July 18, 2008

Gobalka Gabilay, ayaa Gar iyo Dowba u Leh in Shirwaynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Lagu Qabto.

Gobalka Gabilay waa gobal beeralay oo dadkiisu Wada Codeeyo oo Xisbigii ku guuleysta gobalka Gabilay doorasha Waa hubaal Inuu nogon doon Xisbi Xaakimka Somaliland. Waana gobal Si Fudud ula Jaanqaadey dimuqraadiyada maadaaba ay dadka reer gabilay 95% ay Waxna qoraan Waxna akhriyaan.

Hadaanu nahay dadka reer gabilay Waxaanu Codkayaga badankiisii Siinay Kulmiye Waana tii Suurto galisay In Kulmiye 80 cod oo kaliya laga badiyo waana ta maanta kulmigi ku yahay Xisbiga ugu Weyn Xisbiyada mucaaridkaa ee Somaliland.

Hadaba dumuqraadiyadu Waa In Xisbi Kastaa uu ku qabsado Shirarkiisa meelihii uu codka badan ka helay, tusaale ahaan Maraykanka Xisbiyadiisa siyaasada ee kala ah Republican iyo Domocract Wuxuu mid Walba Shirweyhibii Ku qabsadaa halkuu Codka badanke helay doorashadii hore. Sidaa daradeed Xisbiga Kulmiye Wuxuu Codkii ugu badnaa ka helay degaan ahaan Gabilay, markaa Shirwaynaha Waxay ahayd in laga qabto gobalka Gabilay. Gobalka Gabilay waa gobalka ugu magaalooyinka badan dalka Sidaa awgeed Waxay ahayd in lagu qabto caasimada gobalka ee Gabilay ama Wajaale (xarunta ganacsiga ee geeska Africa) ama magaalada masnadaa ee Arabsiyo.

Ahmed Siilaanyo Sidaan ka akhristey Wargeyska ogaal Wuxuu yiri Burco taageerayaal badan buu ku leeyahay kulmiye. Hargeysana taageerayaal badan ku leeyahay, Waxaana Cad inuu indhaha ka laliyey Gabilay oo ah halku codka ugu badan ka helay doorashadiisii markay “Caynabo, ceel Afweyn“ Gar adag u codeeyeen Daahir Riyaale.

Gabilay gar iyo dow bay u lahayd in Shirka lagu qabto. Haddii Gobalka Gabilay heli waayo musharaxa Madaxweynaha ama ku madaxweyne Ku Xigeenka Waxaanu u arki doonaa ama ay tahay in’codkayagii Xeradayana ka baxay Xeerna noogu Jirin.
 
Maraykan oo ah dalka hoggaamiya dimuqraadiyada adduunka dadka maraykanku ugu ma Codeyn doonaa Barrack Oboma lyo John Mcain Jacayl Shakhsi ee cid Walba Waxay u codeyneysaa danteeda. Dumuqraadiyada iyo guud ahaan Siyaasadu Waa danwadaagnimo iyo Wax Isweydaarsi, Soomaaliduna waa tii hore ugu maahmaahdey, Geeljirre geela wuu Wada Jirtaa nin Walbana hashiisuu gaar u Jirtaa “Dadweynaha  Gobalka Gabilay Waxay Xisbiga Kulmiye ka Sugayaan Xeedhooyinkii diiqada ahaa ee ay siiyeen Wuxuu Ku Soo Celiyo.

Mukhtar Ibraahin Fadan

Email: Gabilay8@yahoo.com.au