July 27, 2008
Kulmiyoow Somaliland ha Kala Qoyn, Qaybtii - II Waa markale iyo qaybtii labaad ee jawaabtii “Galbeedoow Somaliland ha Kala Qoyn”.
Waa markale iyo qaybtii labaad ee jawaabtii “GALBEEDOOW SOMALILAND HA KA LA GOYN.” Gunaanadkii qaybti koowaab waxaynu dareensiiney walaalkeen Ibrahim Gaagaale in seddexda waaxood ee xukuumadda Somaliland ka koobantahay, laba hoggaankoodu gobollada Bari ka soo jeedow, waaxada kalena Galbeed tahay. Halkaa markay marayso waxan jecleystey in aan Ibrahim toos ugu iftiimiyo waxa gaddaandhabadka ugu wacan iyo sidaan waxba uga jirin warka uu shirka la yimid, waxana weeye:
GAAGAALE SHEEKADA HADDAAN GUN UGA FAALOODO
WAXA LAABTA KAA GUBAY XUMAAN AAN LA GARANAYNE
WIXII AAN GARGAARIYO WANAAG KUGU GUNAYNAAYAY
GUUTOOYIN HEEGANA RAGAY GAAJO KARIWAYDAY
GAASHAAN BIRIYO WIILASHII GAADHKA HORE JIIFAY
GABAL DHACIYO WAAGABA RAGII JOOGAY GARABKAAGA
GAAWAHA WIXII AAN U CULAY WAA LA GEES MARAYE
DEEQDII GALBEED IYO ADAA GABAY ABAALKIIYE
GALBISYADA SULDAANADA MARKUU GOLAHA KEENAAYAY
EE UU IBLAYSKA U GALEE GACANTA SAARAAYAY
MUU GARANIN XAAJIGU HALKII GOBO’DU AY TIIL E
ADDUUNBAA GADAAL EEGAYEE LOOGA KALA GUURIYE
GEEDIGA WAXAA LOO LALABAY GURI BARWAAQAADE
ISKA GAABSO XAAJADAN HORAA LOO GUDOONSADAYE
9: Halkaa iyadoo xaal marayo ayuu Ibrahim ku tiiraabay in xukunka dalkaba Gobolladku gaar u yeesheen. Ibrahimow Xukunka dalka waa loo simanyahay, Gobol ama Gobollo iskood isasiinkara hoggaanka wadanku ma jiraan; Gobollada Bariga dadka ka soo jeedaana Hargeysa iyo meel kaletoona cid marti uguma aha.
Ninka yidhaa Hargeysa Reer Bari ama Habar Jeclo ha ka baxdo waa nin iyo maankii. Arrintan si weyn ayaa looga hadlay, ummadda reer Somalilandna cidi ma kala sooci karto oo waa ul iyo diirkeed; burbur, barakac, iyo dagaalo sokeeye weynu ka soo doognay; wax la isku khuukhiyo iyo wax la isku xajiimeeyo midna soconmayso. Halkaa markuu garnaqsigii marayo, ayaa Ibrahim Xasan qumaati ugu dhaadhacay ujeedadii qormada, gantaalihiina halkii uu wax ka tirsanayey darandoori ugu foororiyey, siiba qeyb magaalada Hargeysa dadka dega ka mid ah iyo seddexda gobol ee takoormay iyo dadka ku dhaqan.
10: 15 May, 2008 waxyi Ilaahay oo samada ka soo degey ma ah; xilkana waxa lagula kala wareegi karaa waa doorasho xalaal ah. Sumcaddii, karaamadii, iyo haybadii qaranka Somaliland ciddii dulka jiiday waa hoggaanka Kulmiye ee damcay in uu duhur dharaareed afgambi dalka ku qabsado. Kulmiye hadduu rajo ka qabo in uu hanto talada dalka ha la yimaado anshaxeedii iyo hoggaan aan hore u fashilmin oo wax lagu aamino.
Aafaada keli ah ee Somaliland ka jirta wa Axmed Siiraanyo iyo Xisbiga Kulmiye ee aragtidiisii noqotay haddaan xukunka la igu wareejin dalku jirimaayo. Nimaan lexejeclo iyo dan midna ka lahayn ummadda talo lagu aaminimaayo. Axmed Siiraanyo wuu ogyahay in aanu doorasho waxba ku helayne wuxu damacsanyahay in dalku isaga awgii u burburo taasina wa mid aan u hirgeleyn.
11: Sideedba ma haboona in Xukuumaddii ummaddu wadaageysey lahaanshaheedii lagu shambadeeyo Gobollada Hargeysa, Saaxil, Iyo Awdal. Isbahaysi galbeed ka jira oo xuubsiibtay in Md Daahir Riyaale Kaahin xukunka lagu ilaaliyo dadka gobollada Bari u dhashayna xukunka laga hiro waa been cad oon sal iyo raad midna lahayn.
Xukuumadda dalka ka talisa ciddii ayidaysa iyo cidda mucaarid ku noqonaysa waa go’aan shakhsiyeed oo waa ta qof kasta u suurto gelisey inuu xibiga cajebiya codkiisa ku taageero. Qof reer Somaliland ahna inta qori madaxa lagaga qabto la marsiinmaayo xisbi hebel ama shakhsi hebel taageer, xisbi hebelna mucaarid ku noqono. Dhaqanka noocaas ihi abuurta iyo jiritaanka bani Aadamka ayey meel ka dhac ku tahay, wax la isu yeedhiyana ka hadal keedaba reeb.
12: Dabayaaqadii Sannadkii 2007 labada xisbi mucaarid ayaa soo jeediyey in doorashooyinka dib loo dhigo sababo xagga farsamada qabsoomidda ay awgood. Go’aanka kama dambeysta ah ee qabsoomidda/dib-u-dhaca doorashooyinka waxa iska leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Sharciyadda muddaynta waxa iska leh Golaha Guurtida. Illaa inta Golayaasha Sharci Dejintu Xeer muddeeya oo taariikh aan la bedelin u cayimayo doorashooyinka Qaranka ansixinayo, waxa inna hortaagnaandoonta in muran ka aloosnaado qabsoomidda doorashooyinka soo afjarideeduna waa hawl u taala Golihii aynu u codeynay. Sharciyadda uu ku fadhiyo madaweynuhu waxa inoo fasiri qaryaqaanada aqoonteeda leh, wakhtina in la iskaga lumiyo looma baahna.
13: Safarkii dhowaan madaxweynuhu Jabuuti ku tegay iyo wixi heshiisyo ah ee labada dal isla gaadheen iyo heshiis kasta oo dalal/shirkado shisheeye lala galo, dhaqan galkoodu waxay ka mid tahay awoodaha Golaha Wakiilada. Sagaal iyo afartankii [49 MPs] ee aynu u codeynay xilkaynu u igmanay halkey kula ambadeen? Ma seddex iyo sodonkii UDUB ayaa muquuniyey? Sideebay xilkoodii u gudan waayeen? Sidey u dhacday in kooraamki shirarka Goluhu qabsoomi waayo? Mid yaan la ilaawin: Heshiis wal oo qarsoodi ihi maalin maalmaha ka mid ayuu soo shaac bixi; wixii fadeexad ah ee ka yimaadana ciddii ka dambeysey ayeynu kala xisaabtami. Intaa wixii dhaafsani waa mala awaal.
14: Dib haddaan ugu noqdo halgankii dib-u-xoreynta Somaliland waxaan marnaba la dafiri Karin sidi hagar la’aanta ahayd ee walaaleheena reer Jabuuti isula keen barbar taageen hiil iyo hooba. Shacbiga reer Jabuuti baal dahab ah ayey kaga jiraan taariikhdii halganka. Haddaan hoos u dhaadhaco markii shantii Soomaaliyeed u kala baxda mid kuwaxyeeleeya oo toos taliska Afweyne ula safata iyo mid kugu wiirsada, Beesha Ciise maalintaa mowqifkay istaagtay halkee lagu illoobay?
Naf iyo maal midna miyey hagradeen? Siyaasaduse saaxiibtinimo ma laha e waxay leedahay dan lawadaago; Ismaaciil Cumar Gheelena halkaas ayuu ka duulayaa. Waar hala kala saaro siyaasiga iyo dadweynaha oo yaanay qiiro la asqoobin. Ciidanka qaranka Somaliland dal shisheeye ka dagaal gelimaayaan; Jabuuti heshiis ayey la gashay dowladda Fransiiska, wixii debed ka soo weerar taas ayaa kaga filayne, wax kale ma la hayaa?
15: Ibrahim oo weli daba socda eedeynta Gobollada Galbeedka dalka aya digniin kama dambeysa soo jeediyey isaga oo ku hadlaya afka bulshada Gobollada Bariga ku dhaqan. Soo noqoshada Md. Riyaale iyo hadii cid kale lagu bedeleyaba go’aanka kama dambeysta waxa iska leh oo garsoore ka noqondoona codbixiyaha. Samir darro iyo salfudayd waxba ma soo kordhiyaan. Dadka Gobollada Bariga ku dhaqan dareenkooda ma Ibrahim Gaagaale aya Somaliland inteeda kale uga wakiila ah? Hore ayaan u soo sheegay sharciyadda madaxnimada Md. Riyaale iyo
muddo kordhinta in aynu u dhaafno garyaqaanada reer Somaliland .
Ibrahimoow waxan kuu sheegayaa aqoonyahanka, madax-dhaqmeedka, iyo siyaasiyiinta Gobollada galbeedku in aanay qaadanayn talo iyo tusaalo aad hormood ka tahay. Cidda goboleysi iyo beleysi qaawan isla soo mutuxayaa waa adiga iyo inta kula fikirka ah. Ninka Md. Daahir Riyaale kursigaa ka ridanayaa hirdanka haka qaybgalo.
Rashwaan Y. Muhumed
Email: rashwaan1967@yahoo.com








