July 8, 2008
Shirkii lagu Gorfeynayay Deeqaha Somaliland Dunidu Ku Caawinayso oo Maanta Hargeysa Lagu soo Gabagabeeyay.
Hargeysa, (Harowo) - Shir laba maalmood qaatay oo Deeq bixiyayaasha, Hay’addaha Qaramadda Midoobay, Wasaaraddaha Dawladda iyo ururadda bulshadda rayidka ah uga qabsoomay Magaaladda Hargeysa ayaa i Maanta lagu soo gunaanaday Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
"Sanadkan waxay ugu talo galeen lacag dhan $ 67,800,000 Dollar waxay u qaybasan tahay dhamaan qaybaha horumarinta oo dhan shan qaybood, Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda hoos yimaada, lacagta $ 67,800,000 Dollar ee loogu talo galay waxay ballan qaadeen in la siinayo $ 46,600.000 Dollar oo aad kaga shaqaysaan Somaliland horumarinteeda sanadkan, markaad kala goyso lacagtii ay ugu talo galeen inay ku baxdo iyo lacagta ay heleen waxa ka dhiman $21,200,000 Dollar oo wali ay ku rajo weynyihiin inay raadiyaan sidii ay u buuxin lahaayeen." Wasiir ku xigeenka Qorshaynta.
Shirkan oo ay ka qayb galeen badi Wasaaradaha Dawladda, Ururada Bulshada, Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo Hay’addaha Qaramadda Midoobay, ayaa waxa lagu lafa guray sida uu Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Somaliland sheegay sidii diiradda saaray arrimaha sixir-bararka, abaaraha iyo Masiibooyinka.
Hadaba, gabagabadii Shirkaas ayaa waxa shir Jaara’id si wada jir ah u qabtay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda qorshayta Somaliland Md. Axmed Xaashi iyo Mr Christian oo hogaaminayey waftigii deeq-bixiyeyaasha ka socday oo ku sugnaa Hargeysa, waxaanay ka warameen waxyaabihii lagaga hadlay shirkaas iyo arimihii layskula qaatay, qorshaha ka soo baxay, Labadda masuul waxa ay ujeedadda shirweynaha mudadda laba cisho ah socday ku tilmaameen inay ahayd shantii bilood ee ugu dambeeyey in la eego ballan qaadyadii ay qaadeen hay’adaha Qaramada Midoobay sidii ay u fuleen.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda qorshayta Somaliland Axmed Xaashi oo arimahaa faah faahin ka bixinaayana waxa uu yidhi "Waxa farxad noo ah inaanu wada qabano dhir jaraa’id Somaliland iyo Qaramada midoobay, waxa jiray barnaamij horumarineed oo shan sano ah markaa labadii sano ee ugu horeeyey ayaanu kala saxeexanay sanadkii hore dabayaaqadiisii, markaa shirkan oo laba cisho socday ujeedadiisu waxay ahayd in dib loo eego shantii bilood ee ugu dambaysay wixii ay ballan qaadeen ee horumarineed ma fuleen, hadayse fuleen siday u fuleen, maalintii labaadna waxay ahayd ka hor tagga abaaraha, sicir-baraka, duufaanada iyo daadadka sidii looga hor tagi lahaa, waxaan idiin sheegayaa in si habsami ah ay u dhacday oo is af garasho leh."
Wasiir-ku-xigeenku mar uu ka hadlayey ku tala galka sanadkan iyo qiyaasta aduunka loo qorsheeyay mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulinayaan ayaa waxa uu yidhi "Sanadkan waxay ugu talo galeen lacag dhan $67,800,000 Dollar waxay u qaybasan tahay dhamaan qaybaha horumarinta oo dhan oo shan qaybood ah oo kana shaqaynaya Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda hoos yimaada, lacagta $67,800,000 Dollar ee loogu talo galay waxay ururiyeen ama ay ballan qaadeen in la siinayo $46,600.000 Dollar oo aad kaga shaqaysaan Somaliland horumarinteeda sanadkan, markaad kala goyso lacagtii ay ugu talo galeen inay ku baxdo iyo lacagta ay heleen waxa ka dhiman $21,200,000 Dollar oo wali ay ku rajo weynyihiin inay raadiyaan sidii ay u buuxin lahaayeen."
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Md. Axmed Xaashi oo ka waramaya waxyaabaha ugu muhiim ee shirkan ka soo baxay ama layskula qaatay ayaa waxa uu tilmaamay in laba arrimood oo waaweyn ay ka soo baxeen, kuwaas oo mar uu ka hadlayay Mr. Xaashi uu yidhi "Waxaan idiin sheegayaa in laba arrimood oo waaweyn ay ka soo baxeen shirkayagan, ta hore oo ah dhibaatada maciishadda oo kor u kacday ee dhibaatada inagu keentay sidii ay wax inoogala qaban lahaayeen hay’adaha Qaramada Midoobay taas oo aan awooda saarnay oo aan awoodayadii oo dhan isugu gaynay sidii wax looga qaban lahaa sababtoo ah waa muhiimadda koobaad ee dawaladda Somaliland hor taagan.
Waanu isla garanay UN-ka waxaananu ku heshiinay inaanu samayno guddi wada jir ah oo 15-cisho gudohood ku soo diyaariya wixii la qabanayey ee baahiyahaa lagaga baxayey, 2-cisho gudohood ayaa la magacaabayaa 15 cishona waxay ku soo diyaarinayaan wixii lagag baxayey cunto yaraanta ina haysata, ta labaadna waxa weeyi in barnaamijkan horumarineed xagga muhiimadda la saaro waxyaabaha wax soo saarka ah ee xagga beeraha in mustaqbalka fog laga fikiro dhibaatadan cunto yaraanta ah ee jirta iyo in shaqo abuuris la helo taas oo inaga caawin doonta."
Ugu dambayntii Wasiir ku xigeenku waxa uu ku tilmaamay shirka labada cisho mid muhiimaddiisa leh oo horumarineed. Waxa isna shirkaa jaraa’id ka hadlay Mr. Christian oo hogaaminayey waftiga Deeq-bixyeyaasha, waxaanu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee Progaramme noocan oo kale ah oo Qaramada Midoobay u dhan tahay qaybeheeda kala duwan laga hir-galin doono Somaliland, waxaanu Mr. Christian hoosta ka xariiqay inay dhab tahay in Somaliland ay tahay qaran haysta nabadagalyo shuruudihii dawladnimo buuxiyey laakiin isagu aanu ka hadleyn arrinta Ictiraafka kuna kooban yahay horumarinta Somaliland.
Christian oo la hadlaya dadka warka fidiya ayaa waxa uu yidhi "Aad baan ugu faraxsanahay shirkan labada cisho socday ee u dhexeeyey dawladda Somaliland iyo UN-ka, waxaan aaminsanahay in shirkani uu yahay mid lagu taageerayo dawladda Somaliland, taa ta koobaad e waa markii ugu horaysay ee qaybaha UN-ku ka kooban yahay iyagoo isku duuban kuwaas oo hal Barnaamaj ka simam muhiimadda saaraya Somaliland, waxaan doonaynaa in baahiyaha dadka reer Somaliland qabaan aan kabno muhiimadda koobaadna ay tahay xagga maciishadda, shaqo abuurista, waxbarashada iyo caafimaadka qof kastaa wuxuu u baahan yahay baahiyahaa nooc kasta oo ay ahaadaan, waxa jirta iyana tallaabo kale oo aan ka wada hadalnay oo ah sidii wax soo saarka loo kobcin lahaa oo shaqo abuuris loo samayn lahaa, iyana waxa jirta in aan ka wada hadalnay sidii abaaraha, daadadka iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah looga hortagi lahaa." Intaa ka bacdi suxufiyiinta ayaa su’aalo waydiisay waxaanay u dhaceen sidan:
S. Mr. Christian dad badan oo reer Somaliland ahi ilaa 1991kii waxay ku hamiyayaan in la siiyo Ictiraaf ma haysaa wax rajo ah?
J. Waa run waxay u soo halgamayeen xagga ictiraafka laakiin mawduucan inaan ka hadlo ma jecli, waxaan ka hadlayaa xagga horumarinta Somaliland.
S. Somaliland waxay buuxisay shuruudihii looga baahnaa xagga madaxweynaha baarlamaan, doorashooyin xalaal ah ayaa ka dhacay nabadgalyo way haysataa, dada bada oo reer Somaliland ah waxay idinku dhaleeceeyaan inaad ka gaabiseen ood ka dhacdeen Somaliland caawinteedii maxaad ka leedahay?
J. Waa runtaa waan ogahay in Somaliland hasato dhaman waxaa aad soo sheegtay anagu waanu caawinaa dawladda Somaliland xag walba maaha inaad tidhaahdid ma caawisaan Somaliland, waxaan kuu sheegayaa inaanu wax badan qabanay oo horumarineed waxan mar labaad ku leeyahay taasi ma jirto mana qabo.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com


