July 24, 2008
Xisbiga Udub oo Kulamo Isku Xidhka Laamihiisa Dibadda iyo Qaar soo dhawayn Ururo ku Biiray ah Ku Qabsaday Hargeysa.

Hargeysa, (Harowo) - Xisbiga Taladda Dalka haya ee UDUB ayaa maanta qabtay kulan balaadhan oo ay kaga waramayaan dar dar galinta iyo xoojinta hawlaha laamaha Xisbiga ee Dibadda dalka iyo gudahaba, kaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan gudida fulinta iyo masuuliyiinta waaxyaha iyo laamaha dibadda.
Intii Kulankaasi socday ee ay masuuliyiintu saxaafadda u waramayeen ayuu Xoghaya guud ee Xisbigu si rasmi ah khadka Telefoonka ugu furay taageerayaasha Xisbiga ee Gobolka Wails ee dalka Ingiriiska oo qabsanayay shir ay ku dar dar galinayaan hawlaha xisbiga ee laanta Gobolka Wails.
Xoghaya guud ayaa halkaa salaan balaadhan uga diray isla markaana ku bogaadiyay dedaalka iyo hawsha balaadhan ee ay wadaan oo uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin, sidoo kale ayay masuuliyiinta gobolka waylis ee tilifoonka ku soo hadlayay halkaa salaan balaadhan uga soo direen Gudoomiyaha Xisbiga iyo Gudoomiye ku-xigeenka Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Ku-xigeen Yaasiin, iyaga oo sheegay inay aad ugu bogaadinayaan dedaalka balaadhan ee ay ugu jiraan maamulka dalka iyo hogaaminta Xisbiga labaddaba.
Intaa ka dib Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale oo halkaa ka hadlay ayaa ka waramay hawlaha dar dar galinta ah ee Xibigu bilaabay, taas oo uu sheegay in ujeedadeedu tahay sidii Xisbiga taageerayaashiisa iyo ololihiisaba kor loogu qaadi lahaa maadama Xisbiyadda Jiraa yihiin kuwa rasmi ah oo waligood jiraya, sidaa daraadeed ay doonayaan in aanay is dhigan ee dedaalkooda sii badiyaan.
Xoghaya Xisbiga UDUB waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dalka gaar ahaan dhoofka xoolaha nool ee mudooyinka danbe muranka xooga lihii ku soo kala dhex galay ganacsatada iyo xukuumadda, arintaas oo uu Md. Bulaale ku tilmaamay mid lagu doonayo burburinta Dalka isla markaana ah Somali Wayn Harag adhi loo soo galiyay "Maalmahan ama labadii todobaad ee u danbeeyay waxaad moodaa waxa ina soo gashay, kolba dhinac baa la inooga wareegayaa, oo cadawgu inooga wareegaya, buuq iyo in khal khal layna galiyo ayaa cadowgu inoo soo maleegay, waxa ina soo gashay Somali Wayn oo inoo soo gashatay harag adhi, xoolo la dhoofiyo, waxa laga hadlayaa ee laga doodayaa buuqa aad maqlaysaan xoolo maaha haragii adhiga uun baa la soo saaray, waxa weeyaan mijo xaabin, waa burburin, waa nabad galyadeena in wax la yeelo oo aynu halkaa ku baaba’no, taasi waxa weeyaan dadku inay iska arkaan oo ay ka foojignaadaan.

Xoghayuhu waxa uu sheegay in Somaliland umad noqotay kuna heshiisay dastuur balse aanay arintu ahayn mid ninba sida uu doono uu wax u wadanayo waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Umad baynu nahay dawlad baynu nahay.
Afkaarteeni shaqsiyaadka ahayd iyo taladeeni gees ka gees inta laysku keenay ayaynu midaynay, dastuur baynu ka samaysanay, dastuurku wax samadda ka soo degay maaha waa taladii umadda oo la ururiyay, oo laysu keenay oo la mideeyay, waa la ansixiyay, hogaan baynu u samaysanay oo ay nidhi ku shaqee adigu, oo ku soco adigu, halkaa waxaad arkaysaa in loo noqonayo afkaartii shaqsiga ahayd oo loo noqonayo anagoo ah hebel iyo hebel waxaanu go’aansanay, oo maxaad u go’aansanaysaa sowtaan ururinay ee aynu meel dhignay, taasi waxa weeyaan dumin nabad galyadeenay wax yeelaysaa.
Md. Bulaale waxa uu sheegay in bani’aadmigu khaldamo oo dawladu khaldami karto balse nabadu wax walba ka wayn tahay oo hadii la waayo aan laysa sixi karin "Hadii nabadi jirto Illaahay uun baan gafin cid kastaa way khaldami kartaa, nabad galyadda wax baa laysugu sheegi karaa, war halkaa hala saxo war halkaasi way khaldan tahay, halkaa sidaa hala yeelo, waynu is toosinayaa oo wixii waa wax aynu lahayn, laakiin hadii nabad galyadu inaga xumaato Somaliya Waxaa ka socda waad aragtaan, xitaa si loo wada hadlo ayaa adkaanaysa.
Maxamed Ismaaciil Bulaale oo arinta adhiga iyo muranka u dhexeeya xukuumadda iyo Ganacsatadda diidan heshiiskii Aljaabiri iyo dawladda ayuu tilmaamay in Harag adhiga la soo gashanayaa keenay in siyaasiyiin badan oo mucaarid ahii ganacsato isu badalaan oo ninba laba kun ku darsado waa sida uu hadalka u dhigaye "Haraga adhiga ee la soo gashaday wuxuu keenay siyaasiyiin mucaarid ah oo reer Somaliland oo badani inay adhiilayaal noqdaan oo mid walba yidhaah laba kun oo neef baan dirayaa, oo hadana inamo jabhadii ah oo SNM-tii ah la kexeeyo oo la yidhaahdo qoryahaa qaata oo gar iyo gardaraba adhigii ha dhoofaa, war qorigaa waxaan moodayay inaynu ka heshiinay oo aynu meel iska dhignay, ee yaynaan mar danbe dawladnimadeena qori u qaadanin aynu caqliga ka wada hadalno, dooda hadaynu is toosinaynee yaan qorigaa la qaadanin.

Xoghayaha guud ee Xisbul Xaakimku waxa uu aad ugu dheeraaday waxa uu ugu yeedhay siyaasiyiinta adhiilayaasha noqday kuwaas oo uu kula taliyay inay ka dhex baxaan ganacsatadda oo garoonkii siyaasada ku soo noqdaan si laysku saxo "Siyaasiyiintaa adhiilayaasha noqdayna waxaan leeyahay waad ka tagteen garoonkii siyaasada ee kubadda aynu ku wada ciyaari jirnaye dib ugu soo noqda, ilayn adhiilayaal maydaan ahaynee, adhiilahana shaqadiisi aynu u dayno, is maqalkeena iyo kala danbaynteenana aynu ilaashano, qofku marku leeyahay xoolahaasi way tagayaane ama amarka madaxweynaha ayay ku tagayaan ama amarkaygay ku tagayaan, qofku ma isagaa is caayay mise cid buu caayaya? Qofku isagaa is caayaya isagaa hogaanka samaystay isagaa dawladnimada leh, isagaa dastuurka ansixax saday.
Md. Bulaale isaga oo ka hadlaya dawlada iyo Xisbiyadda Mucaaridka ah doorka looga baahan yahay hadii ay khaldanto xukuumadu ayuu sheegay in dawladu isa saxdo hadii ay khaldanto, mucaaridkana laga rabo inay saxaan oo nabad galyadda iyo qaran nimadda ilaaliyaan, sidoo kale ayuu Mucaaridnimadda iyo Muxaafidnimada ku tilmaamay inay yihiin laba muwaadin oo siman balse taladda ku loolamaya oo dumista dalku aanu midna anfacayn.
Isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi "Dawaladi haday khaldanto iyadda isa saxda, oo wixii khaldama isa saxda laakiin yaynaan burburinin dawladnimadeena, dawladi waxa ay ku shaqaysaa waa rabitaanka umadu leedahay, waa dastuurka umadu ay dhigato waa caqiidadda diinta islaamka intaa wixii laga waayo ee qodob ku dheeraad ahii waa waxba kama jiraan baa dastuurkeenu dhigayaa, markay sidaa tahay tilmaamaha iyo taladda waa laysku soo gudbinayaa oo mar walba waa loo baahan yahay, laakiin inaynu mar kaliya wixii aynu dhiganay baabiino maaha, mucaarid iyo muxaafidba, waayo? Dalka waa la wada leeyahay, muxaafidnimada iyo mucaaridnimadu maaha anigu meesha an yara fuulo iyo anigu aan yara fuulo wax ka badan maaha, aan bur burino oo aan cagta marino maaha oo anigu hadaan fuuli waayo cagta aan mariyo maaha.
Suldaan Buur cad oo isagu ka mid ah qurba jooga taageera Xisbiga UDUB gaar ahaana ka yimiday dalka England oo isna hadal kooban halka ka yidhi ayaa sheegay in had iyo jeer dadka Qurba jooga ah ee reer Somaliland wadanka u dhega taagaan, wixii dhibaato ah ee dhacana ay aad uga war waraan, waxaanu sheegay inuu dadka qurba jooga ah u sheegayo in hawsha dhibaatadda adhiga ee beryahan taagan ay wadaan Xisbiyadda Mucaaridka ah oo uga dan leh buu yidhi inay ku jiheeyaan doorashooyinka soo socda, oo ay doonayaan inay ku dhaawacaan sharafta Xisbiga UDUB Laakiin taasi ay tahay mid aan Xisbigu yeelayn.

Waxa kale oo kulankaas ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka laanta Kaadhif ee gobolka Waylis Yuusuf Cismaan Dakhare ayaa sheegay in kulankan maanta ujeedadiisa ugu wayni tahay isku xidhka Xafiiska uu Gudoomiye ku-xigeenka ka yahay ee Cardiff iyo gudida fulinta ee Xisbiga UDUB, waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay Xildhibaan C/raxmaan Xoog, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB kuwaas oo ka soo shaqeeyay xidhiidhkan mar ay dhawaan socdaal ku tageen Gobolka Wells ee dalka England.
Hagaanka arimaha dibadda ee Xisbiga UDUB Xildhibaan C/raxmaan Maxamed jaamac (Xoog) iyo madaxa xafiiska wacyi galinta iyo abaabuulka Md. Maxamuud Cabdi Malow ayaa iyaguna halkaa ka hadlay, waxa kale oo halkaa ku sugnaa xubno badan oo ka mid ah gudida fulinta ee Xisbiga UDUB Iyo Xildhibaano kale oo uu ka mid yahay Md. Xasan Cawaale Caynaan.
Geesta kale Xisbiga UDUB ayaa maanta xaflad ku soo dhaweeyay urur dhalinyaro oo ku soo biiray Xisbiga kaas oo Xafladda soo dhawaynta loogu qabtay Beerta Xoriyadda ee Magaaldda Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo Xisbiga ka tirsan oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Xisbiga UDUB iyo masuuliyiin kale.

Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com








