July 2, 2008
Wasiirka Cadaaladda oo Aqoon-iswaydaarsi u Xidhay Xubno Haweenka Qareenadda Iyo Culimaa’udiin ah.
Hargeysa, (Harowo) - Wasiirka Wasaaradda Caddalada Somaliland Md. Axmed Xassan Cali [Casoowe] ayaa maanta 35-Xubnood oo isugu jira Ururka Qareenadda ee Haweenka, Culimaa’udiin iyo xubno kale Hotel Maansoor ugu xidhay Aqoon iswaydaarsi ku saabsan horumarinta aqoonta caddaalad.
Aqoon isweydaarsigan oo mudo sadex cisho ah xubnahaas uga socday magaaladda Hargeysa, ayaa waxa soo qaban qabiyay Ururka Qareenadda ee Haweenka Somaliland waxaana maal galisay Hay’adda UNDP, kaas oo looga gol lahaa sidii loo horumarin lahaa qaybaha garsoorka iyo ka hor taga, meel ka dhacyadda loo geysto Haweenka.
Wasiirka Wasaaradda Caddalada Somaliland Md. Axmed Cali Casoowe oo xidhitaankii aqoon iswaydaarsigaa ka hadlay ayaa sheegay sida loogu baahan yahay horumarinta garsoorka iyo Hay’addaha cadaaladda, gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa caadooyinka xun xun ee Haweenka ku lidka ah kuwaas oo ah buu yidhi kuwa aan diin-na ku salaysnayn ilbaxnimadda casriga ahna aan la jaanqaadi karin "Dad Islaam ah baynu nahay markaa hadii ay jiraan caadad aan diina ku salaysnayn ilbaxnimadda casriga ahna aan ku salaysnayn oo lid ku ah haweenka waxa weeyi in aynu si wada jir ah uga hor tagno." Ayuu yidhi Wasiirku.
Mudane Axmed Xassan Cali Casoowe waxa uu tilmaamay in Haweenka iyo Ragu siman yihiin xuquuq ahaan balse ay waajibaad kala leeyihiin, waxaanu taa daliil uga dhigtay in hadii ay kala dadnimo hooseeyaan waajibaadka diiniga ah sida salaada oo kale loo kala yarayn lahaa, "Somalidu maahmaaha xun xun ee ay caadada u leedahay waxa ka mid ah Kas Haween oo kadaloob rag kaaga danbeeyay kad ogaydba maaha, waa wax yaabaha caadadka xun ah ee dhaqankeena ku jira, laakiin anigu waxaan ka soo qaata hadii kaska dumarku ka gaaban yahay ka ragga salaada qayb laga qafiifin lahaa, oo halka ragu afar ragcadood duhurka ka tukado, waxa la odhan lahaa gabadha kaskeedu wuu gaaban yahaye laba ha tukato." Ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlaya sida aanay raga iyo dumarku u kala caqli yarayn.
Waxa kale oo uu Wasiirku ku dheeraaday sida lab iyo dhidigba loogu baahan yahay in horumarka iyo hawshaba looga wada qayb qaato. Wasiirka Cadaaladu waxa uu ka waramay Hablaha Qareenadda ah ama ka hawl gala cadaaladda iyo sida ay u soo kordhayaan isaga oo xusay in markii wasiirka noqday ay jireen sadex hablood Somaliland oo dhan wax arimaha sharciga yaqaan, balse imika ay aad u soo kordhayaan, isla markaana ay jiraan Hablo aqoon u leh shuruucda Diinta Islaamka.
Wasiirka Caddaaladu waxa uu ka qayb galayaashii aqoon isweydaarsigan kula dardaarmay inay ku dadaalan sidii ay u sii amba qaadi lahaayeen wixii ay halkan ka koradhsadeen. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka ee Xuquuqda aadamaha Md. Axmed Yuusuf oo isagu sheegay in dhibaatadda ugu wayn iyo tacadiga ugu badan ee haweenka loo geystaa yahay Kufsiga "Waxaan idiin sheegayaa aniga oo ku hadlaya magaca komiishanka qaranka ee xuquuqda aadamaha inay jiraan meel ka dhacyo loo geysto dumarka, laakiin imika loo soo jeedo oo aanay ahayn siyaabihii ay barigii hore u dhici jireen, waxa dhacda in meel ka dhac loo geeysto qof dumar ah ama kufsi loo geysto, dabadeedna ay dadkii waxa geystay ay isku dayaan inay maxkamadda kala soo baxaan oo dibadda ku dhamaystaan.
Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka ee Xuquuqda Aadamhu waxa uu carabka ku dhajiyay sida uu kufsigu dhibta u yahay gaar ahaana xiligan uu ka sii khatar badan yahay xiliyadii hore maadama oo ay jiraan cuduro halis ahii, mar arintaa uu ka hadlayayna waxa uu yidhi "Kufsigu waa ka duwan yahay sidii baryihii hore oo kale, waayo noloshii qofka dumarka ah ayuu galinayaa khatar, waad ogtihiin waxa jira cuduro halis ah, markaa hadii kufsi yimaado waxaa haboon inuu qofkii dhan dhamiyaa ciqaabtii oo aanu bari ka maalin bulshadii ku soo dhex noqon isaga oo isu arkaya inaanu waxba samayn, markaa runtii hada waa wakhti loo soo wada jeedo oo dawladii u soo jeedo ururadii difaaci lahaa ee xuquuqda aadamuhu ay aad ugu soo jeedaan, haday yihiin kuwa wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah." Ayuu yidhi gudoomiyuhu.
.jpg)
Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka ee xuquuqda aadamuhu waxa uu xusay in uu kufsigu ku soo kordhayo Somaliland dhibaatana ay ka jirto sidii loo ciqaab marin lahaa dadka ku kaca taas oo sida uu tilmaamay ah mid dhaqan ah oo labadda waalidba rabaan inay dibadda ku dhamaystaan taasina ay keenayso in wixii fududaado, balse ciqaab adagi ka taalo oo qorshuhu yahay in si adag wax looga qabto, taasina ay tahay ayuu yidhi go’aan Xukuumadda Somaliland u yaala.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qareenadda Marwo Ifraax oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa si wayn ugu mahadnaqday ka qayb galayaashii aqoon isweydaarsigan iyo dhamaan cidii ka caawisay, waxaanay xustay inay ka faa’iidaysan doonaan waxyaabihii ay aqoon isweydaarsigan ku qaateen.
Mr. Simon oo u hadlayay Hay’adda UNDP oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in hay’adoodu diyaar u tahay sidii ay wax ula qaban lahayd garsoorka dalka gaar ahaana dhinacyadda Haweenka iyo culimadda diinta, waxa kale oo uu xusay taageeradda ay Hay’addoodu siiso garsoorka iyo dadka ka shaqeeya, isaga oo balan qaaday inay halkaa ka sii wadayaan.
Faysal Maxamed Xassan
Reporter, Harowo.com
Hargeysa, Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com








