July 24, 2008
Carwadii 2aad Ee Shirkadda Telesom Dalka Ka Qabatay Oo Galabta La Soo Gabagabayay iyo Hadalkii Masuuliyiinta Shirkadu ka Yidhaahdeen.

Hargeysa, (Harowo) - Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo maalmihii ina dhaafay magaaladda Hargeysa ka furtay Carwo ganacsi oo ay ku soo bandhigaysay adeegyo cusub oo macaamiisha ay u soo kordhiyeen.
Adeegyadaas oo ay shirkaddu ku bixinaysay abaal marino loogu talagalay inay macaamiishu ku tartamaan hab Bakhtiyaa-nasiib ah oo loogu magac daray “Tijaabi Nasiibkaaga” ayay shirkadu soo gabagabaysay galabta 6:00 pm. Xaflad loo qabtay xidhitaanka Carwada labaad ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin, Hawl wadeenada Shirkadda iyo marti sharaf kala duwan ayaa waxaa halkaa ka hadlay Masuuliinta sar sare ee Shirkadda qaarkood kuwaas oo ka waramay mudadii carwadu socotay, waxyaabihii ay macaamiishu ka korodhsatay, adeegyadii lagu soo bandhigay iyo nidaam casri ah oo shirkadu si deg deg ah u suura galisay markii cidhiidhiga jira la arkay, kaas oo aad u yareeyay saxmadii loo gali lahaa Barnaamijka abaal marinta ee Tijaabi nasiibkaaga oo halkii waraaqaha loogu tala galay in lagu galo ay u badaleen dhinaca adeega tilifoonka gacanta ee mobilka.
Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Shirkadda Telesom Cajab oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah bishuna tahay 24.july ay tahay balantii lagu soo xidhayay Carwadii labaad ee Telesom oo mudo sadex cisho ah ka socotay xarunta hay’adda Shaqaalaha dawladda.
Mr. Cajab waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay macaamiisha Telesom ee imika iyo kuwa ku tala jira mustaqbalka inay shirkadda Telesom adeegeeda isticmaalaan, Hawl wadeenadda shirkadda iyo cid kasta oo ka caawisay inay carwadani si guul ah ku dhamaato.

Madaxa Xidhiidhka dadweynaha iyo shirkadda Telesom waxa uu mar kale raali galin ka bixiyay cidhiidhigii iyo saxmadii carwadu ku bilaabantay gaar ahaan maalintii koowaad, taas oo uu tilmaamay in shirkadu si deg dega u xalisay kuna badashay hanaan fudud oo aan dadku isku dhac iyo cidhiidhi dareemin, waxa kale oo uu sheegay in qaybihii carwada ee kala duwanaa sidooda u fuleen, isaga oo si gaar ahna carabka ugu dhuftay deeqdii Booliska ay shirkadoodu siisay iyo abaal marinihii oo si fudud u dhacay, waxa kale oo uu Mr. Cajab u mahad naqay dhamaan dhinacyadii gacanta ka geystay in carwadu si guul leh ku dhamaato.
Madaxa Suuq geynta ee Shirkadda Telesom Mr. C/wahaab Maax Muxumed oo isna halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn u mahad naqay warbaahinta oo si mug leh uga qayb qaadatay in dhamaan wixii macluumaad iyo ogaysiis ah ay gaadhsiiyaan macaamisha shirada ayuu yidhi Mr. C/wahaab, sidoo kale ayuu si wayn ugu mahadnaqay macaamiisha Telesom oo uu sheegay in hadaanay si hadii aanay si masuuliyadi ku dheehan tahay aanay uga qayb galin aanay carwada iyo barnaamijka abaal marinta ee Tijaabi Nasiibkaaga midna sidii loogu tala galay u hirgaleen.
Mr. C/wahaab Maax waxa uu tilmaamay in carwadii labaad ee Shirkada Telesom iyo tartankii abaal marinta ee Bakhtiyaa-nasiibka loogu magac daray tijaabi nasiibkaagu ay si rasmi ah u gabagaboobeen galabta lixdii makhribnimo, sidaasi daraadeedna uu dhamaan ka qayb galayaashii iyo guud ahaan macaamiisha shirkadda u rajaynayo inay ka faa’iidaysteen.
Madaxa Suuq geynta ee Telesom Mr. C/wahaab waxa uu iftiimin ka bixiyay sida natiijooyinkii abaal marinaha loogu dhawaaqi doono iyo goorta la shaacin doono guulaystayaasha isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa ay dadku aad isku waydiinayaan oo su’aasha meesha taala ay tahay maadama oo barnaamijkii tijaabi nasiibkaagu dhamaaday 6:00 galabnimo, qaabkee, halkee iyo goortee la qaban doonaa natiijooyinkii ka soo baxay dadkiina la siin doona waxay ku guulaysteen, waa su’aasha ugu muhiimsan ee aynu ka jawaabayno, waanu xidhmay, waxaanan tilmaami doona kow qaabka uu u dhacayo, waad ogaydeen oo markii hore waxaanu ugu tala galnay inaanu warqado laba nooc ah oo qofku midna qaato midna ku rido sanduuqa loogu tala galay, ka dib markii ay dadkii tiradii ka bateen ee ay xad dhaafeen ee is jiidh jiidh dhacay, anaga oo u naxariisanayna macaamiishayada, dadka taagta daran ee ka soo qayb galay iyo dadka da’da yar waxa khasab noqotay inaanu badalo habkii hore ee Waraaqaha.

C/wahaab Maax isaga oo ka hadlaya habka cusub ee ay markiiba sameeyeen iyo sida loogu guulaystay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu u badalnay hab casri ah oo Electronic ah kana fudud kana casri san kii hore, natiijadiisana si fudud loo heli karo, mida kale waxa uu kii hore kaga wanaagsan yahay dad badan oo markii hore aan awood u helayn inay kii hore ka soo qayb galaan, qofkastaana isaga oo gurigiisa jooga ayuu ka soo qayb galayaa.” Ayuu yidhi Madaxa Suuq Geynta ee Telesom oo ka hadlayay hanaanka casriga ah ee ay shirkadoodu tartanka ku qabatay.
Mr. C/wahaab oo ka hadlayay hanaankan ayaa sheeegay inuu muujinayo hormarka sareeya ee Somaliland ka gaadhay Tignoolajiyadda casriga ah, waxaanu si gaar ah ugu mahad naqay qaybta farsamadda iyo cilmi baadhista ee Telesom oo uu sheegay in la’aantood aanu suurtoobeen hanaankan cusub.
Isaga oo ka waramaya sida loo soo bandhigayo natiijadda tartamayaasha loona shaacinayo guulaystayaasha ayaa waxa uu u yidhi “System-ka ayaa soo daabici doona dhamaan dadkii iyo qof kasta Number-kiisi, ka dibna marka systemka laga soo daabaco tiradda dadka ka qayb galay ee System-ku diiwaan galiyay, ka dibna goob loo dhan yahay oo dadka u muuqata oo qof waliba arki karo ayaanu keeni doonaa dhamaan waraaqihii System-ka laga soo daabacay iyada oo qof kastaaba arkayo, waxaanu marti qaadi doona dad masuuliyiin iyo odayaal iyo culimaa’udiin isugu jira oo goobtaa markhaati ka noqda, goobtaas qof kasta nasiibkiisa lagu tijaabinayo, goobtaas qof kasta warqadiisa waa la soo saari doona, warqadaha la soo saaro ee soo baxay ayaa marka la sheego loo qaban doona xaflad loo dhan yahay oo lagu gudoonsiinayo wixii uu ku guulaystay, qof kastana isaga oo arkaya ayaa nasiibkiisa lagu soo bandhigi doonaa waxaanan u malaynayaa inuu qof walba nasiibkiisa ku qanci doono.
Madaxa Xafiiska Suuq geynta ee Telesom Mr. C/wahaab waxa uu sheegay in shirkad ahaan ay guul u tahay inay balan qaadkoodi bulshadda u fuliyaan, isla markaana ay todobaadka soo socda gudihiisa ku rajo wayn yihiin inay natiijadii ku dhawaaqaan, iyaga oo Shirkad ahaan macaamiishooda ku soo war galin doona dhamaan qalabka warbaahinta iyo fariimaha gaagaaban ee tilifoonadda gacanta oo shirkadu u soo diri doonto, iyada oo si isku mid ah loo soo bandhigi doono natiijadda Tijaabi nasiibkaaga iyo su’aalaha bogaga wararka ee Telesom adeeg ahaanta bixiso.
Madaxa sare ee Waaxda Iibka iyo suuq geynta ee Telesom Maxamed Isaaq Cilmi oo isagu si rasmi ah u xidhay Carwadaas ayaa u mahad naqay dhamaan dadkii kala duwanaa ee ka qayb qaatay carwadda 2aad ee telesom, warbaahinta iyo shaqaalaha shirkadda ee carwada ku sugnaa oo dhabar adayg muujiyay mudadii carwadu socotay.
Mr. Maxamed Isaaq Cabdi mar uu ka hadlayay macaamiisha shirkadda ayuu sheegay in dhamaantood ay guul u rajaynayaan shirkaduna aanay kala jeclayn isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “Runtii Shirkadda Telesom anaga oo aan macaamiishayada kala jeclayn, waxaanu u rajaynaynaa qof kasta oo macaamiishayadda ka mid ah guul kalidii ah, maadama oo mid kastaaba yahay macaamiishayada sidaasaanay carwadii inoogu soo xidhan tay.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxa Iibka iyo Suuq Geynta ee Shirkadda Telesom.
Carwada 2aad ee Telesom soo bandhigtay sanadkan 2008 ayaa iyadu ku dhamaatay jawi aad u degan, inkasta oo ay ku furantay cidhiidhi iyo is jiidh jiidh badan oo dhacay, hasa yeshee shirkadu xalisay ka dib markii ay nidaamkii bakhtiyaa-nasiibka loo galayay wax ka badaleen taas oo aad u fududaysay cidhiidhigii ka jiray goobta carwada lagu qabanayay.
Dhinaca kale shirkadda Telesom ayaa waxa u taala hawl aad u adag oo ah sidii indhaha macaamiisheeda boqolaalka kun kor u dhaafaya ugu soo bandhigi lahaayeen natiijo cad oo qancisa, waxa kale oo jirta su’aalo badan oo masuuliyiinta shirkada iyo dadka warka baahiya la soo waydiinayo, kuwaas oo intooda badani ah adeega Inter-netka ee Mobile-ka lagu isticmaalayo iyo sida loo adeegsanayo, waxa kale oo iyaduna ahayd su’aal aad u badnayd, xiliga Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Goboladda kale ee dalka u gudbayso, kana qaban doonto carwooyin tan la mid ah, maadama ay shirkadu goboladda iyo degaamada ka baxsan caasimadda ku leedahay macaamiil amaba tahay ta ugu badan ee laga isticmaalo, si iyagana markooda fursad loogu siiyo inay abaal marino helaan.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






