July 8, 2008

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muxuu ka Yidhi Dhacdadii Shalay Iyo Mudaharaadkii Hargeysa.

Hargeysa, (Harowo) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaayo] oo Maanta xafiiskiisa shir-jaa’id ku qabtay ayaa kaga hadlaya Mudaharaadyadii labadii maalmood ee u danbeeyay ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa.

Kuwaas oo iska hor imaadyo dhex maray dadka mudaharaadayay iyo Ciidamadda amaanka ay keeneen Khasaare dhimasho iyo dhaawac kala duwan isugu jira oo intiisa badan soo gaadhay dad rayid u baddan.

"Xalay waan maqlayey wararkii kala duwanaa iyo sharaxaadii ay ka bixinayeen Wasiirkii ku shuqul lahaa iyo xubno dawladda ka mid ahiba, markaa sharaxaa waxa loo baahnaa in dadka aad iyo aad loo fahansiiyo." Axmed Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo waxa uu Tacsi u diray shacbigii iyo eheladii dadku kaga geeriyoodeen, sidoo kale ayuu kuwii dhaawacmayna Illaahay uga baryey inuu si deg deg ah u shaafiyo, waxaanu xukuumadda ku dhaliilay sida ay u maamushay arintaas.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE isaga oo ka hadlaya waxyaabaha Mudaharaadka iyo gadoodka dadka dhaliyay waxa uu yidhi  "Arintaa waxanu u arkaynaa marka ugu horaysa anagoon xisbinimo mucaaradnimo uga faa’iidaysanayn ceel meel haddii laga qodayo biyo loogu sameeyo dadka waa la guur guuri karaa meel kale waa la geyn karaa meel haddii biyo uu ka waayo ama hawshii loo xil saaray uu dhameeyo meel kale dan loo arko waa loo qaadi karaa laakiin kolay iyo kolayba waxa muhiim ahayd wax dadka degaanka lala socodsiiyo oo la fahansiiyo oo loo sharxo sida arrintu ay tahay iyadoo ummaddii haraadanayd ee biyaha sugaysay ee ku talo gashay ee rajadeeda dul dhigtay in mar qudha la yidhaa waa la qaadayaa oo meel kale ayaa la gaynayaa meesha maysan qaban iyadoon waxna loo sharxin wax la fahansiiyeyna aanu jirin, markaa arrintaa ilaa xalay waan maqlayey wararkii kala duwanaa iyo sharaxaadii ay ka bixinayeen Wasiirkii ku shuqul lahaa iyo xubno dawladda ka mid ahiba markaa sharaxaa waxa loo baahnaa in dadka aad iyo aad loo fahansiiyo." Ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] mar uu ka hadlayay dhimashadda iyo dhaawaca dadka soo gaadhay ayuu si ba’an ugu eedeeyay Xukuumadda inay si deg deg ah xabad ugu jawaabtay "Marka labaad waxaan aad iyo aad uga xunahay oo anaga oo ka xun aanu dhaliili u soo jeedinaynaa runtii in sid degdeg ah Xabadda loogu adeegsaday shacbiga, marka dadku gadoodo ama khilaaf yimaado talo badan baynu leenahay, odyaal baynu leenahay, wax-garad baynu leenahay, culimaa’u diin baynu leenahay dadka degaanka u dhashay ee wax-garadka ah ama shacbiba waa loo diri karaa dhalinyaro wax baa la fahansiin karaa oo siyaabo badan baa loo qaboojin karaa, waxa jira iyaguna qalab kale oo badan oo dunidu u isticmaasho oo loo adeegsado in wixi dhaqdhaqaaq ah ama dhibaato loo arko keenaya aan iyada markiiba xabadda la soo horaysiin in loo adeegsado, taasna waxad moodaa inaan qoladeenani aqoon, markaa taana aad iyo aad baanu uga xunahay."

Gudoomiyah Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo waxa dhamaan dadweynaha reer Hargeysa iyo xaafaddaha ay rabshaduhu ka dheceen ugu baaqay inay nabad galyadda ilaashadaan "Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa oo aan ugu baaqayaa dadweynaha reer Hargeysa meel ay joogaanba iyo xaafadda imika fawdadu ka taagan tahay in nabadgelyada la ilaasho taasi oo aad iyo aad muhiim inoogu ah oo shacbiga oo dhan degaanka khaasatan odayaashiisa, wax-garadkiisa iyo inteena kaleba ka qayb galno sidii ummaddaa loo qaboojin lahaa ee loo dajin lahaa, isla markaa qalabkan baahida loo qabo ilaa inta farsamadiisa meel laga gaadhayo oo dadku ku qancayo si aanay wax dhibaato ahi uga iman in meeshiisa loo daayo ilaa dadka wixii baahidu ahayd ay u qabanayaan ama si kale oo macquul ah loo fahansiin karo inuu u soo noqonayo ama uu wax u tarayo, markaa arrinkaa aad baanu u cambaaraynaynaa in shacbi weynaha loo adeegsado tiknikada culus, markay arrimaha caynkaas oo kale ahi aad iyo aad ayaanu ugu cambaaraynaynaa xilkaana dawaladda ayaan dusha ka saaraynaa."

Markii uu Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE dhameeyaay hadalkiisaa ayay saxaafadu su’aalo ka waydiisay arimahaas kuwaas oo u dhacay sidan:

S. Guddoomiye arrintani Maanta bilaabantay riigaasay dhibaatadu ka taagan tahay ilaa maanta si aan dhibaato intaa ka badan aanay u dhicin maxaad talo soo jeedinaysaa?

J. Waxaanu talo soo jeedinaynaa taa aanu sheegayno ee aanu leenahay waa inaan dawaladda iyo ciidamadu meesha wax dhibaato ah ka gaysay oo aanay dadweynaha hubka waaweyn u adeegsan, waa in odyaashi iyo wax-garadkii loo adeegsadaa qalabkana halkiisii loo daayaa

S. Guddoomiye ilaa Maanta intay hawshan mashaqada ahi ay socotay wax xidhiidh ah ma la yeelateen xukuumadda iyo odoyaasha deegaanka mushkiladani dhex taallo wax xidhiidh ah ma la samayseen?

J. Odayaashu way fara badan yihiin dad badan oo deegaanka ahi imikaba waad arkaysoo dad badan oo deegaanka ah oo masuuliyiin ah oo xil-kas ah ayaa imikada xafiiska nala joogay oo waad arkaysay oo aanu arrimahaa kala hadlaynay qaar aanu la xidhiidhnay oo aanu Telefoono u dirnayna way jiran, runtii laakiin anagu dawladda kalamaanu xidhiidhin waayo dee xumaan nagamay ahayn e intaas ayaa warwar nagu haysay, intaana baaq uun baanu  diraynoo hawshaa ha la joojiyo baanu lahayn.

S. Guddoomiye mar aanu xalay kula soo xidhiidhnay waxaad noo sheegtay inaad arritaas baadhaysaan oo aydin si weyn u baadhaysaan, markaa baadhitaankiinii masuliyadda yaad ku saarteen?

J. Cidda aanu dhaleecaynaynaa ee aanu masuuliyadda xilkeeda saaraynaa waa qaabka ay dawaladdu wax u maamushay, waxaanu dhaleecaynaynaa qaabka hubka culus ay ugu adeegsatay ee loo isticmaalay ee loogu adeegsaday dad weynihii masaakiinta ahaa ayaanu halkaa xilkeega dusha ugu saaraynaa masuuliyaddiisa dawladda.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter Harowo.com
Hargeysa Somaliland

Email: daralla06@yahoo.com

Login