July 10, 2008
Dooddii Radio Dalmar uu Wadaajiyey Prof. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mahamed Abdillaahi, sidee loo arkay?
Akhristow haddii aad maalmahan booqatay shabakadaha InterNetka ee Somalida, ma kala kulantay dood dhexmartay Prof. Ahmed Ismail Samatar iyo wiilka da’da yar ee la yidhaa Dr. Mahamed Abdillaahi. Haddii iyo haddiiba, bal aan aragtidayda gacan-togleeyo sida ay iila muuqatay.
Marka ugu horreysa waxa aan salaan iyo bogaadin u dirayaa Dr. Ahmed I Samatar iyo Dr. Mahamed Abdillaahi. Labadaa aqoon yahan oo aan asxaab gaar ah nahay, da’ ahaanna aan u dhexeeyo labada. Si gaarna waxa aan isu naqaannaa Dr. Mahamed Abdillaahi, oo aan muddo dheer wada deggeneyn dalka Holland. Dr. Ahmed I Samatar-na waxa aan in badan ku xidhiidhnay khadka electroniga ah.
Wakhtiyada qaarna waxa uu ii soo boos-gareeyey buug uu gugii( Spring) snakier 1997 ka soo baxay Jaamacadda uu wax ka dhigo, buuggaasi oo la yidhaa THE DIVIDED SELF: IDENTITIY AND GLOBLIZATION, ee ka soo baxa sannadkiiba mar jaamacadda MACALESTER COLLEGE ee ku taalla Minniesota dalka Maraykanka, jaamacaddaasi oo uu waxna ka dhigo mas’uul sarena uu ka yahay. Waxa kale oo uu I soo war geliyey jornalkiisa la yidhaa BILDHAAN. Xidhiidhadayada ta iigu xiiso badnaydna waxa ay ahayd mar uu socdaal ku joogay waddamada Israel iyo falastiin oo aan farriimo isku dirray. Halkaasi oo uu ka bixinayey duruus ku saabsan Somaliya, oo uu siinayey ardayda jaamacadaha dalalkaasi.
Haddii aan u daadego dulucda maqaalkaygan, waxa aan bilowga horeba taageersanahay fikirka xorta ah iyo in aan baranno xorriyad u hadalka, wakhtiganna waxa gebo gebo ah is cabudhintii iyo aniga I maqal amma diktaatooriyaddi, oo ay talada Somaliyeed ku salaysnayd illaa iyo muddo dheer. Qofkuna waxa uu damiciisa iyo baahidiisa sheegan karaa, marka uu xor u yahay in uu hadlo, ee aan la cabudhin, isla markaana aan loo doorin waxa uu doonayo. Aqoon yahankuna waa ka la rabo in uu arrintaa xalaaleeyo isla markaana bilaabo. Waxanan ognahay in aqoon yahannadu weli mooshinka noocaasi ah ay gaabis ka yihiin, amma ay ku dhex milmeen gaas-dhagoolaha iyo majlis fadhiga.
Haddaba, inkastoo aanay Dr. Ahmed iyo Dr. Mahamed isku culays ahayn, doodda dhex martayna ay iska ahayd mid guud mar ah, haddana waxa aan odhan karnaa waa bilow fiican. Prof. Ahmedna waxa aan ku ammaanayaa sida diirran ee uu aqoon-yahanka da’da yar uu ugu soo dhaweeyey masraxa aqoon yahanka. Sidan uu Dr. Ahmed yeelayna waxa ay abuuri kartaa amma soo jiidan kartaa aqoon yahanno kale oo culays badan leh. Dooddan ay is dhaafsadeenna waxa ay u muuqatay mid dhexdexaad ah, oo aan lahayn farqi badan.
Si kastaba arrini ha ahaatee, haddii aan isku dayo in aan wax ka fiiriyo, waxa aan soo qaadan karraa, sida iyo halka ay ku kala leexsanaayeen, labada aqoon yahan. Ayaan is odhan karaa, Dr. Mahamed ayaa u yara muuqday nin is xijinaya Somaliland, waxana uu muujinayey dareenkiisa iyo sida ay u taabanayso dhibtii ay dadka reer woqooyigu kala kulmeeen rajiimkii kalidii taliyihii Siyaad Barre, halka uu Dr. Ahmed I Samatarna uu u dhaqmayey waddani danaynaya dareenka guud ee ummad weynta Somaliyeed. Waxanan tusaale u soo qaadan karraa, mar ay ka hadlayeen, dhibtii ku dhacday Somaliya gaar ahaan Hargeysa iyo gobolladii ku xeerraa. Oo uu Dr. Mahamed u arkayey mid u gaar ahayd dad gaar ah, oo taariikhdana ka gashay baal madow, halka uu Prof. Ahmed I Samatarna uu dhibtaa u arkayey mid shacabka Somaliyeed si siman ugu dhacday, illaa immigana gobollada qaar haysata.
Midowgii labada gobol ee Ingiriiska iyo Talyaaniga ka xoroobayna inta badan isku aragti ayey ka ahaayeen, in dulmi dhacay oo reer woqooyiga la khayaameeyeyna aad ayey ugu tuun tuunsadeen, laakiin midkoodna ma xusin, caddaalad darrida saami qaybsiga Koonfurta dhexdeeda amma woqooyinga dhexdiisa. Taasi oo la odhan karo waxa ay ka mid tahay sababaha keenay dhibta maanta ka jira Koonfur, lagana yaabo in ay Somalilandna ka dhici doonto, haddii aan dib loogu noqon saami qaybsiga maamulka Somaliland ee beelaha. Qabiilooyinka dulmanna waxa ka mid ah Gadabuursiga, beelaha Isaaq qaarkood, Hawiyaha qaar ka mid ah iyo beelo ka tirsan Daaroodka iyo waliba qabiilooyinka kale ee la nasab takooro.
Labada aqoon yahan midkoodna nuxur taabta dareenka dadka kama ay dhawaajin, waxana ay sida electron-ku u dul wareego atomka ay u dul wareegayeen wakhtigii aan dawladda ahayn, iyo sheekooyin hore oo dhammaystirkoodu ka kala dhinnaa. Is dhawris badan iyo isu tanaasul fara badanna waa ay ka muuqatay dooddooda.
Ahmedweli Goth.
Email: shueebi@hotmail.com






