July 24, 2008
Faalo: Dildilaaca Urur Siyaasadeedka AACNA Iyo Damaca Beesha Nuur Yoonis Maxaa laga Daalacan Karaa?
Urur Siyaasadeedka AACNA oo ay ku bahoobeen Qurnajooga macaaradka Awdal, ayaa waxa dhwaanahan soo ifbaxayey warar laga soo xigtay qaar ka mid ah gudida dhexe ee maamulka ururka, kuwaas oo sheegay inuu ururka qarka u saaran yahay burbur ku yimaada ka dib markii khilaaf loo maaro waayey soo kala dhex galay gudididii sida sharci darada ah loogu sameeyey Shirkii Minnesota - USA.
Sida warakan xog ogaalka ahi sheegayaan, gudida maamulka ururka AACNA, ayaa la filayaa inay intooda badani is casilaan marka la isugu yimaado shirka ururka ee bisha July 26 tankeeda ka dhacaya magaalada Toronto ee dalka Canada.
Sabobaha dhaliyey ismaandhaafka gudida dhexe ee urur siyaasadeedka AACNA iyo kala qaybsanaanta taageerayaasha ururka, ayaa dadka daneeya arimaha ururku u aanaynayaan inay ugu horeyn ka bilaabantay markii ay sedex siyaasi oo ka soo jeeda gobolka Awdal ku dhawaaqeen inay ku tartamayaan jagada madaxweyne ku-geenka ee xisbiga kulmiye, waxana markiiba soo shaac baxay inay xubnaha gudida dhexe ku kala dabo fayleen musharaxa ka soo jeeda Jufadiisa.
Waxa kale oo ururka aad u sii wiiqay fadeexaddii ka soo gaadhay dhicii qaadhaankii loo ururiyey dadkii ku waxyeeloobay roobabkii barafka watay ee ka da’ay meelo ka mid ah gobolka Awdal. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow xubno ka mid ah gudida dhexe ee urur siyaasadeeka AACNA, dhaca qaadhaankan ayaa ahayd mid aanay u wada dhamayn xubnaha gudidu, waxayna sida la sheegay ku koobnayd taageerayaasha Eng. Cabdiraxmaan Saylici. Taasina waxay keentay shaki iyo kalsooni daro ka dhex dilaacda xubnaha gudida dhexdooda, iyada oo xurguftani ugu dambaytiina ku sii faaftay taageerayaasha ururka ee Waqooyiga America.
Hadaba, ma laga yaabaa in shirkan la hadal hayo ee ka dhici doona magaalada Toronto inuu suurto geliyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa arimaha naafeeyey uruka iyo sidii loo soo af jarilahaa khilaafka ka dhex aloonsan taageerayaasha ururka? Jawaabtu akhristow waa maya, waayo shakhsiyaadka hormoodka ka ah shirkan iyo kiwii dabada ka riixayey shirkii hore ee Minnesota, ayaa marka la soo koobo ku sifoobay inay hiin "Xadhig Lama Sitaan".
Waxa kale oo durbadii soo shaac baxaya liis qarsoodi ah oo sida la sheegay ka kooban xubnihii bedeli lahaa xubnaha gudida AACNA ee iscasilaya, kuwaas oo sida wararku sheegayaan loolan adag ay beelaha qaar ugu jiraan sidii ay ugu badnaan lahaayeen liiskan cusub. Horey ayaa loo yidhi "Sinji Siiran Ma Daayo". Xubnaha gudida dhexe ee ururka AACNA oo ka abuurmay Liis uu nin jeebka kala soo baxay, ayaa maantana ku hamiyaya inay iyaguna sahan dembe liis kale "jeeb tuuga" kala soo baxaan. Taasina maaha mid wax badan soo kordhinaysa, waxana la filayaa inay tuhinkii iyo khiyaamooyinkii urur siyaasadeedka AACNA ku caam baxay halkii ka sii socdaan.
Dhinaca kale warar ay Qurbajooga Awdal ee Waqooyiga Ameerica isla dhex marayaan, ayaa iyaguna sheegaya in Beesha Nuur Yoonis (Samaroon, Makaahiil) ay olole xoogle ugu jirto sidii ay u hantiyi lahayd hogaanka urur siyaasadeedka AACNA, iyaga oo ka shidaal qaadanaya tabii iyo xeeladihii ay kula wareegeen hogaanka ururka Amoud Foundation. Wararkan ayaa waxay intaa ku darayaan in qaar ka mid ah waxgaraka iyo aqoonyahanka beeshu ay ku guubaabinayaan dhalin yarta beeshu inay tiro badan ku tagaan madasha shirka, si ay u muujiyaan cududdooda, taasina ay keento inay lama huraan noqoto in la siiyo hogaanka ururka.
"Haduu Guluf Dhaqaaquu, Maal Gebo Gabeeyaan, Ooy Niman Gabraartiyo Gaaguri Ka Hoos Koco, oo Labada Geesood Ku Gableeyo Haadkii - Gartaa Ina Sanweynaa Loo Geysan Jirey - Balse macaaradka Awdal, ayaa kala guraaya?"
Si Kastaba ha ahaate, arintu waxay iskugu soo biyo shuban doontaa "Qabyo Waa Halkeedii". Marka ay siigada, qiiqa iyo ceeryaantu kala degto, hugunka, sawaxanka iyo is xoogaafkuna kala yaraadan, waxa cidwalba oo danaysa arima Reer Awdal u cadaanaysa inay adagtahay wakhtigan xaadirka aha sidii loo samayn lahaa urur ama hogaan mideeya mucaaradka Awdal, inta ay beelaha wada dega gobolku ku kala qaysan yihiin arimaha siyaasadda. Waxana lama huraan noqon doonta inay intii is fahmaysiba urur gooni u ah samaystaan.







