir jagadiisa garan maayo degan ottawa
4)  Mustafe doodi jagadiisa garan maayo degan ottawa

Intaa waxaan ku darayaa badanka dadka la doortey ma ayna joogin shirka ama maaha dad degan Toronto ama Canadaba ee waa dad aan kaba warhayn in gudiga cusub lagu dari doono oo kala degan USA.

Anigoo soo gabgabaynaaya hadaanu nahay Jaaliyada Toronto shirkani waxaa noo cadaatey cabashooyinkii iyo waxyaabihii lagu sheegayey ururku waxa uu ku danbeyn doono oo ah khasaare Waxaanan odhan karaa ururkani waa dhisic naftu kasii baxaysey oo anaga reer Toronto ahaan nalala soo doontey inuu ku bakhtiyo magaalada aanu degan nahay.

Fiiro gaar ah: Hadii ay jirto cid rabta inay xaqiijiso wararkan aan isku soo duba riday mid-mid ha ula xidhiidheen aqoonyahanada reer toronto ee aan kor ku xusay ee shirka inay ka hadlaan loo diiday.

Thank You All

Ali Abdi Farah (Abraar)

Toronto Canada

Email: alifafifise@hotmail.com

Login