July 16, 2008

Wasiirka Warshadaha oo Sheegay Inuu Booliska Ka Codsaday Baadhitaan In Lagu Sameeyo wixii dhaliyay Gubashadda Wershada Furshaanta.

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan wayne ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa uu kaga hadlay gubashada iyo khasaarihii dabkii qabsaday warshadda furshaanta ee Al-khayraad oo dab maalintii isniintii qabsaday ku shuf beeshay markii labaad mudo laba sano gudahood ah.

Wasiirka warshaduhu waxa uu sheegay in ka xun yahay gubashadda Warshadaas ee markii labaad isaga oo xusay in aanay garanayn sababta keenta gubashadeeda, waxa kale oo uu tibaaxay in uu arinta baadhista warshada kala hadlay taliyaha ciidanka booliska iyo taliyaha ciidanka baadhista danbiyadda ee CID isaga oo tilmaamay waraaq u qoray kana codsaday inay si deg deg ah u soo xaqiijiyaan sababta dhalisay dabka qabsada wershada, wasiirku waxa kale oo uu sheegay in markii hore ee warshadani gubatay ay dawladu mulkiilayaasha wershadda kab iyo taageero siisay imikana aanay wixii itaalkeed ah aanay xukuumadu kala hadhi doonin.

Wasiirka oo dhinacyo badan gaar ahaan ganacsatada, Hay’addaha caalamiga ah iyo bulsha waynta ugu baaqay in la caawiyo dadkii lahaa wershaddas ee ay ka gubatay oo uu ku tilmaamay arin masiibo qaran ah.

Wasiirka Wershaduhu waxa uu sheegay inuu Taliyaha Booliska iyo Taliyaha laanta baadhista danbiyadda ee C.I.D loo yaqaan waraaq u qoray kana dalbaday in sababta gubashadda wershada keentay laga qanciyo mulkiilayaasha wershadda, Shacbiga iyo xukuumadda Somaliland "Waraaq baan u qoray Taliyaha Booliska iyo Taliyaha C. I. D iyo Wasiirka Arimaha Gudaha,  waxaanan kaga codsaday in baadhis lagu sameeyo sidii gubashadda warshada tani u dhacday, oo mulkiilayaashii, iyo jamhuuriyadda Somaliland iyo umada intaba la siiyo war qanciya oo ku saabsan sidii uu dabkani u dhacay, wax alla wixii taakulo ah, wax alla wixii tageero ah ee noqonaya xitaa in baadhitaan loo baahdo diyaar baanu u nahay." Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Somaliland oo la si gaar ah ula hadlaya dadkii warshadda lahaa ayaa waxa uu yidhi "Mulkiilayaasha Warshaddana waxaan Illaahay uga baryayaa inuu cawil khayr qaba uu siiyo, waxaan rajaynayaa inay niyadda iyo dadaalka sidii ay markii hore warshadda u sameeyeen, in aanay ka dhiman oo aan waxba iska badalin, oo aan dhibaatadda qabsatay iyo dabkaasi wax u dhiman oo aanay ka noqon inay warshadii dib cagaha ugu taagaan ayaan Illaahay ka rajaynayaa." Ayuu yidhi.

Wasiirku mar uu ka hadlayay markii hore ee Warshadu gubatay gacantii ay dawlad ahaan ka geysteen ayuu sheegay inay gacan wayn ka geysteen, isaga oo balan qaaday in aanay imikana gacmaha ka laabanayn "Dawlad ahaan Warshadu markii hore ee ay gubatay gudi aan anigu madax ka ahaa ayuu Madaxweynuhu u magacaabay, hawshaas si wanaagsan baanu u galnay, go’aan baanu qaadanay kaas oo ahaa in warshadii la caawiyo oo dawladu kaalin ka qaadato dib u dhiskeedi, kaalin mug leh oo muuqata ayaanu ka qaadanay dawladd ahaan iyada aanay haboonayn inaan maanta halkan ka idhaahdo intaas baanu bixinay, laakiinse kabis wanaagsan baanu u gaysanay warshadii maalintii hore, hadii maanta ay taasi timaadana kolay gacanta ka laaban mayno hadii aanu dawladii nahay." Ayuu yidhi.

Wasiirka Warshaduhu waxa uu ganacsatada u soo jeediyay inay caawiyaan dadkaa muwaadiniinta ah ee walaalahood ah ee dhibaatadu ku dhacday oo aanay kala bakhaylin, ee ay dadaalka ay dalka galiyeen iyo wax tarka ay wadanka u lahayd ka eegaan, waxaanu carabka ku adkeeyay inay caawiyaan, dadkaa dhibaatadu soo gaadhay.

Wasiirku waxa uu iska diiday inuu ka jawaabo su’aalo laga waydiiyay dabdamis la’aanta dawladda, qiyaasta ay dawladu ugu yaboohayso, iyo arimo kale oo warshadiisa la xidhiidha, kuwaas oo uu sheegay in maanta arin muruga lihii taalo oo warshad gubatay laga hadlayo, khasaarana dhacay oo in la tiiraanyoodo ay tahay balse aan su’aalo loo baahnayn in laga waydiiyo arimahaas oo kale

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com