July 16, 2008

Jawaab: Harowo iyo Saylac Ha Joojiyaan Dhambaalada.

Harowo iyo Saylac waan ku hambalyeynaynaa hawsha wanaagsan ee ay umadooda u hayaan, waxan leenahay waad buuxiseen shuruudihii saxaafadda. Rooble Saalaxoow inta aad qof ama qabiil gaar ah duulimaad ku tahay qoomiyadda dhan ee reer Sheekh Samaroonbaad meel kaga dhacday. Qormadani waxay jawaab u tahay wiilka la yidhaahdo Rooble Saalax ee wadaadka ahaan jirey intii aanu Yurub tegin. Rooble wuxu isku dayey inuu shabakadaha gobolka qaarkood dadka qoraya iyo waxay qorayaanba takooro, qaarna sacabka u tumo sax iyo qaladba.

Anigoon hadalka ku dheeraanayn waxan jecelahay inaan wiilkan u sheego inuu kaskii uun hadlay ee fikirkiisu aanu ahayn mid lala qabo. Shabakadaha Harowo iyo Saylac waa kuwa aan ku diirsanay ee aan ka daawano dacalada dunida, inaad iska deedifaysana kaa yeeli mayno. Fikirka aad ka qabto shabakaduhu waa mid adiga kuu gaar ah, waanan kula soconaa halka iyo sida aad u fekerayso ee iska ilaali hadalada xanafta leh, hadii aad tahay Rooblihii aan naqaanay.

Waxad tidhi waxan in mudo ah arkayey harowo iyo saylac oo faafinaaya dhambaalo qabyaaladeed. Horta su’aal baan ku waydiinayaa, Maxaad Harowo iyo Saylac iskugu ladhay? Miyaad mid walba gaarkiisa hadii aad wax dhaliil ah u hayso u saartid? Labadan shabakadood waan booqdaa laftaydu wax ay ka midaysanyihiin sida shabakadaha gobolka qaarkood kuma arko. Shabakadaha gobolka qaarkood waxad moodaa inuu qof kaliyihi wada qoro. Laakiin labadan shabakadood shaqo iskuma laha afkaartoodu. Waxan filayaa waxa iskaga kaa qaldan fikradaha dadku qoraan ee lasoo galiyo sida tayda iyo taada oo kale iyo shabakadaha laftooda. Mise waa sikale……..?

Midda kale Qabyaalada maxaad u taqaan? Qabyaalada ma waxad u taqaan in wixii jira lasoo bandhigo, iyadoon cidna laga haybaysanayn? Mise waxad qabyaalad u taqaan in qofku qof taageero? Hadii uu qof taageero qofkale oo uu danihiisa ka dhex arkay, ma waxa la odhanayaa qabyaalad buu u taageeray? Bal ka jawaab adigaan ku waydiiyaye? Ma waxad doonaysaa in sida shabakadaha yar yar ee ay canaasiirtu gacanta ku hayso oo kale ay kuwanina noqdaan?

Waxad tidhi: Kala qaybinta beelaha walaalaha ah faa’iido ka gaadhi mayno. Waan kula akhrisanaa shabakadaha gobolka ee kaligaa afsoomaliga ma taqaanid, hadii ay cidi qorto wax dadka kala qaybiya iyo aflagaadaba kuwa qora waad taqaan ee maxaad uga hadli wayday!! "waar anagaa wax aragnay!!!! Adiguse waxa aad qortay bal dib u akhri ma wax dadka isku soo dhawaynayaa.

Shabakadaha aad magac dhawday waxa aad ku maagtay adigaa og. Marka aad arimaha caynkaa ah ka hadlaysana waxa fiican inaad xujooyin cad cad oo la taaban karo la timaado, hadii kale dadka la iskama eedeeyo. Ma haysaa meel ay shabakadaha Harowo iyo Saylac shir ku qabteen oo ay dadka ku booriyeen in beel ka mid ah beelaha Samaroon weerar Af iyo Addin ah lagu qaado? Ma haysaa kulamo ay maalgaliyeen ama ay soo qaban qaabiyeen oo ay kaga hadlayaan in samaroonka la kala qoqobo?

Waxan u malaynayaa inay dadku kala garan la’yihiin madaxweynenimada Daahir Rayaale iyo bulsho waynta beesha Jibriir Yoonis. Waxan filayaa in dadka qaar kala garan la’yihiin Daahir iyo beeshiisa, oo ninkii Jibriir Yoonis ah ee ay arkaanba ay daahir rayaale uun moodaan. Jibriir Yoonisku dad meel wada mari kara maaha, waa dad badan oo nin waliba halkii dantiisu ku jirto iyo wixii uu dantiisa u arko ku mashquulsan. Waxa nasiib daran qofka qof kale ku mashquula.

Adiga oo ka hadlaya hormuudka shabakadaha gobolka waxad tidhi: Hadii aad is leedhiin Riyaale taageera, Rayaale tageero uma baahna, waayo marka horeba tageero samaroon meesha kuma tagin hadana kuma joogo, ee habeen madow ayay ka saari Hargeysa dadka ku dagani hadii ay ka soo hor jeestaan. KKK

Walaalkay Waxan doonayaa inaan kuu caqli Celiyo: Inta aad qof ama qabiil gaar ah duulimaad ku tahay qoomiyadda dhan ee reer sheekh Samaroonbaad meel kaga dhacaysaa. Daahir Rayaale qofkii taageeraya cidina kama joojin karto, kii diidana cidi kuma khasbi karto taageeradiisa, oo waa qof iyo rabitaankii. Laakiin waxa wax laga xumaado ah oo qof waloo akhriyey kalmadaha aad adeegsatay ka xumaaday weedhahan "Daahir Rayaale taageero Samaroon meesha kuma tagin". Rooblow nin wax fahamsan oo dadka qancin karayaad iska dhigaysaa, laakiin qof wax fahamsani kalmadahaa nusqaanta ah ee isaga laftiisa wax udhimaya ma adeegsado.

Daahir Rayaale waxa doortay Samaroon, Wuxu meesha ku tegay Rabitaanka Beesha Sheekh Samaroon ee cirka kama soo dhicin. Dadkaa reer Awdal buu meesha ku yimid, Illaa imikana kuwaas ayuu ku joogaa ee kuma iman, kamana iman bulshada reer Hargeysa. Wuxu meesha ku tegay axdi qarameedkii Boorama 1993kii lagu heshiiyey. Warkeygu Waa biyo kama dhibcaan. Tan doorashada hadii aan usoo noqono, intii doorasho ee dalka ka dhacday markasta codka ugu badan ee xisbiga Udub helo wuxu ka heli jiray degaanada uu kasoo jeedo gudoomiyaha Udub ahna madaxweynaha Somaliland.

Waxad tidhi: habeen madowbay ka saarayaan dadka hargaysa degani hadii ay kasoo horjeestaan!! Rooble hadaladan markii aad qoreysay miyaanad ka fiirsan mise ….! Waxan filayaa waxad jeceshahay inaad arimaha bulshada iyo kuwa siyaasadaba ka hadasho, waan ku arkaa oo arimaha siyaasada iskuma wanaagsanidin, taasna heerka iyo sida aad u hadlaysaa muujinaysa. Markaa waxan ku odhan lahaa iska daa haka hadlin madaxweyne iyo arimo qarane. Adeerkaa C/raxmaan Dhawal u daa isagaa kaaga haboon arimaha bulshadee.

Midkalana waxan doonayey inaan ku xasuusiyo "sida kaa muuqata waxad leedahay maxaa Daahir loo taageerayaa? Bal Adeerkaa Dhawal waydii waxa uu Daahir u taageero isagaa inooga war roone!!!

Ururka ACCNA eed sheegayso malaha waad maqashay uun ee ma ogid waxa uu ka shaqeeyo, cida kala kaxaynta beesha Samaroon iyo kala jajabintooda ka shaqaysa ee dadkii qurbaha khiyaantay waa iyaga. Wixii hanti samaroon ururiyay sanadkan bilowgiisii ee lagu caawin lahaa dadkii caydhoobay halkey martay? Ma ka warhaysaa? Mise waxaagu waa laab la kac? Waxa laga cabaadayaa wax kale maaha ee waxa weeye "maxay Harowo iyo Saylac noo khashifeen".

Harowo iyo Saylac waxay u taaganyihiin danaha dadka ku dhaqan Awdal, Salal iyo inta ku nool dalalka la dariska ah labadaa gobol. Waan ku hambalyeynaynaa hawsha wanaagsan ee ay umadooda u hayaan. Waxan idinku amaanaynaa sida hagarla’aanta ah ee aad dhacdooyinka iyo arimaha qarsoon noogu bayaamisaan. Waxan idinku amaanaynaa sida aad cidkasta oo dadka kala qoqobaysa, cidkasta oo hantida dadka leexsanaysa iyo cidkasta oo qabiil wax ku doonaysaba aad usoo bandhigtaan idinkoon cidna ka haybaysanayn. Waxan idinleenahay waad buuxiyseen shuruudihii saxaafadu lahayd.

Ugu danbeyntii waxad tidhi: Daahir in la taageero waxa ka wanaagsan in saylici la taageero. "waa sida hadalkaagu u dhacayo". Horta Daahir iyo Saylici way kuu simanyihiin adiga oo midkoodna kuma xigo, waxa aad Daahir ku diiday ee aad saylici ku doonaysaa waa maxay? Ileyn isagaaba madaxweyne ahe? Sow inaad Rayaale beel ahaan ku diideyso looma macnaysan karo. Beesha saylici dameerihiinuna doox ma wada daaqaan, hadii aanay xaasidnimo uun kaa ahayn, Beesha Daahir baad biyaha wada cabi jirteen illaa imikana aad wada cabtaan.

Mida aad tidhi Daahir kama aqoon badna saylici, waxan filayaa sidaan horey usoo sheegay inaanad waxbadan arimaha siyaasada ka fahamsanayn. Daahir iyo Saylici maaha laba arday oo imika imtixaan u fadhiisanaya ee siyaasad iyo umad hogaaminteed baa laga hadlayaa.

Hadaladana kuwa kaa iib galaya ayaa lala shiryimaad. Daahir wuxu ahaa sarkaal sare oo dawlad usoo shaqeeyey wakhti dheer (kornayl), wuxu noqday Qunsul qaran dhan metela (DJibouti) sanadihii sideetamaadkii. Wuxu noqday badhasaabka gobolka Awdal sagaashanaadkii. Wuxu noqday madaxweyne ku-xigeen 1997kii imikana waa madaxweynaha somaliland. Waa ninkaa siyaasada geeska Africa iyo ta adduunkaba iskaga dabqaadaya. Hadii waayo aragnimada iyo intii uu dawladii somalia iyo ta somaliland usoo shaqeeyey meel la iska dhigo inta uu dalka maamulayey ee uu madaxtooyada ahaa oo kaliya ayaaba toban sano ah. Waa khabiir, waa siyaasiga maanta ugu miisanka wayn somaliland. Sidaas darteed laba nin oo la is barbardhigi karo maaha.

Saylici anigu waxba ka sheegi maayo,waa nin wastaad ah oo bartay sida guryaha loo dhiso siyaasadna waxba kama oga,waa nin socod barad ah oo doonaya sanadka soo socda inuu masraxa siyaasada kusoo biiro waa hadii ay usuurto gasho riyadiisu.Waxa laga yaabaa inuu sodon sano ka bacdi soo gaadho halka uu maanta Daahir Rayaale taaganyahay.

Iskusoo wada xooriyoo waxan filayaa inay waxbadani qormadaydan kaaga kordhi doonaan. Xadiiskii Rasuulkana (CSW) waad ilowday baan filayaa, "Hadii umadoo dhani isku daydo inay wax ku yeelaan oon Ilaah kula damcin waxba kuma yeeli karaan, hadii ay isku dayaan inay wax kuu taraan oo Ilaah kula damcin, waxba kuuma tari karaan".

Wixii aad dhibsatay waan kaa raali galinayaa. Halkan ka akhri qoraalka aan jawaabta ka bixinayey lughaya.com/opinion/?p=173

Cabdilaahi Muuse

Email: (cige_05@hotmail.com)