July 17, 2008
Faalo: Kulmiyow Taladaan la Ruugin Waa lagu Rafaadaa…..!!!
Saddex bilood ka diba markii dib loo dhigay shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga ayaad mooda in maanta la caymay maantii u dhici lahaa shirweynihii golaha dhexe ee lagu soo dooran lahaa musharax madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa ee xisbiga kulmiye.
U Hibee Codkaaga Siyaasiga ku haboon Madaxweynenimada JSL.
Sida aynu la wada socon xisbiga kulmiye wuxu sanadkan horaantiisi qabtey ama u qasoomay shirweynihii labad ee xisbiga oo lagu soo doortey hogaanka maanta jira ee u hormoodka u yahay Muj. Siilaanay, taas oo aanay cidi kula tartami jagadaasi gudoomonimada xisbiga, iyo ku-xigeenadiisa oo ah saddex gudoomiye oo cusub. Sikastaba shirku ah u dhece waxay u muuqata doorasho u qabsoontay xisbiga oo aheyd shirweynihii labad ee kulmiye, hogaanka cusub ee xisbigu waxay aheyd inuu bil gudaheed ku soo dabaalo shirkii labad ee golaha dhex taasi oo runtii noqotey mid aan dhicin una suurto galin waqtigii la filayay, taas oo lagu micneyay duruufo jira awgood.
Waxa haddaba aakhristoow maanta looga fadhiya xisbiga qaran ee kulmiye dadaal iyo siyaasada qorsheysan oo keeni karta isbadal siyaasadeed iyo doorasho xaal ah oo aan reernimo iyo laaluush midna ku abtirsan oo aan inaga noqon tii Madaxweyne Mugabi oo kale. Waxa waajib iyo ka fiirsasho mudan golaha dhexe ee codkooda dhiibanaya iyagana saaran yahay xil gudashadooda iyo badbaadinta xisbiga Kulmiye iyo sidii loo soo saari laha mushariintii hanan kari lahaa islamarkaan kasban kari lahaa kalsoonida shacabka JSL, islamarkaan lagu aamini laha qarannimadaa iyo iso soo dhaweynta shacabkeena kala daadsan iyo sugida xuduudaheena furan iyo kobcinta dhaqaalahan cakiran ee sicirbararku naafeyay iyo siyaasadeedna maalinkaste jahawereerka ku jirta ee aan cadaw iyo sokey kala garan la’.
Sideeba digo-rogashadu iyo isbadalku wuxu keeni kara khasaro iyo faa’iido labadaba, maanta mudo dhawr sano ah ayeynu hoos joognay ama talada xisbiga gacanta ku yahay muj. Siilaanayo ama hormood ka ahaa hogaanka sare ee xisbiga, wuxu faa’iido keenayona waynu la wada socon, wixi siyaasada xumo soo gaadhey xisbigan waa macruuf oo waa la ogyahay, oo waxa inoo qarsooni ma jirto oo waxaba u danbeyay shaqaaqadii ka dhalatey mudo kordhintii gurtidu ugu yaboohday madaxweynaha iyo ku xigneenkiisa ee qeyrul sharciga aheyd.
Waad ogeydeen madaxdii mucaariidka xisbiga kulmiye sidii looga guuleystey, ee loo mar siiyay go’aanadii iyo xilligii u madaxweyne Rayaale doorbidayay inoo qabsoomo doorashada madaxweynimada oo u yidhi waa in ay noqota bisha April 09 maantana ay gudidii doorashadu tidhi waa bisha March 09 taaso u faraqa u dhexeya yahay bil waxa ka yar, taasina waxay khilaafweyne soo kala dhex dhigtey hogaankii sare ee kulmiye oo isafgarad la’aani iyo jahawereer ku dhacay, oo ay saddexda gudoomiyaba mida goonidiisa u go’aaan u gaadhey, sida aynu ula wada socono waxaynu ognahey in ay guuldaradii xilligaasi xisbiga soo waajahday ay tahey mid aynaan qarinkarin oo loo baahan yahay in la saxo.
Mudadii shirkaasi socday dhexdhexaadinta dawlada iyo mucaaridka waxa hogaankan sare ee kulmiye dhex miranaaya isafgarad la’aan sida gudoomiyaha o aaminsana in aan go’aamadii u xisbigu gaadhey ee u warbaahinta iyo saxaafadaba ka sheega aan dib looga noqon, iyo gudoomiye ku xigneenka oo yidhi islamarkaana cadeystey in uu ka hor yimaado go’aamadii xisbigu gaadhey oo sidaa ay doonaysan dawladu qalinkii ugu duugay heshiis aan laga wada raali aheyn.
Dhibaataasi dhacday ee isafgarad la’aanta hogaankan sare ee xisbiga waxaan runtii u aaneynayaa ama ku sababeynayaa doorashadii shirweynihii labad ee kulmiye, taas oo labada mas’uul ee isafgarad waagu soo kala dhex galay lagu soo doortey qaab qabiil, oo labad mansaba lagu qeybsaday hab qabiil, taas oo markhaati ma doon ah, oo ay ka muuqato sida uu maanta yahay hogaankeena sare, taasina runtii waa fadeexad kale oo wax weyne u dhimaysa hogaankeena sare.
Waxa kaloon aad iyo aad ugu faraxsanahey goobta maanta lagu qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga oo runtii ah goob muhiimah islamarkaan lagu soo dooranayo musharaxa madaxweynenimada iyo kuxigneenkisa oo la sheegay inuu noqon doon magaalo madaxdada G/Togdheer ee Burco, oo runtii ah meeshii loogu soo wanqalay JSL ee dhidibada loogu soo taagay, waxan ilaahey ka rajeynayaa inuu noqon doono musharaxa maanta laga soo doorto madashaasi kii dalka iyo dadkaba hormor gaadhsiin lahaa.
Waxan haddaba leeyahay yaan maantana lagu qeybsan guri madow dhexdii masiirkii umadda iyo xisbiga kulmiye iyo ta qarannimada JSLba, ee waa in ay golaha dhexe ka faa’iideysataan wixi ina soo maray oo ay doortaan siyaasiga hanan kara shacabka JSL odhan, hormarna ina gaadhsiin kara, kalsoonida shacabkana hanan kara, sidaaseynu guul ku soo hooyan karnaa kulmiyow, ee maha in aynu laba reer ku qeybsan labada jago ee madaxweynaha iyo ku-xigneenkiisa.
Waxan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeygan "TALADAN LA RUGIN WAA LAGU RAFAADA", waa in laga fiirsada doorashaadaasi oo aan hadhow la odhan sidaasi maan moodeyn inay noqonayso iyo iwm.
Cumar Daarood Xassan - Norway
Email: darood2@hotmail.com








