July 24, 2008
Maxaad Kala Socotaa Khiyaamadii Komishanka Qaranku Kula Kacay Gobolka Awdal Sanadkii 2003dii?
Ka dib markaan akhriyey maqaal uu qorey Nin magaciisa ku sheegay Yuusuf Geelle kuna soo baxay shabakada Hadhwanaagnews cinwaankiisuna ahaa "Codbixiyayaal kor u dhaafay 128.000 oo qof ayaa hakiyay taageeradii ay siin jireen xisbiga KULMIYE".
Maqaalkaas oo aan run ahaantii ahayn mid ku salaysan waaqica dhabta ah ujeedada kaliya ee uu ka lahaana ay ahayd inuu sawir qaldan ka bixyo gobolka Awdal iyo Numberka ka codeyn kara isagoo ku halqabasaday maqaal aan horey uga jawaabay oo uu qorey ninkale oo la la yidhaa Maxamuud Colhaye.
Hadaba markaan arkey warxumo tashiilka xaqiiqda ka fog ee la baahinayo iyo sida la iskaga indha tirayo khiyaamadii lagu sameeyey gobolka wakhtigii doorashada madaxweynaha,waxan jeclaystay inaan jawaab ka bixiyo anigoo uga jawaabaya si cilmiyeysan, soona bandhigi doona cadaymo wax weyn ka bedelaya isaga iyo inta la fikirka ah, waxanan filaya inay garowshiiyo la iman doonaan dadka sidaa ufekerayaa.
Dalka waxa ka qabsoontay sadex doorasho, walaalkey wuxu tusaale usoo qaatay doorashadii madaxweynaha loogu tartamayey ee bulshada reer Awdal lagu garba duubay oo kaliya, isagoo u ol oleynaya in gobolka lagu sharciyeeyo shirqoolkii Hargeysa laga soo maleegay 2003dii, indhahana ka qarsaday codadkii gobolka kasoo baxay labadii doorasho ee kale, taasoo salka ku haysa xaasidnimo gaamurtay.
Danta uu ka leeyahay kama durugsana kaliya inuu sawir qaldan ka bixiyo xajmiga iyo miisaanka uu gobolku leeyahay dhinac walba iyo numberkii ka soo baxay doorashooyinkii kala dan danbeeyey ee dalka ka qabsoomay. Ninka maqaalka aan jawaabta ka bixinayo qorey waxa hadalkiisa ka mid ah " waa iyadoo musharixiinta madaxwayne ku xigeenka KULMIYE ee ka soo kale jeeda gobolka Awdal aanay ka turjumayn xaqiiqda codbixineed ee dalka, xisbigana u horseedayaan guul daro labaad. Waxaan soo xiganayaa caddaymo u arrintan ka bixiyay nin la yidhaa Mohamoud Colhaye.
Codkii gobolka Awdal ka soo baxay xiligii doorashada madaxweynaha (xiligii shirqoolka), wuxu ahaa sida uu ku sheegay maqaalkiisa, laakiinsr waxa haboon in la isweydiiyo maxaa sababay in gobolka Awdal uu codkani ka soo baxo xiligii doorashada madaxweynaha?. Maxaa codka gobolka ka hoos mariyey kii xiligii dawaladaha hoose kasoo baxay? Su’aalahan iyo qaarkale oo badanba jawaabtooda waxad ugu tegi doontaa xaga hoose.
Halkan waxad ka heli doontaan doorashadii madaxweynaha ee 2003dii iyo siday wax u dhaceen. Waxad ka heli doontaan doorashadii dawladaha hoose ee 2002dii. Waxa kale oo aad wax ka ogaan doontaan khiyaamadii ku dhacday gobolka Awdal 2003dii iyo sidii ay u kala duwanayd qaabkii komishanku u maamulay codbixintii gobolada dalka iyo waliba wixii sababay in 68,396 cod ay ka soo baxaan gobolka Awdal. Balse inta aynaan u galin aan halkan kusoo bandhigno codadkii gobolada ee labadii doorasho ee kale,si aad uga garnaqdaan godobtii komishanku ka galay gobolka Awdal iyo sida uu u fuliyey shirqoolkii Hargeysa lagu soo maleegay.
Halkan waxan idiinku soo bandhigayaa codadkii doorashada dawaladaha hoose sanadkii 15 Dec,2002 ee heer gobol. Khaasatan kuwii la ansixiyey.
1- W/galbeed ansaxay 186,383 cod
2- Awdal ansaxay 100,495 cod
3- Togdheer ansaxay 66598 cod
4- Sanaag ansaxay 53096 cod
5- Sool ansaxay 6261 cod
6- Saaxil ansaxay 30807 cod
Shaxdan hoose waxad ka milicsan kartaan sidii ay ururadu ukala heleen codadkii ansaxay ee gobolada doorashadii dawladaha hoose 15,Dec,2002.
|
Gobol
|
ASAD
|
HORMOOD
|
KULMIYE
|
SAHAN
|
UCID
|
UDUB
|
|
W/galbed Harg.
|
10943
|
29104
|
29923
|
14748
|
30676
|
70989
|
|
Awdal Awd.
|
8727
|
7229
|
13679
|
4499
|
7422
|
58939
|
|
Togdheer Tog
|
9283
|
1454
|
17476
|
15234
|
4821
|
18330
|
|
Sanaag Sang
|
6655
|
1409
|
13701
|
11356
|
3401
|
16574
|
|
Sool Sool
|
1707
|
154
|
3070
|
51
|
224
|
1055
|
|
Saaxil Saax
|
2281
|
1188
|
5309
|
2054
|
3401
|
16574
|
|
TOTAL Tot.
|
39596
|
40538
|
83158
|
47942
|
49444
|
179389
|
Waxa noo soo baxday in garba duubkani Awdal uun u gaaryahay, ka dib waxan u tagnay gudoomiyihii komishanka ee gobolka wuxu noo sheegay in uunan arintaa isagu waxba ka qaban karin xiligan xaadirka ah isagoo sii ta’kiidinaya wuxu noo raaciyey waa arin ay gudoomiyayaasha axsaabta iyo komishanka qaranku isla meel dhigeen.Cajab!!!!. Waxan isku qancinay inay arintani tahay shirqool aan sinaba loo aqbali karin.
Laakiin waxaba iska yarayd waxa aan ka qabankarro mar haday raalli ku yihiin odayaashii, waxgaradkii iyo dadkii majaraha u hayey. Markii aan isku daynay inaan wax dhaqdhaqaajino durba warkayagii wuxu gaadhay maamulkii nabadgalyada ee gobolka iyo kii degmada, kad ibna waxa la noogu hanjabay in talaabo lanaga qaadi doono.
Waxan sidoo kale halkan idiinku soo gudbinaynaa codadkii kasoo baxay gobolada dalka qaarkood doorashadii golaha wakiilada ee 29 Nov,2005. Si aan u adeegsano caqliga saliimka ah,una garawsano shirqoolkii 2003dii iyo saamayntii uu ku yeeshay gobolka Awdal.
Gobolka W/galbeed waxa ka codeeyey. 256,341 cod .
Gobolka Awdal waxa ka codeeyey 133,266 cod .
Gobolka Togdheer waxa ka codeeyey 121,877 cod.
Waxan dareensanahay inaad isweydiinayso maxaa sababay in codbixintii madaxtooyadu kala badh ka hoos marto tii dawladaha hoose, iyadoo loo tartamayey kursiga dalka ugu sareeya, oo waliba musharaxa kursiga ugu madaxa fiiqan ku fadhiyey ka soo jeeday gobolka Awdal. Su’aalahaa iyo kuwa kale oo madaxaaga ka dhexguuxaya waxad ka dhex guran doontaa qormadan hoose.
Maxaa sababay in dad aad u yari codkooda dhiibtaan? Sidee loola dhaqmay, Maxaase ka dhacay gobolka Awdal wakhtigii madaxweynenimada Somaliland loo tartamayey 14 April 2003?.
Gobolka Awdal waxa loo soo maleegay shirqool, shirqoolkaana waxa fuliyey Komishankii qaranka. Komishanku wuxu ula dhaqmay gobolka Awdal si qeyrul sharci ah, wuxu ka takooray gobolada kale ee dalka. Komishanku wuxuuu qaaday taalaabooyin ka dhan ah guud ahaanba gobolka.
1- Komishanku wuxuuu gabi ahaanba meesha ka saaray in ay ka hawlgalaan dadkii u dhashay, ha noqdeen kuwii ka soo shaqeeyey doorashaddii hore ee deegaanka ama ha noqdeen kuwa cusub intaba.
2- Gabi ahaanba goobihii codbixinta ee gobolka wuxuuu keenay dad uu isagu watay,kuwaasoo uu ugu talo galay inuu ku fushado barnaamijkiisa.wuxuuu keenay dad ay aqoontoodu hoosayso(Elementary) iyo qaar ololihii wax ku bartay(Low-speed) ah.Waayeel, Haween iyo wiilal yar yar oo aan xilkas ahayn oo looga danlahaa inay wakhtiga lumiyaan si ay u fuliyaan shirqoolka reer Awdal loo soo maleegay.
3- Koomiishinku waxay Dhammaanba ka xayireen gobolka miyi iyo magaaladaba gaadiidkii oo haba yaraatee ay diideen in wax gaadhi ahi ka dhaqaaqo,iyagoo u adeegsanayey askarta oo aad arkeysay hawsha ugu wayn ee ay komishanku hayeen maalintii codbixntuba inay taa ahayd. Halka gobolada iyo degmooyinka kale ee dalkaba uu gaadiidku Free ahaa, oo ay dadka laba dhigayeen goobahaa codbixinta.
4- komishanku wuxuuu ka baaqsaday (diidey) inuu haba yaraatee wax sahamin ah kusoo sameeyo gobolka si sanaaduuqda loogu dhaweeyo meelaha cusub ee dadku u guur-guureen oo laga qaado meelaha laga hayaamay abaaraha darteed sida deegaamada kale ee dalkaba uu ka sameeyey komishanku.(in laga bedelo goobihii 2001 dii loo calaamadeyey in dasturka looga codeeyo)
5- komishanku gobolka Awdal wuxuuu keenay waraaqo aad u tiro yar marka loo eego kuwa uu gobolada kale geeyey.
6- Hawl wadeenadii Komishanku waxay lumiyeen 60% minutes-kii maalintii codbixintu socotay si ay tirada codbixiyayaasha ee gobolka hoos ugu dhigaan. Xataaa waraaquhu haba yaradeene hadana intii ay hayeenbay dadkii kasii hagradeen. Waxan u joogay oo aan ka markhaati kacayaa Tusaale:
Goobaha ugu dhawaa xarunta komishanka ee codka laga bixinayey oo aan uga fogayn 50m-150m oo ay waraaquhu gabi ahaanba ka go’naayeen 10: 30am.2:00 pm halka qaarna casarkii ay ka go’een dadwaynhiina ay tubnaayeen illaa lixdii maqribnimo.Waxa ka mid ahaa (Dugsiga sh.C/raxmaan, Trafikada, Dugsiga H/dhexe ee Aloog,Hanuuninta iyo qaar kale ) kuwii umuuqday xarunta komishanka ayaa sidaa ahaa meel ka durugsan iyo degmooyinkii kale hadalkoodaba daa.
Dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo badanba waxay ahaayeen kuwo u gaar ah G/ Awdal oo aanay la qabin gobolada kale ee dalku,waxay ahaayeen kuwo lagu wiiqayey guud ahaan gobolka xilligan kala guurka.Halka uu komishanku magaalooyinka kale la wareegayey waraaqaha codbixinta.
Isku soo wada duuboo dhamaan arimahan iyo kuwa kalaba waxay ahaayeen dagaal cad(Shirqool) iyo meel ka dhac wayn oo ay koomishanka iyo xisbiyadu kula kaceen gobolka iyagoo uga dan lahaa:
A- In la curyaamiyo hoos loo dhigo numberkii gobolka ka soo baxay xilligii doorashooyinkii dawladaha hoose.
B- In sawir qaldan laga bixiyo mujtamaca reer awdal,si loo xaqiro tiradooda. Arimahan iyo kuwa kale oo jirayba waxay sababeen in uu nambarkii codeeyey 31% ka yaraado marka loo eego kii dawladaha hoose ee 15 Dec.2002, xilligaas oo ay ay goobahaa codbixint ee gobolka dhamaantood ka hawl galeen dad heer jaamacadeed ah. Diwaan galiyayaashii doorashada dawladaha hoose 88% waxay ahayeen ardayda jaamacada camuud,ardayda dugsiga sare iyo macalimiinta dugsiyada sare wax ka dhiga iyo dad kale oo muhiim ah.
Taasi waxay suura galisay inay dad badani fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan imikase waayey fursad ay ku dhiibtaan, iyadoo waliba doorkan la filayey inay dadka codaynayaa kasii badan doonaan kuwii xiliigii deegaanka codeeyey. Haba yaraatee ma jirin gobolada kale ee dalka wax kaantarool ah.Xataa degaamada qaarkood sida Burco iyo meelo kalaba waxa loo isticmaalay codbixintii waraaqo foojari ah, intaa waxa dheeraa sanaaduuqdii iyo waraaqihii loogu talo galay meelo ka mid ah degaamada Sool iyo Sanaag oo ay doorashadu ka suura gali wayday in Burco la dhigay oo goobahaa qaarkood ay sadex sanduuq yaaleen!!!!!!.
Ugu danbeyntii waxa xusid mudan hawl wadeenadii reer awdal ee doorkii hore ka hawl galay gobolka oo aan waxba kala socon shirqoolkan una arkeyey qorshahani inuu yahay mid dalka oo dhan ka jira,waa sidii iyaga lagu yidhiye, waxa laga hawl galiyey gobolka Waqooyi galbeed iyagoon waxba hagran si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirtana uga hawlgalay.
Jawhar Qalinle
Email: korwaayeel@hotmail.com






