July 26, 2008

Gebagadii Shirkii AACNA ee ka Socday Magaalada Toronto (Canada), oo Gudoomiye Loo Magacaabay Ibrahim Cabsiiye (Jimce)

Waxa Dhawaan la Soo gabagabeeyey Shirkii Urur Siyaasadeedka AACNA uga socday Magaalada Toronto ee dalka Canada, halkaas oo damaadkii shirka gudidii hore ee ururku soo saaray liis cusub oo sida la sheegay uu madax ka yahay ninka la yidhaadhdo Ibraahim Cabsiiye (Jimce).

Liska cusub oo sida horeyba loo filayey ay soo diyaariyeen gudidii hore ee urur siyaasadeedka AACNA, kuwaas oo iyaguna is casilay dhamaadkii shirk, ayaa dad badan oo shirka ka qayb galay ka biyo diideen.

Liiskan oo sida dad ka qayb galay shirka u sheegeen Shabakadda Harowo.com, ayaa waxa ka mid ah  xubno badan oo aan madasha shirka Joogin, taas oo dhalisay muran iyo sawaxan ka dhex dilaacay madasha shirka. waxanan tafaasiil dheerad ah idiin soo gudbin doona marka aan helo war buuxa sida ay wax u dhaceen.

Dhinaca kale, maamulka shirka ayaan weli ka bixin wax tafaasiil ah xubnaha liiska iyo guud ahaanba sida ay wax u dhaceen.

Kala soco Shabakadda wararka ee Harowo.com wixi warar dheerad ah ee aan ka helo magaalada Toronto.

Login