July 14, 2008
Odhaahda Akhristaha: Talo Xumada Beesha Maxamed Case, Waxay Keeni Kartaa Dildilaac ku Yimaada Midnimadii Beelaha Samaroon.
Beesha Maxamed Case oo ka mid ah beelaha Samaroon, ayaa waayadan dembe muujinayay dareeno siyaasadeed oo ay ku doc faruurayaan midnimadii beelaha Samaroon. Beeshan, ayaa tirsanaysay sanadihii ugu dambeeyay cadaalad daro ka jirto gobolka iyo xukuumada Daahir Riyaale hogaaminayo.
Beesha Maxamed case oo ka mid beelaha waa wayn ee dega gobolka Awdal, ayaan hadana ka dhex muuqan siyaasada Somaliland tani markii somaliland la soo noqotay qarnimadeedii. Arintan oo ay dadka qaar ku tilmaameed beesha maxamed case, oo rajo ka qabtay bal inay mar uun soo noqoto rajadii Somali wayn laga qabay, siyaasada ahaanna aad u taageeri jirtay dadka aamisan fikirada Somali wayn.
Beesha Maxamed Case oo ka mid ahaa beelaha Samaroon, ayaa ilaa hada badankoodu riyo u haysata jiritaanka Somaliland. Sobabaha ay beeshu iskaga dhex arki wayday masraxa siyaasada Somaliland, ayaa sobobtu ugu weyni beesha oo siyaasiyiinteedu u badan yihiin kuwa ku nool dibada, isla markaana taageero aad u wayn siin jiray dowladihii kala dandambeeyay ee loo soo dhisay somalida koonfureed.
Siyaasada beesha oo ay inta badan hogaamiyaan siyaasiyiinta ay ka mid yihiin labada nin ee walaalaha Samatarada, Col. Shimbir, Dr. Abdilaahi xaashi, Dr. Abdirahmaan Jamac Hadi, Xuseen Ceelaabe (wasiirkii arimaha dibada dowlada ku meel gaadh ah). Siyaasiyiintani waxay dhaxalsiiyeen Beesha Maxamed Case inay haba yareetee beeshu waxba kala socon geedi socodka siyaasadeed ee Somaliland ku jirto. Waxaanay beeshu mar qudha iska dhex wayday saaxada siyaasada Somaliland, tani waxay dhaxalsiisay in beeshu tirsato in lagu hayo dulmi iyo cadaalaad wayn. Waxaanay cadowgooda koobaad u arkaan beelaha walaalohood ee Makaahiil.
Waxa la odhan karaa way jireen khilaafaad yar yar oo ka soo bilowday oo markaa u dhexeeyay maamulaha Jaamacada iyo Ahmed Abiib. Sobabihii ugu horeeyay ee dhaliyay khilaafaadka, waxa ka mid ahayd markii Ahmed Xaashi oo ka mid ahaa howlwadeenada Jaamacada Camuud ay is qabtaan gudoomiyaha jaamacada Camuud prof. Saleebaan oo ah hormoodka jaamacada. Arinta oo ugu dambayntii keentay inuu meesha ka baxo Ahmed Xaashi oo isaga tagay xilkaasi, ayaa beeshu waxay u aragtay inay Ahmed Xaashi meesha looga saaray arin qabiil ah, basle ayna runtu sidaa ahayn. khilaafku wuxuu ka dhashay qaybta Labka(shaybaadhka)caafimaadka oo la keenay cusbitaalka sida gaar ah loo leeyahay ee Alaale oo ay dhakhaatiirtu rabeen inay ardayda ku qaataan wixii operation ah ama qaliin ah casharada iyo wixii praticalka lagu siiyo cusbitaalkan dhexdiisa sidaasi daraadeedna haboontahay in labka loo soo raro cusbitaalkaasi.
Arintaaasi oo uu diidmo ka muujiyay Ahmed Xaashi, iskana hortaagay in laabka laga raro xarunta jaamacada, halkaasi oo uu ka dhashay khilaafka isaga iga iyo Saleebaan. Ddka qaar ayaa u arkay in Ahmed sobobta uu u furay jaamacada Eelo ay ahayd inuu maamulka jaamacada camuud tusi karo inuu karti u leeyahay inuu furo jaamicad, basle taasi ma noqon karto wax xumaan ah. Furitaanka jaamacada waan ku amaanaynaa dadkii ka dambeeyay furitaanka jaamacada Eelo waaa guul u soo hoyaytay guud ahaan Somaliland, gaar ahaan dadka reer Awdal, waana sharaf iyo geesinimo ay waligood reer Awdal dadka kale kaga duwanaayeen mar ka laga hadlyo xaga aqoonta.
Hadaba, marka laga hadlayo arinta siyaasadeed ee murugsan iyo kaalinta beesha Maxamed Case ka jirto, waxay dadka qaar ku tilmaamaan inay tahay ficil xumo iyo xin moooyaane aanay wax sidaasi u buuran ahayn, cabsina laga qabin inay ku guulaysan karaan, waayo ma goolaysan karaan inta ay aaminsanyihiin midnimo Soomaliyeed. Waxan oo dhan waxay dadka qaar u arkaan in lagu soo koobi karo maahmaahda caanka ah ee "Maxamed Case xin laga waayay, waa madax dhiig laga waayay".
Beeshu waxay bilowday gude iyo dibadba arimaha hoos ku qoaran:
1. Inay gacanta ku dhigaan qaadhaanada laga ururiyo qurba jooga reer Awdal
2. In la helo siyaasiyiin Beesha ah oo ka qayb qaaata siyaasada Somaliland
3. In la helo gobol ay beeshu iskeed leedahay oo ay degto.
4. Inay beeshu siyaasadii hore ee Somaliwayn bedesho, kuna bedasho tan Somaliland.
5. in lagu durko degaanada beelaha dariska la ah.
Haddii aan soo qaato qodobkan afraad, beeshu waxay isku raacday inay taageerto siyaasada Somaliland, waxaanay taageero buuxda siisay xisbiga kulmiye iyadoo musharax madaxwayneku xigeena u sharaxatay nin la yidhaahdo Abdirahman Saylici. Saylici oo ka mid ahaa golaha deegaanka Boorame, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku biiray xisbiga kulmiye iskuna soo sharaxay madaxwaynu ku xigeen.
Habada, markaad tixraacdo CVga Saylici, waxaaad arkaysaa in uuna saylici noqon karin nin matali kara masiirka dadka reer Awdal marka la eego aqoontiisa. Dad badan ayaa kula taliyay inuu Saylici ku soo laabto golihiisii deegaanka. Dhawaan ayay ahayd markii saylici gacanta looga galiyay lacag dhan 85,000 dollar. lacagtaas oo loogu talo galay dadkii masiibada duufaanadu ku habsadeen. Saylicina wuxuu lacagtii si toosa ugu gudbiyay gudoomiyaha xisbiga kulmiye, isagoo la sheegay inuu ku iibsaday gudoomiyaha afraad ee gudida fulinta. Taasi oo ay aad ula yaabeen dadkii uu malatayay Saylici ee lacagaha laga soo ururiyay, una qaadan waayay waxa uu ku kacay saylici. Maahan markii ugu horaysay ee taageerayaasha Saylici ku kacaan khiyaamadan oo kale.
Somaliland ha Guulaysato .
Saleebaan Ahmed Daa’uud
Dallas, U.S.A
Email: raamaale88@yahoo.com
Disclaimer: The views and opinions expressed in this article do not necessarily state or reflect those of Harowo.com editor or it’s Staff.






