July 15, 2008

Aadanaha iyo Dabeecadda (Mankind and Nature): Tacadiga deegaanka iyo kaymaha

Xidhiidh wacan buu ahaa in muddo ah. Way ogaayeen inay isu baahan yihiin - nolol iyo dugsi intaba. Waxaa tiil xushmo fayow dhexdooda - baahi iyo badhaadhe-ba. Dheelitir, hoo iyo hay ( give-and-take ) baa u xeer ahaa.  Muddo dheer, dheer baa wanaag laysu weheshaday.
 
Hase yeesheee mar dhexe buu xidhiidhkii hufnaa mar qudha qarda-jeexay, jaah-wareer baa dhacay. Aadane wuxuu ku fakaray inuu ka awood badan-yey Nolol-sidaha (nature), uuna hagi karo, kuna uman karo.  Inkastoo burbur iyo baaba’ uu cagta-cagta u saaray, aqoon qota-dheerna qirayso qiyaasta inaanu jiraynin la’aanta quwaaxa, qadhaabka iyo kaynta biyaha qulqulaaya, dheg muu jalaq siinin.
 
Maxay tahay dhibta taal dhexdeenna iyo kaynta? Malaa miyirkeen wax baa ka xun maanta. Miyaan arki weyney dhulkeenna dulloobay, dabayshiyo boodhka miyaan wehel moodnay? Miyaan garan weyney inay nolosheennu gargaar dibadeed ka maarmi karayso? Gudmaa hala tuuro, galoolka aan beerno. Ugaadha dexjoogta, hadday jirto maanta, dhammaan ha la dhawro, ayaan lagu dheelin.
 
Sida loo dhiso nolol way dhib badan tahay, sida loo burburshaa’se wey fudud tahay. Qoysaska dad iyo duunyaba leh ee ku dhaqan dhexdeenna’na la xushmeeyo noloshooda.

Hassan Sheer

Toronto, Canada

Email: hassan.sheer@hotmail.com