July 2, 2008

Wakhtigii loo Qabtay Budh-cada Afduubtay Dalxiisayaasha Jarmalka Oo Dhamaaday, Ciidanka Qaranka isku Gedaamay Iyo Cabsida La Qabo Sida Xaaladu Noqon karto.

 Laasqorey (Harowo) - Warar Xog-ogaal ah oo aanu ka helnay deegaanka Laas-qorey ee Gobolka Badhan ayaa xaqiijinaya in ciidanka Qaranka Somaliland ee ku gedaanaa goobta ay ku dhuumanayaan budhcadda afduubka u haysata qoys Jarmal ah.

Qyskan  oo  dalxiis  ahaan ku tegay goobahaas. Sida wararku ay sheegayaan cidanka Somaliland ayaa heegan culus ku jiraan tan maanta galinkii hore, isla markaana ay dhamaatay xiligii loo qabtay kooxdaas budhcada ahii inay isku dhiibaan.

"Waxa cad in Ciidanku Diyaar si wayn ugu diyaar garoobay inay Xoog Budhcadda kaga soo Furataan Dadka la Afduubay ee Reer Yurub, waxa dhamaatay wakhtigii loo qabtay, waan waantii duqayda degaankana wax natiijo ahii kama soo bixin".

Kooxdan budhcadda ah ayaa afduub muddo Toddobaad ku dhaw ku haystay buuralayda deegaanka Laas-qorey Qoyskaa dalxiisayaasha ah oo sida la aaminsan yahay u dhashay dalka Jarmalka, waxaana sida la sheegay ay ka soo afduubeen xeebta u dhaxaysa Somaliland iyo Yemen.

Ciidamadda Qaranka Somaliland ayaa ku guulaystay inay gabi ahaanba isku wareejiyaan goobta ay Budhcadaasi madax furashadda ugu haystaan dalxiisayaasha, goobtaas oo Sida wararku sheegeen ah buuralayda silsilada Golis, gaar ahaan goob ku dhaw deegaanka Laas-qorey, hasa yeeshee waxa soo kordhaya warwarka laga qabo in xaaladu isku badasho gacan ka hadal, taas oo ka dhalan karta hadii ciidamadda qaranku qaadan talaabo ay ku doonayaan inay ku soo furtaan dadka madax furashadda loo haysto.

Ciidamada Qaranku waxay haatan ku guulaysteen inay jiho kasta ka go’doomiyaan oo ay isku wareejiyaan goobta ay ku haystaan qoyskaas ajanebiga ah, gaar ahaan buuraha Calalaha loo yaqaan oo ku beegan bariga magaalada Laas-qorey.

Waxaan iyana ilaa wali war sugan laga hayn halka ay ku danbaysay waan waan ay maalmahanba wadeen duqay iyo waxgarad kale oo ka mid ah bulshada deegaankaasi  kuwaas ooh ore ula kulmay  afduubayaasha si ay arrinta uga galaan dhexdhexaadin, balse sida la sheegay ay budhcadu ku soo gacan saydheen. Sidoo kale Ciidamadda Qaranka Somaliland iyo duqaydaas ayaa tiraba dhawr jeer oo hore isku af-gartay in mar labaad odayaashu u tagaan afduubayaasha oo ay kula noqdaan waan-waan kale inta aan lagu qaadin hawlgal ciidan oo xoog lagaga soo furanayo dadka ay qafaalashada u haystaan.

Dad badan oo degaankaas ku nool iyo guud ahaan bulshadda Somaliland ayaa xiligan dhegaha u taagaya waxa ay arintu ku danbayn doonto iyo talaabadda ay Ciidamadu qaadi doonaan, dareenka laga qabo waxa dhici doona saacadaha soo socda ayaa ka danbaysay wakhtigii loo qabtay budhcadaas oo dhamaaday iyo waan waantii ay duqayda degaanku ku jireen oo aan wax natiijo ahii ka soo bixin.

Falkan afduubka ah ee ka dhacay deegaanka Degmadda Laas-qoray ayaa ah kii ugu adkaa ee Somaliland soo mara isla markaana noqonaya kii ugu horeeyay noociisa ee Somaliland ka dhaca, waxaana jira warwar badan oo ay dadka reer Somaliland ka muujiyeen falka noocaas oo kale ahii sumcad xumadda ay u keeni karto Somaliland.

Geesta kale Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa wali wax wara oo rasmiya aan ka bixin halka ay xaaladu marayso marka laga reebo shaacintii ugu horaysay ee wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaacil Cali [Cirro] ku xaqiijiyay in falkaasi dhacay, hasa yeeshee waxa la filayaa in saacaddaha soo socda warar dheeraad ah laga heli doono degaankaas, hadii Alla yidhaahdo.

Faysal Maxamed Xassan

Reporter, Harowo.com, Somaliland

Email: daralla066@gmail.com