July 18, 2008

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo Sheegay Inay Dawladu Shirkadda Al-jabiri Kula Heshiiysay Qodobo Dhawr ah.

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahin Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaaladda Hargeysa waxa uu kaga waramay qodobada heshiis cusub oo ay xukuumadu la gashay Ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri.

Kaas oo dhawaan Madaxweynuhu u yeedhay ka dib markii ay soo baxeen muran dhex adag oo ganacsatadda Xoolaha dhoofiya iyo xukuumadu isku maan dhaafeen xadidaada ay Xukuumadu dhoofka xoolaha nool kula heshiisay Ganac.

"Waxaa mudo sadex ilaa afar cisho laga joogo yimiday oo codsigii Madaxweynaha ku yimiday oo Madaxweynuhu u yeedhay ninka isla leh shirkadda Al-jaabiri, laba cisho iyo laba habeenba waxa socday shirar iyo wada hadal, markaa waxa laysla gaadhay Go’aamo

1. In Xoolo markaa Berbera ku sugnaa oo aan nidaamkii dawladu ogolayd aan ku dhaadhicin, nidaamkii oo leexsan ku dhaadhacay in ooda laga qaado oo la fasaxo  meeshay doonayaana ay u dhoofaan. Inuu neefka adhiga ah ee uu ku iibsan jiray 36 dollar in uu ku iibsado 42 dollar, in marka la gaadho Mawsimka Xajka uu qiimaha neefka adhiga ah siisan doono Saleebaan Al-jaabiri 45 dollar, In uu dalka keeno Raashin Jaban iyo inuu shan bilood ku dhameeyo Macjarka oo la furo, macjarkuna yahay Mid dawladeed isna maal gashiga uun leeyahay." Qaar ka mid ah Qodobada uu Wasiirku sheegay inay ku heshiiyeen Xukuumadda iyo Al-jaabiri.

Wasiirku waxa uu sheegay in cabasho ka soo yeedhaysay mudooyinka danbe ganacsatadda Xoolaha oo warbaahintu qortay si wax looga qabto ay daruuri noqotay in loo yeedho ganacsade Al-jabiri iyo Imaaradda Rasul-khimah oo iyagu ah buu yidhi kuwa maal galiyay macjarka xoolaha ee Magaaladda Berber si wada tashi ay xukuumadda iyo ganacsadahaasi uga yeeshaan maadama oo heshiis lala galay.

Dr. Idiris Ibraahin Cabdi waxa uu xusay in wada hadal ay xukuumada oo uu Madaxweyne Daahir Rayaale gudoominayaa la yeelatay ganacsadahaa carbeed, isaga oo xusay in wada hadaladaas oo laba cisho socday laga soo saaray qodobo dhawr ah oo labadda dhinac ku heshiiyeen.

Hadaba wasiirka waxa hadaladiisi ka mid ahaa "Waxaa mudo sadex ilaa afar cisho laga joogo yimiday oo codsigii Madaxweynaha ku yimiday oo Madaxweynuhu u yeedhay ninka isla leh shirkadda Al-jaabiri, laba cisho iyo laba habeenba waxa socday shirar iyo wada hadal, markaa waxa laysla gaadhay Go’aamo, waxaan doonayaa inaan go’aamadii oo kooban aan saxaafadda u soo gudbiyo, si loogu gudbiyo bulshadda Somaliland oo ay Miyi iyo magaalaba u ogaadaan waxa lagu heshiiyay." Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu ka hafeeftay qodobo ka mid ah heshiiska oo aan cusbayn ee fulay waxaanu isaga oo ka hadlaya yidhi "Horta kow heshiiskani maaha mid cusub oo heshiis hore ayaynu ku jirnay mudo sanad iyo badh, maanta intii badnayd heshiiskan way hir gashay, macjarkii Berbera waa diyaar oo laba macjar buu ahaa kii lagu furayay xoolaha ee waynaa waa diyaar midna imikuu socdaa oo uu dhamaad yahay, oo midhihii heshiisku way muuqdaan imika, mudo gaaban wadamada la isku yidhaahdo GCC ee khalijka intoodi badnayd way ogolaadeen macjarka Sucuudiga mooye way ogolaadeen Macjarka Berbera inay xooluhu u soo maraan, laakiin taasi waxa ay noqon doontaa marka sucuudiga oo dhimani soo ogolaado ee Macjarka la furo ee Madaxweynuhu furo hadii Alle idmo."

Wasiirka Xanaanadda Xooluhu isaga oo ka hadlaya qodobadda ay xukuumadda iyo al-jaabiri wada gaadheen ayaa waxa uu yidhi "Wada hadalkii ay galeen shirkadda iyo dawladda Somaliland oo uu hogaaminayay madaxweynuhu waxa lagu heshiiyay qodobadan 1. In Xoolo markaa Berbera ku sugnaa oo aan nidaamkii dawladu ogolayd aan ku dhaadhicin, nidaamkii oo leexsan ku dhaadhacay in ooda laga qaado oo la fasaxo inay dhoofaan meeshay doonayaana ay u dhoofaan, taa waxaad ogaydeen in bisha 15-keedi Markab uu qaaday xoolahaa 5426-neef oo adhi ah iyo 152 lo ah, xoolaha dawladu faraha ayay ka qaaday oo way fasaxday inkastoo uu nidaam leexsan ahaa, kana hor imanaya heshiisyadii ay dawladu gashay oo xal loo arkay Madaxweynuhuna amray in xoolaha la fasaxo, waana la fasaxay."

Qodobka labaad ee heshiiska oo ah in qiimaha uu ganacsadahaasi ku iibsanayo neefka adhiga ah ayuu wasiirku ku tilmaamay in halkii uu markii hore ka ahaa 36 dollar laysla gartay in uu ku iibsado 42 dollar qiimahaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay inuu yahay mid aynaan hore ugu arag Somaliland iyo Somaliyaba isaga oo intaa ku daray in marka la gaadho Mawsimka Xajka uu qiimaha neefka adhiga ah siisan doono Saleebaan Al-jaabiri 45 dollar.

Wasiirka oo ka hadlayay qodobka sadexaad ee heshiiskaas ayaa waxa uu yidhi "Qodobka sadexaad waxa lagu heshiiyay in Macjarkii furitaankiisa la dedajiyo si ay xoolihii u tagaan dalalka Khaliijka iyo aduunka meeshii kalee loo dhoofinayaba waxay qabsadeen shirkadii inay shan bilood hawshaa ku soo gabagabeeyaan Macjarkii oo shaybaadhadii u dhan yihiin oo wadamadii carabta intoodi badnayd way ogolaadeene inta hadhayna ogolaansho laga soo qaado, oo ay ilaa bisha December ku soo gabagabeeyaan." Wasiirku markii uu qodobkan ka hadlayay waxa uu sheegay in shuruudi daba taalo arintaas taas oo ah hadii uu ku furmi waayo xiligaas iyo hadii inta uu furmo ay soo dhamaystiri waayaan inay wadamada carabta oo dhan oo Sucuudigu ku jiro ogolaansho ka keenaan in markaa loo fasaxo ganacsatadda Somaliland oo dhan iyo ciidii carbeed ee dhoofinaysaba, waxa uu tilmaamay in Macjarku yahay macjar dawladeed ganacsade Al-jaabiri iyo imaaradda Rasul Khiimaba ay leeyihiin maal gashiga.

Qodobka afraad ayaa ahaa si wax looga qabto cabashadda Ganacsatadda in wakiiladii shirkadda oo kala ahaa Aadan Axmed Diiriye iyo Cali Ibraahin Ciise laga saaro sayladda oo ay ku ekaadaan wakiilnimadoodi oo aanay sayladda soo galin ee ay u daayaan ganacsatadda xoolaha loo diray, hadii Ganacsatadu markabka buuxin waayaan waxa Wakiiladda u banaan inay buuxiyaan Markabka.

Qodobka 5aad ayaa ah in Shirkadda Al-jaabiri dalka keento raashin jaban oo bilaa macaash ah, taas oo sida wasiirku tilmaamay ah inay ku iibiso qiimaha rasmiga ah ee ay soo siisatay si loo yareeyo dhibaatadda sicir bararka ee dalka ka jirta, waxaanu xusay in raashinadda ay ugu hor keenaysaa noqonayaan Bariiska iyo daqiiqda oo qiimahoodu aad kor ugu kacay.

Gabagabadii Wasiirku waxa uu dadweynaha u soo jeediyay In dawladu ku jirto dedaal wayn, heshiisyadda marka la galana ay adag tahay in laga baxo balse ay ku haboon tahay in labadii dhinac ee wada galay ka wada hadlaan wixii kugu adkaadana lagaa badalo, laakiinse hadii aynu ka baxno ay inagu keenayso sumcad xumo iyo in Somaliland oo ah dawladda aan la aqoonsan hadii ay dadka maal gashaday kaga baxdo heshiisyadda loo arki doono dad boobaya xoolaha bani’aadmiga waxaanu soo jeediyay in la ixtiraamo oo loo hogaansamo wixii inagu adkaadana lagala hadlo cidii lala galay heshiiska oo sida uu tilmaamay doodeeda leh.

Tan iyo intii ay Xukuumadda Somaliland dhoofka xoolaha u gaar yeeshay ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri waxa jiray cabashooyin badan oo ay ganacsatadda reer Somaliland kaga soo hor jeedeen Heshiiskaa oo ay ku tilmaameen mid duudsiyaya meeshana ka saaray xuquuqdoodi ay muwaadiniin ahaan xaqa u siisay shuruucda dalku, taas oo aakhirkii keentay in ganacsatadu si gadood ka muuqdo ay dhawaan si madax banaan ugu dhoofiyeen xoolo tiro badan, kuwaas oo sida ay ku andacoodeen qiima aad u fiican laga siistay, qiimahaas oo la sheegay inuu gaadhayay $52 dollar.

Geesta kale Heshiiskan ay xukuumadu kootadda ku siinayso dhoofinta xoolaha dalka ganacsade Al-jaabiri ayaa keentay in si wayn Xisbiyadda Mucaaridka iyo siyaasiyiin madax banaani ugu naqdiyaan dawladda, taas oo xiligana la filayo inay sii badato hadii uu run noqdo qiimaha la sheegay in ganacsade Sucuudi ah oo lagu magacaabo shirkadiisa Aala Yaasir ku iibsatay ee gaadhay 52 dollar, kaas oo xadi badani u dhexeeyo ka ay dawladu la gashay Al-jaabiri.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com