July 3, 2008
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Axmed Siilaanyo oo Dalka ku Soo Laabtay.

Hargeysa, (Harowo) - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mudo bil ah socdaal ku marayay dalka Ingiriiska ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isla markaana si diiran loogu soo dhaweeyay.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Siilaanyo markii uu soo gaadhay Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Hargeysa waxaa halkaa si balaadhan ugu soo dhaweeyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye, Xubno ka tirsan Golaha dhexe ee Xisbiga iyo dadweyne aad u tira badan oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga oo ku sugayay halkaa.
Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markii uu dalka soo gaadhay ayay saxaafadu su’aalo ka waydiisay ujeedada socdaalkiisa, Xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti. Md. Siilaanyo oo ka hadlayay colaada u dhaxaysa dallalka Djibouti iyo Eritaria ayaa sheegay in Somaliland ay Jabuuti jaar yihiin isla markaana lagu soo duulay sida uu maqlay dalka Djibouti sidaa daraadeedna uu canbaaraynayo cidii mandiqada gardaro iyo colaad ka wada, isaga oo intaa ku daray in Somaliland nabad iyo jaar wanaag kula dhaqmayso dallalka jaarka ah gaar ahaana Djibouti mar uu su’aashaa ka jawaabayayna waxa uu yidhi "Jabuuti baynu jaar nahay ee Eratariya jaar ma nihin oo xad inagama dhexeeyo, hadana iyada lafteeda colaad iyo dhibaato la dooni mayno, mida labaad Jabuuti waa lagu soo duulay, oo sida la sheegayo cida lagu soo duulay xaqeeday u leedahay inay is difaacdo, waa ta sadexaade wax mandiqada dagaal iyo colaad soo galiya wax maslaxad ah oo inoogu jirtaa ma jirto." Ayuu yidhi Gudoomiye Siilaanyo.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo la waydiiyay sida uu u arko xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Djibouti ayaa xusay in Somaliland danaynayso xidhiidh wanaagsan iyo nabad inay kula noolaato dalalka dariskeeda ah, gaar ahaana dalka Jabuuti, sidoo kalana ka soo hor jeedo wixii gobolka dhibaato iyo colaad galinaya.
Md. Axmed Siilaanyo oo wax laga waydiiyay socdaalkiisi dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu ahaa mid isaga u gaar ah hasa yeeshee intii uu halkaa ku sugnaa uu la kulmay dadka reer Somaliland ee ku dhaqan cariga Ingiriiska ugana waramay xaaladda dalku marayo iyo guud ahaan waayaha dadku ku nool yihiin, isaga oo tilmaamay inay dadka reer Somaliland ee halkaa dagani aad u danaynayeen xogogaal u noqoshada dalka. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in dadkii reer Somaliland ee uu la kulmay ay aad uga warwarsanaayeen dib u dhaca ku yimiday geedi socodkii dumuqraadiyada iyo duruufaha nololeed gaar ahaan sicir bararka iyo duruufaha dhaqaale.
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu socdaalkiisan oo uu mudo bil ah ku joogay dalka Ingiriiska kulamo kala duwan kula yeeshay jaaliyadaha reer Somaliland eek u dhaqan dalkaas kuwaas oo sida uu isaguba xusay ay iska xaal waraysteen waayaha dalka gaar ahaan dhinacyadda siyaasadda iyo arimaha bulshadda.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com






