July 17, 2008
Faallo: Golaha dhexe ee kulmiye, Siduu u kala Xulan Doonaa Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku-xigeenka?
Gudiga qaban qaabada ee ee shirka golalaha dhexe ee kulmiye, ayaa shaaca ka qaaday in shirkii la qaban doono 29-7-2008, laguna qaban doono magaalada Burco. Hadba musharaxiinta ilaa waqtigan la hadal hayaa waxaa tiradoola lagu sheega inay yihiin Muj Axmed Siilanyo iyo Dr Axmed Ciise uu u tartama jaga Madax wayne ku xigeenka kana soo jeeda Beelaha dhexe halka mushariinta Madaxwayne xigeenkuna ay yihiin Muj C/Raxaan Aw cali, Prof. Ismail Muumin iyo Eng C/Raxaan Saylici.
Musharaxiintaas oo dhamaantaan ka soo jeedan beelaha darifyada gaar ahaa gobalka Awdal in kasta oo aan wali la ogay beelaha kale ee dafiyadu inay hunguraynaa kursiga iyo in kale, balse waxa musharixiinta dhamaantood la ogoon doonaa ka hor 29-7-2008.
Hadaba, golaha dhexe oo ka kooban ilaaa 220 xubnood oo 170 ka mida lagu ansixiye shirwaynihii xisbig kulmiye ayaa looga fadhiyaa inay soo saran musharax madaxwayne iyo ku-xigeena uga qayb gali lahaa doorashooyinka soo socda.
Golaha dhexe maxay ku la xulan doonaa mushariinta? Dhankee ayay ka egi doonaan? Ma aqoontiisa, mise halgankii halkuu kaga jiray? Mise lacagta uu kolba siiyo inta ay leegtay? Mise dadka uu haysto ee ka dembeeya? Mise qabiilka uu ka soo jeedo tirade dadkoona?
Bal hadaba hadii aanu soo qaadan labada musharaxiinta u tartama jaga madaxwaynaha, Axmed Siilaanyo iyo Dr. Axmed Ciise, horta waa laba nin oo mutacalimiin ah. Jagadan midwalba oo loo doortaa wuu buuxin karaa, balse Axmed siilaanyo oo muda dheer xisbiga kulmiye ku soo dhex jiray ilaa haatanna ah gudoomiya kulmiye, marka golaha dhexe la eegana beesha uu ka soo jeeda ay ugu badan tahay golah dhexe, waxaa laga yaabaa in uun kaga guulaysan karo Dr. Axmed ciise oo beeshiisa lagu tiyo inay UDUB u badan tahay, balse wakhtigan xaadirka ah oo uu la tartamayo siyaasi rug cadaa ah way adagtay sida uu ugu guulso kursiga, iyada oo shirkiina lagu qabanayo Burco, oo Hargaysa laga wareejiyey, way adagtahay sida uu ugu guulayto tartankan.
Markaan eegno kursiga Madaxwayne ku-xegeenka, oo loolan adagi ka taagan yahay, ayna dhici karto in tartankiisu sii kululaado, dad badanna isku soo sharaxaan, balse ilaa imika 3 siyaasi ay u tartamaa inta la ogy yahay.
Bal aan ku horayn C/Raxmaan Aw Cali oo ah sarkaal ka soo baxay jaamaca ku taala Ciraaq, aqoon militarna leh, isla markaa waa mujaahid ka mid ah SNM, isla markaa ka noqday madaxwayne ku-xigeenka Somaliland. C/Raxaan in kastoo Daahir Ralaaye oo ay isku jufo ka soo wada jeedaan uu UDUB u sharaxayn yahay, hadanna wuxuu isku halaynayaa maadaama mushariinta ay kal saarayaa golahal dhexe, golaha dhexana uu dad badan ka yaqano inuu cod badan halkaa ka heli doono, balse codka uu dorashada dembe helayo kuma xisaabtamayo isagu. Waxa kale oo uu ku doodayaa maadaama siilaanyo uu madaxwayne u sharaxay yahay oo doorashadii horana ay isla dhaceen, isna waxa ka hor joogsan karaa inuu isa sharaxo aanay jirin.
Hadii aan soo qaadano Prof. Ismaciil Muumin waa jaamici ka soo qalin jabiyey jaamacada Maraykankan ku taala, isla markaa UNDP mudo u soo shaqeeyey, waana siyaasi siyaasanda ku cusub, xisbiga Kulmiyana uu dhawaaan ku soo biiray, laakiinse ay golaha dhexe ee wax doornaya ay u badan yihiin SNM, ayaa waxa laga yaabaa inay taasi caqabad ku noqoto.
Hadii aan u imaado C/Raxaam Saylici, waxa uu ka soo baxay dugsigii farsama gacanta oo uu 2 sano dhignayey, waxa uu maareeye ka noqdy shirka Biyah ee Borama, mana aha mujaahid, waa siyaasi isna siyaasa ku cusub. Inkasta oo aanay aqooniisu heer jaamacadeed gaadhsiisnay, hadana waa siyaasi aad u firfircoon, taasina waa ta uu gudoomiya ku-xigeenka 4 ee xisbiga kulmiye uu ku noqday, inkasta oo ay reer Awdal aad uga cadhoodeen numberka 4aad ee la siiyey.
Isku soo wad duub oo doorasha madaxwayne ku-xigeenku waxay gacanta ugu jirtaa beelah dhexe, maadaama ay beelaha darifyadu aay gola dhex ku leeyihiin tiro aan ka badnay 30 qof. Kolba cida ay u gartaan ayuun baa noqon doonta. Balse ha ogaadan inuu kulmiye u baahan yahay isbadel hadii kale uu doorashooyinka soo socda uu waayi doono. Xisbigu waa inuu wax ka barto sobobihii uu ugu guuldaraystay doorashadii hore.
Maxamed Khayre Dhoolaal
London, U.K
Email: Dhoolaal@live.com








