July 16, 2008

Wasiirka Qoyska Marwo Faaduma Suudi Oo Kulan Lagu Dajinayo Siyaasada Lagu Hagayo dadka Naafadda ah Maanta ka furtay Hargeysa.

Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta arimaha Bulshadda Marwo Faadumo Suudi Xassan ayaa maanta Hotel Imperial ka furtay, kulan lagu eegayo Siyaasadda xukuumadda Somaliland ee sidii loo horumarin lahaa dadka Naafadda ah.

Kulankan oo lagu wado inuu laba maalmood halkaa ka socdo ayna ka soo qayb galeen ilaa 45-xubnood oo kala kala socda ururadda matala dadka naafadda ah ee dhamaan goboladda Somaliland, waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta Bulshadda waxaana gacan ka siisay Hay’adda DRC.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta arimaha Bulshadda Marwo Faadumo Suudi oo hadal ka jeedsay furitaankii kulankan ayaa tilmaantay in maanta iyo markii ay xilka la wareegtay ay xaaladda dadka Naafadu aad u kala duwan tahay, iyada oo xustay inay ku guulaysteen Wasaarad ahaan inay u sameeyaan ururo mideeya oo arimahooda wax ka qabta.

Wasiirka oo arintaa ka hadlaysaana waxa ay tidhi "Runtii maanta waxa aan aad ugu faraxsanahay inuu isbadal wayn oo xaga naafada ahii jiro, hadaan dib ugu noqdo 2003-dii markii aan xilka la wareegay, waxaan ururkii ugu horeeyay ka qayb galay iyadoo afar qof oo naafo ahii joogaan, oo aan dumar lahayn, maalintaa laga bilaabo in aanu halkii ka qaadnay wasaarad ahaan oo aanu samaynay si ay rag iyo dumarba naafadu nooc kasta ha yeelatee, in aanu isu gayno oo aanu ardaayo iyo dalado wax wada qabsada oo is aqoonsadaan." Ayay tidhi Wasiirka oo ka hadlaysay sida ay u kobciyeen dadka naafada ah.

Marwo Faaduma Suudi oo isbadalkaa ka sii hadlaysa ayaa sheegtay in xiliyadii hore dhibaatadda dadka naafadu ay ahayd mid ku eg qoyska uu qofkaasi ka dhashay, loona haystay in uu yahay qof aan wax qabsan karin, balse maanta la gaadhay xiligii la dajin lahaa siyaasad cad oo ku jihaysan horumarintooda iyada oo arintaa ka hadlaysana waxa ay tidhi "Waxa jiri jirtay qofku marka uu naafo yahay inaga dhaqankeena ama dawladihii hore aanay siyaasad cad oo wax loogu qabtaan jirin oo qofka qoyskooda ay ku ekayd, marka qofka loo aqoonsanaa qof aan waxba qabsan karin, laakiin Illaahay mahadii maanta way ka soo gudubtay, habaka aynu maraynaa maanta waa heer siyaasadeed iyo qorshihii wax loogu qaban lahaa qofka naafadda ah." Ayay tidhi Marwo faadumo Suudi.

Wasiirka oo si gaar ah ula dardaarmaysa dadka naafada ah ayaa waxay tidhi "Waxaan jecelnahay siyaasadaa ama qorsha hawleedkaa dadka naafadda ah ee aanu maanta bilownay inuu hir galo oo uu noqdo tirarkii dadka naafadda ah wax loogu qaban lahaa, ee loogu dadaali lahaa haday shaqo tahay, haday caafimaad tahay iyo haday tacliin tahayba, si walba inuu kulankaa maantu noqdo mid ay ka soo baxaan shuruuc u dajisan oo naafadda u hadlaysa oo wax u tara oo dhaxal gal ah ka soo baxo." Ayay tidhi Wasiiraddu.

Marwo Faaduma Suudi waxa ay sheegtay in siyaasadda iyo shuruucda ka soo baxda kulankan ay dawlad ahaan iyo wasaarad ahaan fulin doonaan, hasa yeeshee ay iyagu kala qayb galaan maadama ay uu qofku waxa ka dhiman og yahay taas oo ah in aanay dusha uun kaga keenin siyaasad ay dejiyeen, balse ay ugu marti qaadeen sidii ay iyaguna fikirkooda iyo waxa kaga aadan uga gudan lahaayeen

"Anagu wasaarad ahaan iyo dawlad ahaan waxaanu ku dadaalaynaa inaanu ka shaqayno sidii siyaasadaasi u hir gali lahayd, Idinkuna dadka naafadda ah aad nala shaqaysaan, oo aad waxa aad ku dari karaysaan, qofku isagaa is og halka uu ka dhiman yahay, si kastoon anagu u dadaalno waxaanu jeclaysanay inaad nagala qayb gashaan oo aanan anagu shaadhkii soo tolin oo aanan odhan waatan siyaasadda lagu dhaqayo dadka naafada ah, laakiin idinku qabataan oo wax ku darsataan, haday tahay wixii laga dhimayo iyo wixii lagu darayaba, waana taas ta keentay ka soo qabgalkan ilaa goboladda oo dhan ah." Sidaa waxa ay Wasiirku tidhi iyadda oo ka hadlaysa sababta ay dadka naafadda ah kulankan uga qayb galiyeen.

wasiirka Qoyska iyo horumarinta bulshadu waxa ay u mahadnaqday hay’adda DRC oo ka caawisay qabashadda kulankan iyo diyaarinta siyaasadda lagu hagayo dadka naafadda ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo horumarinta bulshadda Md. Axmed Xassan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in sababta kulankani tahay sidii siyaasad cad oo leh shuruucdeedi lagu hagi lahaa dadka naafadda ah loo heli lahaa, waxa kale oo uu xusay in dhibaatadda ugu wayn ee jirtaa tahay tiro koob la’aanta dadka naafadda ah isaga oo sheegay in tira koobkii ugu danbeeyay uu ahaa mid la sameeyay sanadkii 1986-dii markii dalkii somalia uu jiray, taasna wax badani iska badaleen dagaalo badanina ay dheceen, hasa yeeshee hadii kaa laftiisa lagu dhaqmo ay soo baxayso in tiradda dadka naafadda ah ee ku dhaqan Somaliland noqonayso ilaa 350-kun taasina ay dhalisay in xukuumadu fadhiga ka kacdo oo indhaha ka laaban kari waydo dadka intaa tiradoodu leeg tahay.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in Wasaaradoodu ay ku mashquulsanayd labadii sano ee u danbeeyay sidii wax loogu qaban lahaa dadka naafadda ah, gaar ahaan dhinaca horumarinta, sidoo kale waxa uu agaasimuhu si adag u tilmaamay in barnaamij cad oo ah siyaasad lagu horumarinayo bulshadda naafada ahii ay lagama maarmaan tahay, sidaa daraadeed ay dawladda ka go’an tahay iyagana looga baahan yahay haday yihiin dadka naafadda ah inay wax la qabtaan oo dhinacooda hawsha ka fuliyaan.

Gudoomiyaha Dalada ururadda dadka naafada ahii leeyihiin ee SNDF Mukhtaar Xassan C/laahi oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka mahadnaqay dadaalka balaadhan ee Wasaaradda Qoysku wado, isaga oo tilmaamay inay ku taageerayaan aadna raali uga yihiin, waxana uu ku booriyay inay halkaa ka sii wadaan dadka naafada ahiina ay diyaar u yihiin cid kasta oo wax u qabanaysa inay la shaqeeyaan.

Gudoomiyaha Jimciyada Sooyaal Xassan Cabdi Muxumed oo isna halkaa ka hadlay ayaa wasaaradda qoyska ku bogaadiyay talaabadda horumarka leh ee ay qaaday, isaga oo xusay sida loogu baahan yahay wax u qabashada dadka naafadda ah, iyo in siyaasad cad qaranku ka yeesho sidii ay dadkaasi u heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah.

Dayib Muxumed Nuur oo u hadlay hay’adda DRC oo ka caawisay Wasaaradda Qoyska Arimaha horumarinta naafadda ayaa xusay inay hay’ad ahaan aad ugu faraxsan yihiin hawsha balaadhan ee ay wasaaradu wado, isla markaana ay balan qaadayaan inay kala shaqeeyaan sidii arimahaas looga gun gaadhi lahaa, isaga oo tilmaamay in markii ay wasaaradu ka codsatay inay qorshahan wax kala qabato ay si deg deg ah uga jawaabeen imikana ay halkaa ka sii wadayaan.

Faysal Maxamed xassan

Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com