July 16, 2008

Ururka Dhiciska ah ee AACNA, Shirka Qoyska Iyo Bakhti-sugayaasha Dhawraya Inta ay Naftu ka Baxayso!

Waxaan la wada soconaa in shir qoys isugu imaanayo, lagana soo eryey meel kasta oo ka mid ah Waqooyiga America uu ka dhacaayo qol yar oo ku yaalla magaalada Toronto. Bal haddaba aan hoos u eegno dadka ay soo qorteen ee ay u yeedheen labada Bakhti suge, ee uu walaalkeen Calina  carrabka ku dhuftay.

Ibrahim Jime iyo Nur Bahal, labaduba waa bakhti suge kowaad iyo labaad sida warar xogogaal ah oo aan ka helay magaalada Toronto ii xaqiijiyeen, waxayna rabaan in iyaga loo dhiibo urukan yar ee dhiciska ah, si ay u sii wadaan isku dirka laga soo sheegay ee ay kula dhex wareegaan Samaroonka.

Abiib Xaamud, Ali Baxar, Rooda Mizan, Abdirahman iyo Abdi wahid oo ay yidhaahdeen waxay ka imanayaan USA u fiirsada xidhiidh ka dhexeeya, waxna kama sheegaayo anigu, waxaanse u dhaafayaa Awdal inay baadhaan xidhiidhka ka dhexeeya oon anagu ognahay.

Cabdi Shakuur, Safiya sh. Ali, Abdisalaan Nur iyo ninka la yidhaa Mahomuud Egal, iyagana bal u fiirsada xidhiidhka ka dhexeeya,  Mar labaad anigu wax aan ka sheegaya dadkaas ma laha, kaliya uun waxaan caddaynaa in uu ka dhexeeyo xidhiidh qoys.

Taasi walaalyaal waxay caddaynaysaa in ay meesha isugu imanayaan qoys yar oo aan matali karin Samaroon. Samaroon wuu badan yahay waxaana fiicnaan lahayd in loo dhanaado oo qolo kasta ka qayb gasho. Hase yeeshee markay arkeen dad badan oo deggan USA, ayaa ka gaabsaday sharaftoodana ka dhawrtay.

Sida dad farabadan oo ila soo xidhiidhay ii sheegeen, wuxuu samaroon jecel yahay in Amoud Foundation ay ilaashato sharafta ay ku lahaayeen Samaroon oo ay ka dhowrtaan wasakhda labada nin la wareegayaan, sida ururka Gurmad uu yeelay oo kale.

Sidoo kale sida warar xogogaal ahi noo sheegeen wakhtiyo hore ayaa beesha Maxamad Case ee Toronto hore uga biyo diideen labadan nin oo taariikhdii soo kal martay aan ku haynaa halkan. Markaa walaaalahayga Maxamad Case haddii ay iminka taageerayaan waa wax lala yaabo, waxaanan walaalahaga u sheegi lahaa inay ka waantoobaan labadan waraabe.

Sidaa iyo maqaalka labaad

Sacad Ahmad

Oregan, USA

Email: saidamad@gmail.com

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article do not necessarily state or reflect those of Harowo.com editor or it’s Staff.