July 15, 2008

Odhaahda Akhristaha: Shirka Lagu Qabanayo Magaalada Toronto, Canada, Waa Maxay u Jeedada ka Dembaysa?

Waxa waayahan dembe la qaban qaabinayaa waxa lagu magacaabay (Agenda for the 2nd Conference of Association of Awdal Community of North America). Anigu waxaan ka mid ah dad weynaha reer Awdal ee  ku nool  magaalada Toronto (Canada) ee la leeyahay waxa lagu qabanayaa shir weyne khuseeya community-ga reer Awdal ee North America, waxay iila muuqataa qosol iyo cajaayib!

Waayo, Waxaa ugu dembeeyey dadweynaha reer Awdal ee degan magaalada Toronto shir weyne sandku markuu ahaa 1997-kii, kaas oo lagu qabtay (York Civic Center ), shirkaas oo ay dad gaar ahi ku lahaayeen danahooda, markii ay fushadeen danahoodii waxay bilaabeen kala dil iyo isku dir. Qofkasta oo jooga magaalada Toronto oo reer Awdal ahi wuu ogyahay in marka ay shakhsiyaad gaar ahi dan leeyihiin inay qabsadaan shir ama ay yidhaahdaan waxa lacag loo ururinayaaa danaha gobolka Awdal.

Haddii aan wax ka taabto dadka qaban qaabinaaya shirka, waxad moodaa inay dagaal kula jiraan beel ka mid ah beelaha samaroon. Waayo, markaad eegto magacyada qaban qaabinaaya shirka waa ragii kala dilay umada reer Awdal ee ku nool magaalada Toronto. Maantadaa la joogo ma jirto cid qaadhaan laga qaadayo ku saabsan shirka.

Bal hadaba dadka qaban qaabinaaya shirkan u fiirso, waxad garan kartaa in aanay u dhameen reer Awdal ama beelaha Samaroon ee ku nool magaalada Toronto.
 
Ibrahim Absiye
Idil Absiye
Nur Bahal
Abiib Hamid
Cibaado Geele
Roda Mizan
Qamar Osman
Ali Bahar
Mohamed Alabar
Safia Sheekh Ali
Abdisalam Nur
Mohamud Egal
Abdirahman Geeljire

Haddii aan wax ku taabto haga(Fund Raising-ka), waxaa ugu dabeeysay lacag laga ururiyo magaalada toronto lacagtii loo ururiyey jaamaacda Camuud, marka laga reebo lacag dhawaan loo uruiyey garoonka laga dhisaayo Boorame, ilaa hadana waxba laga qaban garoonkaas, lacagtaas oo la ururiyey markii jaamacdu cusbeyd ilaa hadana aan lagaadhsii lacagtaa jaamacada. 

Haddii aan wax ka taabto xaga lacagtii loo ururinaayey masiibadii qabowga iyo roobka ka dhacay gobolka Awdal, Toronto waxay ahayd magaaladii ugu lacag yarayd meelkasta oo lacag laga ururiyey. Toronto waxa degan dad badan oo u dhashay gobolka Awdal, laakiin dadku waxa ku jirta cadho hore iyo kala dil loo geestay iyo kala saarid la kala saaray bulshada reer Toronto, wayna is garanayaan dadka aan ka hadlaayo, waayo waxaa la yidhi dhagar qabe dhulkaa u dhaqaaqa. In la kala saaray ama beelaha Samaroon qaarkood dagaal lugula jira waxaa ku tusaaya dadka qaban qaabinaaya shirka .

Hadal iyo dhamaan waxaan u sheegayaa dad weynaha beesha reer awdal ee degan magaaalda toronto miyaad ilawayday wixii  inagdu dhacay  1997kii sanakaa oo ahaa kii ugu dabeeyey ee reer awdal ee toronto ay shiraan, ragii waqtigaa qaban qaabinaayey ayaa maantana qaban qaabinaaya . waa in aan inagu oo ah dad weynaha reer awdal dooranaa ciddii in metelaysa  oo xalaal ah daacad ah aan qabiil beeleed ku jirin waqtigaa ayaan wax qabsan karnaa in ay ina beltelaan maaha , kuwa kala dila samaroonka .kla qabiyey beelaha awdal ee toornto.

Ugu dabantii waxan ka codsanayaa shabakadaha reer Awdal inay ku baahiyaan qoraalkan.

Thank you all

Ali Abdi Farah (Abraar)

Toronto, Canada

Email: alifafifise@hotmail.com