July 13, 2008

Odhaahda Akristaha: Dareenka Jaaliyadda Samaroon ee Toronto Iyo Shirka Sirta ah.

Anagoo ah Jaaliyadda Samaroon ee Toronto, waxaan marlabaad la socodsiinaynaa Samaroon weyne, in shirkan laga soo eryey magaalooyin badan oo ka tirsan Woqooyiga America ay ujeedadiisu tahay sida ay sheegeen dad xog ogaali ihi sidan:

Waxaa dhamaanaya waqtigii loo doortay guddigii hore, marka imminka waxaa isku diyaarinaya afar shaqsi oo aan ku soo sheegi doono magaacdooda maqaalka labaad, iyadoo cid dooratay aanay jirin.

In lagu furto dadka meesha ugu yimaadda oo ay ku baadhaan, ka bacdina lacagta ay mariyaan halkii ay awalba marin jireen oo ah jeebkooda, waayo dakhli ayey ka dhigtaan lacagta, sidii tii hore iyo kuwo hore oo Toronto laga ururiyey.

Haddaba, walaalahayaga ay ku sirayaan meesha ee kala ah Rashid Guled, Xaamud Maasheeye iyo Prof. Axmed Ismaciil, waxaan walaalayaal idiin sheegayanaa in Samaroon weyne idiin han waynyahay dhamaantiiba, kana mid tihiin ragga Samaroon ku faanno, Markaa walaalayaal ka qayb gala shir uuna samaroon u dhamayn iskana ilaaliyaan.

Shirkan ay qoysku iskugu imanayaan, wax aydaan ka warqabin ayey idin sudhayaan, isla markaana cid u soo socotaa ma jirto.

Sida aad ka warqabtaanna magaalo kastaa way soo eriday. Markaa walaalayaal ka waantooba labda shaqsi ee ku bahaloobay khaayinimada dheeraadka ah, maqaalka kan xigana waxaan ku soo sheegi doona inta meelood ee ay khaayinimo iyo tuugo kula kaceen.

Axmad Cumar

Toronto, canada

Email: aaalirizak5@gmail.com

Login