July 18, 2008

Prof. Xasan Cali, oo ka mida Aasaasayaashii Jaamacada Camuud oo si weyn loo Soo dhaweeyay

Boorama, (Harowo) - Prof. Xasan Cali Cismaan, oo ka mida Jaaliyada Sucuudiga degen ee reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa ragii lahaa hindisaha Abuurista Jamaacada Camuud, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama.

Soo dhaweynta Prof. Xasan Cali waxaa iskugu yimid Madaxda Jaamacada Camuud, Golaha deegaanka Boorama xubno ka tirsan oo uu wato Duqa Boorama, Ururada wadaniga ah ee AYODA, HRDO iyo Dalada SONYO. Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed ayaa u sheegay saxaafada in ninka maanta la soo dhaweynayaa ahaa Aasaasihii u horeeyay ee Jaamacada Camuud iyo ninkii ugu horeeyay fikirka in la sameeyo Jaamacad, wuxuuna naga mudan yahay in aan soo dhaweyno maanta, mar hadii fikirkiisii noqday mid hirgalay.

Prof. Xasan Cali Cismaan, ayaa isna ka mahadceliyay soo dhaweynta weyn ee loo sameeyay, wuxuuna intaas ku daray in maanta la wada yahay Prof. Sulaymaan oo ah gudoomiyaha Camuud, waxaanan u mahadcelinayaa dhamaan dadka i soo dhaweeyay, wuxuu intaas raaciyay in uu ku rajo weyn yahay mustaqbalka iyo hadaba in uu ka qayb qaato wixii horumar ah ee ka socda Gobolka iyo Boramaba, isla markaana aan is garab taagayo Duqa Boorama iyo horumarka Jidadka ah ee uu ka wado caasimada Boorama.

Dhanka kale waxaan ku dardaarayaa Ayuu yidhi Xasan dhalinyarta in ay aaminaan wadankooda, kaas o ah meesha keliya ee qofka wadaniga ahi uu ku leeyahay sharaf iyo qadarin, iska dhaafa in aad wadanka ka carartaan ama ka tahriibtaan, waayo waxaa idinka horeeya nolol adag oo aad weliba ku dulaysan tihiin ayuu yidhi Xasan Cali. wuxuu intaas ku daray in ay fikirka Aasaaska jaamacada ay ku weheliyeen C/salaam Axmed Ilburo, Dr.Saleebaan Walhad iyo Idiris Muxumed Sacad.

Soo dhaweyntan Jaamacada Camuud iyo D/hoose u sameeyeen Prof.Xasan Cali maaha midii u horeysay ee ay u sameeyaan qof ka qayb qaatay horumarka wadanka ama Jaamacada Camuud dhismaheeda, balse mudo hada laga joogo sanado waxaa soo dhaweyn la mida tan loo sameeyay Prof.C/laahi Xaashi Abiib. sida la filayana rag kale oo ku xusan waxqabadka Jaamacada Camuud ayaa la kulmi doona soo dhaweyntan oo kale.

Hashim Goth

Boorama, Harowo.com, JSL

Email: hashimgoth@hotmail.com